Israel vs Palestine: Askari Yuhuudi ah oo lagu beddelay 1000 maxaabiis Falastiiniyiin ah

Qaahira, (SLpost)- Kooxda Xamaas ee u dagaalanta xornimada dhulweynaha Falastiin ayaa maanta sii daayey askari ka tirsan ciidamada Yuhuudda oo muddo shan sanno ka badan ay haysteen, halka Israa’iil ay sii daysay 1000 ka mid ah falastiiniyiinta xabsiyada ugu jiray oo ay ka mid ahaayeen saraakiil ka tirsan ururka Xamaas.

Askariga Yuhuudiga ah oo lagu magacaabo Gilad Shalid isla markaana markii ay Xamaas qabsatay da’diisu ahayd 20-sanno jir ayaa markii la sii daayey waxa uu ka hadlay telefishan Afka Yuhuudda ku hadla oo laga leeyahay dalka Masar, waxa uu sheegay inuu sii dayntiisa ka war helay todobaad ka hor.

Askariga Yuhuudiga ah oo salaamaya Raysalwasaarahiisa

Shacbiga Israa’iil ayaa mar kaliya farxad ku damaashaaday markii ay ka war heleen sii-daynta Askariga. Laakiin waxay ka xumaadeen sii daynta boqolaal maxaabiis Falastiiniyiin ah oo lagu beddeshay.

Raysalwasaaraha Yuhuudda Benjamin Netanyahu oo soo dhaweeyey askariga la sii daayay ayaa Falastiiniyiinta la siidaayey uga digay inay mar kale ku soo noqdaan xabsida dalkaas isla markaana la ciqaabi doono.

Hoggaamiyaha Xamaas, Ismaaciil Haniya

Dadka siyaasadda ka faallooda qaarkood ayaa sheegaya in heshiiskan ay gaadheen labadan dhinac ee isku cadawga ahi uu saamayn deg-deg ah ku yeelan doono Israa’iil.

Askariga Yuhuudiga ah ayaa markii la sii daynayey waxa laga soo qaaday Marinka Gaza iyada oo loo tallaabiyey dhinaca gacanka Sinai halkaas oo lagu wareejiyey saraakiil Masaari ah. Isla markiiba waxa lagu wareejiyey saldhig Milatari oo ku yaala xudduudka labada dal halkaas oo lagu baadhay caafimaadkiisa.

Baabuurta lagu siday Maxaabiista Falastiiniyiinta ah

Boqolaal qof ayaa isku diyaariyey magaalada dhinaca Woqooyi ee Israa’iil ku taala oo uu askarigan qoyskiisu deggen yahay kuwaas oo soo dhawaynayey, halka basas lagu sido maxaabiista Falastiiniyiinta ah ee la sii daayey, ayaa lagu soo dhaweeyey isla markii ay yimaaddeen marinka Gaza.

Maxaabiista Falastiiniyiinta ah oo qaarkood lagu sido dhabarka waxa si weyn u soo dhaweeyey hoggaamiyeyaasha Xamaas oo gacan qaaday maxaabiista.

Dhinaca Daanta Galbeed ee maamulka Falastiiniyiintu ka taliyo, waxa soo dhaweeyey maxaabiista madaxweynaha Falastiin Maxamuud Cabbaas, halkaas oo maxaabiista loo qaaday qabriga halyeygii Falastiin Yaasir Carrafaat.

Askariga Yuhuudiga ah oo la siidaayey

“Waxaanu Illaahay uga mahad-celinaynaa inaad soo laabataan idinka oo bad qaba. Waxaad tihiin halgameyaal xornimada u dagaalamaya, mujaahidiin barakaysan oo u dagaalamaya Illaahay iyo dhulkiina dartii,” ayuu yidhi madaxweynaha Falastiin oo soo dhawaynaya maxaabiista.

Haseyeeshee, waxa isku dhac iyo mudaharaad ka dhacay xadka u dhexeeya Israa’iil iyo Daanta Galbeed ka dib markii dib-u-dhac ku yimi sii daynta maxaabiista isla markii uu Askariga Israa’iil dhulkiisa ka dagay.

Heshiiskan hirgalay oo weli qabyo ah, Israa’iil iyo Xamaas oo dhowr jeer wada-hadallo ka yeeshay iyada oo ay dhex-dhexaadinayaan ergo ka socota Jarmalka iyo Masar, Israa’iil waxay ku ogolaatay inay sii dayso 1000 ka mid ah maxaabiista Falastiiniyiinta in kasta oo hadda ay sii daayeen 477 maxbuus oo qaarkood xabsi-daa’in ku xukunnaayeen.

Maxaabiista sii dayntooda lagu heshiiyay inta hadhsan oo lagu qiyaasay 550, waxa loo qoondeeyey wejiga labaad ee heshiiska ay gadhwadeenka ka tahay dawladda Masar, kuwaas la filayo in lagu dhammaystiro muddo laba bilood ah.

Askariga Yuhuudiga ah ee Shalit waxa la qabsaday bishii June 2006 wakhtigaas oo mintidiin Falastiiniyiin ahi dhanka Marinka Gaza, iyagoo marinno dhulka hoostiisa maraya, uga tallaabeen Israa’iil, dabadeedna weerareen Taangi uu saarnaa oo ka hor intii aanay isaga qafaalan, qudha ka jaray laba ka mid ah asxaabtiisa.

Somalilandpost.net

Contact@somalilandpost.net