Itoobiya Oo Joojisay Qorshii Lagu Balaadhinayay Caasimada

Itoobiya(SLpost)-Dowladda Itoobiya iska daysay qorshe lagu balaarinayo magaalada Addisababa, oo keenay mudaaharaadyo bilooyin socday.

160108142119_oromo_protesters_640x360_afp_nocredit

Mudaaharaadyo ay sameeyeen dadka Oromada ah oo ah dadka ugu badan, ayaa ka danbeeyay cabsi ay beeralayda ka qabto in dhulkooda laga qaato.

Kooxaha xaquuqda bini’aadanka ayaa ku qiyaasaya, in ugu yaraan boqol iyo afartan qof ay dhinteen tan iyo markii ay bilaabmeen mudaharaadyada bishii November.

Dowladda ayaa sheegay tirada dadka dhintay inaysan sax ahayn. Dowladda gobolka Oromia ayaa sheegtay inay joojinayso qorshaha balaarinta Addisababa, kadib markii ay la tashatay dadka deegaanka.