Isuduwaha Caafimaadka Gobolka Maroodi-jeex oo beeniyey war lagu sheegay inuu horjoogsaday goob xannaanno laga dhisayo

Hargeysa (SLpost)- Isu-duwaha Caafimaadka Gobolka Maroodijeex Dr. Sayid Ismaaciil Xasan, ayaa sheegay inay wasaaradda caafimaadka ka go’antahay ballaadhinta dhismayaasha caafimaadka, gaar ahaan xannaannooyinka (MCH-yada), isagoo xusay inay wasaarad ahaan soo dhawaynayaan cid kasta oo arrintaas gacan ka gaysanaysa.

Dr. Sayid Ismaaciil Xasan oo soo saaray qoraal uu ku beeniyey war ku soo baxay wargeyska madaxbannaan ee Foore, waxa uu tilmaamay inuu maayarka caasimadda Hargeysa ka codsaday dhul laga dhiso ilaa 22 goobo caafimaad ah oo loogu tallogalay gobolka Maroodi-jeex, isagoo waxba kama jiraan ku tilmaamay warar sheegaya inuu hor joogsaday xannaanno la doonayo in laga dhiso xaafada Sheekh Cumar ee magaalada Hargeysa.

isu-duwaha Caafimaadka Gobolka Maroodijeex “Waxaan waxba kama jiraan iyo been abuur cad ku sheegayaa war maanta (shalay) oo bishu tahay 24/08/2013 ku soo baxay wargayska FOORE oo wargaysku ku qoray in Isuduwaha Caafimaadka ee Gobolka Maroodi-jeex is hor taagay xannaano loo dhisayay xaafada Sheekh Cumar ee magaalada Hargeysa oo yidhi ‘la dhisi maayo ilaa laaluush lacag ah la bixiyo mooyee.’ waa sida wargaysku u qoray.

Haddaba, arrintaas oo igu noqotay runtii mid ugub ah oo aan la yaabay ayaan jecelahay in aan ummadda u xaqiijiyo in aanay waxba ka jirin. Maxaa yeelay? Waa wax meesha ka fog. Haddaba, Wargayska Foore waxaan uga fadhiyaa inay iga daw-bixiyaan oo ii caddeeyaan cidda ii timi ee aan laaluushka waydiistay.

Hadaan u soo noqdo dulucda jawaabtayda, waxa Wasaarada Caafimaadka ka go’an inay ballaadhiso dhismayaasha caafimaadka oo ay soo dhawayso cid kasta oo wax u qabanaysa bulshada danyarta ah. Haddaba,  waxa maalintii  Khamiistii ee bisha August ahayd 22 waxa ii yimi odayaal muxtarim ah oo ka socday degmada Sheekh Cumar oo ka koobnaa 7 oday, waxayna ii sheegeen inay Hay’adda Caritus u soo ogolaatay dhismaha Xarunta Hooyada iyo Dhalaanka (MCH) ee waxaan kaa rabnaa inaad noo ogolaato ood noo saxeexdo. Waxaan ugu jawaabay; ‘waa arrin aad u muhiima oo anagaaba ka wasaarad ahaan dedaal ugu jirnay sidii Sheekh Cumar iyo meelo kale oo badan uga dhisi lahayn goobo caafimaad.’ Annigoo Isuduwaha Caafimaadka ee Gobolka Hargeysa ah ayaa muddo laga joogo laba bilood waxaan maayirka caasimada ka codsaday inuu noo ogolaado dhul laga dhiso 12 xannaanno (MCH-yo), arrintaasina waxay muujinaysaa sida  ay wasaarada caafimaadka Somaliland uga go’an tahay in la balaadhiyo oo gobol ilaa degmo kasta oo dalka ah la gaadhsiiyo adeegyada caafimaadka.

odayaashii ii yimi ee ka socday xaafadda Sheekh Cumar waxaan ku idhi; ‘si aynu u ilaalino anshaxa dawladnimo iyo masuuliyada wasaaradda caafimaadka, Hay’adda Caritus ee xannaannada idiin dhisaysaa ha soo marto sharciga wasaarada si la iskula meel dhigo nimaadka (Standard) u yaal dhismaha xannaanooyinka caafimaadka, kadibna ka gobal ahaan sida ugu dhakhsaha badan ayaanu uga hawlgalaynaa oo waan fulinaynaa dhismaha xannaannada xaafadda Sheekh Cumar, odayaashiina runtii waannu isla qaadanay arrintaas. Markaa waxaan leeyahay ma jirto wax aan horjoogsaday iyo cid aan laaluush waydiistayba. Wargeyska Foore-na waxaan leeyahay arrintaas caddaynteedii waan idiinka fadhiyaa, waxaana fiicnaan lahayd sida anshaxa saxaafadda iyo xeerarka warbaahintu dhigayaan in aan ila soo xidhiidhaan oo wax iga weydiisaan warka aad qorteen si aannu u noqon mid been abuur ah, bulshaduna idiin aaminto, laakiin hadda waxa aad samayseen arrin been abuur ah oo aanay waxba ka jirin,” ayuu Isuduwaha Caafimaadka Gobolka Hargeysa ku soo gunnaanaday qoraalkiisa.

SOMALILANDPOST.NET

contact@somalilandpost.net