Itoobiya Oo Maalmo Baroor-diiq Ah Ku Xusaysa Muwaadiniin Kaga Dhimatay Saddex Waddan Iyo Badda Mediterranean-ka

itoobiyaAddis Ababa, (SLP)- Dawladda Itoobiya ayaa sheegtay inay xus baroor-diiq ah u samaynayaan 28 qof oo u dhashay dalkaas ay dhawaan kooxda IS ku dishay gudaha dalka Libya

Af-hayeen u hadlay dawladdaas oo lagu magacaabo Ridwaan Xuseen inay samayn doonaan saddex cisho oo xus baroor-diiq ah oo lagu xusayo muwaadiniintaas lagu dilay Libya. Waxaanu intaas raaciyay in xuskaas ay ku jiraan saddex qof oo kale oo ah muwaadiniin u dhashay Itoobiya oo iyaguna lagu dilay kacdoonada isir nacaybka ah ee ka socda dalka Koonfur Afrika.

Baarlamaanka dalka Itoobiya ayaa maalinta bari ansixin doona saddexda maalmood ee xuska murugada ah ee dadka laga laayay loo samayn doono, iyadoo calanka dalkaasna hoos loo dhigi doono..

Muuqaal ay shalay baahisay kooxda xag-jirka ah ee IS ayay ku shaaciyeen iyagoo laynaya laba kooxood oo kiristaan ah oo u dhashay dalka Itoobiya, kuwaasoo ku noolaa dalka Libya.

“Dagaal-yahano afka duuban, isla markaana gacanta ku haya baastoolad ayaa sheegay in kiristaanku ay islaamaan ama ay bixiyaan lacag jzyo ah. Muuqaalkaas ayaa muujinayay kooxdaas Itoobiyaanka ah oo qaarkoodna rasaas lagu dilayo, qaarna qoorta laga jarayo.”

Dawlada Itoobiya ayaa sheegtay inay ka murugaysan tahay dhacdadaas, “May caddeyn markii hore in dadkaasi ay ahaayeen Itoobiyaan, waxaana baadhay oo arrintaas u hawl-gashay safaaradda Itoobiya ee magaalada Qaahira. Sida uu sheegay Af-hayeen Ridwaan Xuseen.

Redwan’s response in which he took the opportunity to warn Ethiopians leaving the country using various means has also angered many. “If this is confirmed, it will be a warning to people who wish to risk and travel to Europe through the dangerous routes,” Redwan told AP.

Subaxdii hore ee saakad kiniisadaha dalka Itoobiya ayaa cambaareeyay dilka loo gaystay muwaadiniinta dalkaas, iyadoo horena uu u cambaareeyay dalka Mareykanku.

Warkan ayaa kusoo beegmaya dhawr maalmood ka dib markii dalka Konfur Afrika lagu weerar ajaanibka Afrikaanka ah eek u nool halkaas, kuwaasoo ay ku jiraan dad u dhashay Itoobiya.

Sidoo kale waxa jira warar soo baxay maalintii Axadda oo sheegaya in doon siday tahriibeyaal ayay qarqoontay badda Mediterranean-ka, taasoo ay la socdeen muwaadiniin Itoobiyaan ah oo isugu jira rag iyo dumar

Dhinaca kale, dagaalka ka socda dalka Yemen ayaa lagu qabtay, kuwaasoo la rumaysan yahay in la laayay.

 

Somalilandpost.net