Itoobiya, Masar Iyo Suudaan Oo Ku Heshiiyay Dhammaystirka Daraasada Biyo Xidheenka Itoobiya 

Hargeysa(SLpost)-Kulankii ka socday Khartuum ee u dhaxeeyey Wasiirada Arrimaha Dibada ee dalalka Masar, Itoobiya iyo Sudan ayaa laga soo saaray heshiis horleh oo la xidhiidha Biyo-Xidheenka Itoobiya dhiseyso.

Khilaaf xoogan ayaa soo dhexgalay sadexdan wadan oo isku afgaran waayey qeybsiga biyaha wabiga Nile, kadib markii Masar iyo Sudan ay sheegeen in hawsha ay Itoobiya wado ay hoos u dhigi doonto biyaha wabiga oo ay ku nool yihiin dalalkaasi.

Shakiga ugu weyn ayaa la xidhiidha Masar iyo Sudan oo aaminsan in Itoobiya ay dooneyso in biyaha Wabiga u weeciso dhanka beeraheeda, balse Itoobiya ayaa sheegaysa in Biyo-Xidheenkan uu yahay oo kaliya mid ay doonayaan in ay koronto ka dhaliyaan, isla markaana aanaywax hoos u dhac ah ku imaan doonin biyaha ay helaan dalalka Masar iyo Sudan.

Itoobiya ayaa dar dar sii gelisay dhismaha Biyo Xidheenka bilihii lasoo dhaafay, xili ay dalalka Masar iyo Sudan ku baaqayeen in la hakiyo dhismaha inta laga dhameystirayo Daraasada ay cilmi-baaddhayaal ku sameynayaan saameynta uu biyo xidheenkan ku yeelan karo qeysbiga biyaha ee wadamadaasi.

Sadexdan dal ayaa wadahadalkoodii Khatruum ee sadexda maalmood socday kasoo saaray heshiis is-afgarad ah oo ku saabsan in la dhameystiro Daraasada Cilmi-baadhista ah oo ay shirkado dhex dhexaad ah ku sameyn doonaan saameynta biyo xidheenka iyo isu-dheeli tirka biyaha ay wabiga Nile ka helaan Sadexdan wadan.

Labada shirkadood ee baadhitaankan sameyn doona oo laga leeyahay dalka France ayaa lagu heshiiyey inay kusoo afjaraan baaritaankooda muddo 15 bilood gudaheed ah.