Israa’iil oo Diiday in Man-hajka Dugsiyadeeda Lagu Daro Buug ka Hadlaya Jacayl Dhexmaray Carab iyo Yuhuud

Tel Aviv (SLpost)- Wasaaradda Tacliinta ee dalka Israa’iil, ayaa diiday codsi lagu dalbaday in dugsiyada man-hajkooda waxbarasho lagu daro buug ka waramay qiso jacayl ah oo dhexmartay wiil reer Falastiin ah iyo gabadh Yuhuudiyad ah, kadib markii ay ka cabsatay wasaaradu in ardaydu is dhex gasho, isna dhaqan fahmaan.

df1edad5ea9e4750858947070cf02afe_18

Wargeyska maalinlaha ah ee Haaretz oo ugu caansan dalka Israa’iil oo Mankaab soo xigtay, ayaa soo daabacay warqad ay Wasaaraddu ku diiday dalabkaas, kuna sheegtay in aan buuggaagta noocan ah ardayda la bari karin, maskaxdoodana lagu beddeli karin.

Buugga sida gaarka ah loo dalbaday oo la yidhaa Dorit Rabinya “Gader Haya”, caankana ku ah magaca “Hedgegrow, balse Luuqadda English lagu yidhaa “Borderlive” oo noqonaysa “Noloshii Xuduuda”, balse Wasaaraddu ka saartay man-hajka waxbarashada, iyadoo ka cabsi qabta in Carabta iyo Yuhuudu isu soo dhawaato oo ardaydoodu ogolaadaan dadka Carabta ah.

Wasaaraddu ma ay caddayn in ay ka cabsi qabto in jinsiyada amma dhaladnimada ardaydooda iyo aaminsanaanta Yuhuudinimada in arrintan khatargelinayso oo ay ka cabsi qabaan in Carabtu si toos ah ay isu dhexgalaan, balse macalllimiinta ayaa buuggan codsaday in lagu daro buuggaagta Wasaaradda ee ardaydu akhrisanayaan.

Buuggan la yidhaa “Borderlife” ee Noloshii Xuduuda oo ku qoran luqadda Yuhuudda ee Hebrew oo uu turjumay nin Israa’iili ah, kaasoo ka sheekaynaya farshaxan reer Falastiin ah oo jeclaaday gabadh Yuhuudiyad ah oo ku nool magaalada New York ee dalka Maraykanka, jacaylkooduna socday ilaa intii ay Tel Aviv ku soo noqonaysay, halka uu isaguna ku noolaa daanta galbeed ee magaalada Ramallah.

Buuggan waxa uu sannadkan ku guulaystay abaalmarinta la yidhaa Bernstein Prize ee lagu maamuuso qorayaasha da’da yar.

Xigasho Maankaab