Itoobiya Oo La Filayo In Axadda Doorashada Baarlamaanka Looga Dareero

Addis Ababa, (SLpost)- Ku dhawaad 37 Million oo ka mid ah dadka reer Itoobiya ayaa la filayaa inay ka qayb galaan doorashada  maalinta Axada soo socota ka dhacaysa dalkaa, inkastoo dawladda haatan talada waddanka haysa la filayo inay si fudud ugu guulaystaan doorashadan markii shanaad. Hadana xisbiyada mucaaradka ah ayaa ku jira ol’olahooda.EthiopiaEthiopia

Sida ay wararku sheegayaan, ilaa 58 xisbi siyaasaddeed ayaa ku loolamaya doorashada qaran ee dalka Itoobiya ka dhacaysa maalinta Axada ee bisha May tahay 24.

Xisbiga talada dalka haya ee EPRDF ayaa muddo 24 sannadood ah xukumayay dalka Itoobiya, ka dib markii awoodda laga tuuray keligii taliyihii Mingiste iyo dawladdiisii dhergiga, waxa imikana la filayaa in si sahlan markii uu ugu guulaysto talada dalkaas, iyadoo ay jiraan axsaab tiro badan oo mucaarad ahi.

Somalilandpost.net