Isu-duwihii Ciyaaraha Gobolka Sanaag Barri oo Putland u goostay iyo kii Kalluumaysiga oo ka sii horeeyey

Badhan(SLPOST) Isu-duwihii Wasaaradd Dhalinyarada iyo Ciyaaraha Maxamed C/laahi ayaa lagu soo waramayaa in uu u goostay dhinaca Garowe, halkaas oo uu hore u sii joogay Isu-duwihii wasaaradda kalluumaysigu.

download (6)

Isu-duwayaashan ayaa ujeedada ay u goosteen lagu sheegayaa in ay Maamulka Cusub ee Puntland u doonteen mansabyo si ay uga helaan dhaqaale, waxaanay wararka la xidhiidha tagitaankoodu sheegayaan in aanay illaa hada wali xukuumadda Somaliland wax talaabo ah ka qaadin isla markaana aanay illaa had acid kale u magacaabin Manaasiibta ay ka yaaceen.

Dhinaca kale, wararka naga soo gaadhaya magaaladad badhan ayaa sheegaya in la filayo in Ciidamo Puntland laga soo diray ku soo waajahan yihiin Gobolkaasi, kuwaas oo hordhac u ah safar maalmahanba la hadal hayey oo uu ku imanayo Madaxweynaha Maamul Goboleedka Puntland C/wali Gaas.

Xukuumadda Somaliland ayaa heegan buuxa galisay Ciidamadeeda Xuduuda, iyadoo wacad ku martay in aanay Madaxda Puntland iman Karin Goboladdeeda, hase yeeshee dhinaca kale ayaa iyana wali wada damacooda ay ku sheeganayaan Gobolladaasi, wallow aanay illaa hada wax talaabo ah oo lagu tijaabin karo labada dhinac aanay midkood-na qaadin.

 

Somalilandpost@live.com

Hargeysa/Office

Somaliland