Israa’iil oo burburisay Masaajidka iyo Jaamacadda ugu weyn Gaza iyo Boqorka Sucuudiga oo markii u horeysay ka hadlay Xasuuqa lagu hayo Shacabka Falastiin

CAIRO (SLpost)- Diyaaradaha Dagaalka ee Israa’iil, ayaa shalay duqeyntooda la bar-tilmaameedsaday Jaamacad lagu Barto culuumka Islaamka iyo mid ka mid ah masaajiddada ugu waaweyn magaalada Gaza ee dhulka Falastiin, iyada oo shalay lagu gudo-galay maalintii 26-aad ee Ciidamada Israa’iil hawl-galka milatari ka wadaan Gaza.

Qaybo badan oo ka mid ah Jaamacadda Islaamiga ah ee Gaza, ayaa gebi ahaanba dhulka lala simay, iyaga oo milatariga Israel sababta ay u weerareen jaamacadda ku sheegay in lagu farsameyn jiray hubka noocyadiisa kala duwan, haseyeeshee ma jiro cid wax ku noqotay weerarkaas.

Sidoo kale, waxa ay ciidamada Yuhuuddu burburiyeen Masaajidka Shifa oo ka mid masaajiddada ugu ballaadhan magaalada Gaza, kaas oo dhaawacyo ka soo gaadheen gantaal diyaaradaha Israa’iil la eegteen shalay subaxnimadii.

Wariye ka tirsan telefishanka Al Jazeera oo booqday Jaamacadda iyo Masaajidka saacado ka dib duqeynta loo geystay, ayaa sheegay in duqeynta diyaaradaha Israa’iil dhaawac weyn u geysteen masaajidka iyo Jaamacadda.

“Waxaan la hadlayday maamulka masaajidka oo ii shegay inay sannado badan ku qaadatay ururinta lacagta lagu dhisay, balse hal daqiiqo gudaheeda lagu burburiyey,” sidaas waxa yidhi Wariye Imtiaz Tyab oo labada gooboodba gaadhay saacado ka dib duqeymaha loo geystay labada goobood.

Ciidamada Israa’iil ayaa lagu eedeyey inay maalmihii u dambeeyey bartilmaamedsanayeen xarumaha Dadweynaha, waxaanay ugu yaraan duqeymo u geysteen lix cusbitaal, xarumo waxbarasho oo Qaramada Midoobay gacanta ku haysay.

Goobaha ay ciidamada Yuhuuddu duqeymaha ka geysteen waxa ka mid ah magaalada Rafah ee ku taala Koonfurta Marinka Gaza, halkaas oo ay shalay ku dileen 35 qof oo shacab ah, iyada oo baadi-doon ugu jira Sarkaal ka tirsan Ciidamadooda oo la afduubay, sida ay xaqiijiyeen saraakiisha Caafimaadka ee cusbitaalka Ashraf al-Qudra ee magaalada Rafah,

Milariga Israa’iil, ayaa rumaysan in sarkaalka ciidankooda ka tirsan oo la yidhaahdo Hadar Goldin, ay kooxda Hamas Afduub u geysteen weerar ay ku qaadeen subaxnimadii Jimcaha cutubyo ka tirsan Askarta Yuhuudda oo hawl-gal ka fulinayey deegaamo ka tirsan marinka Qaza, isla markaana laga dilay laba Askari.

Dadka shacab ah oo tiradooda lagu qiyaasay 107 qof ayaa ku dhintay duqeymaha Israel tan iyo gelinkii hore ee Jimcaha oo ay burburtay xabbad-joojin Maraykanka iyo Qaramada Midoobay u jeediyeen labada dhinac, taas oo tirada guud ee Falastiiniyinta la dilay ka dhigaysa 1,655 qof oo badankoodu yihiin dad shacab ah halka tirada dadka ku dhaawacmayna ay ka badan tahay 8,900 qof, sida ay sheegeen hawl-wadeennada Caafimaadka ee Gaza.

Dhinaca Israa’iil waxa dagaalka kaga dhintay 63 Askari iyo saddex qof oo shacab ah oo midkooda yahay muhaajir u dhashay dalka Thailand oo dalkaas ka shaqaysanayey, tan iyo markii uu bilaabmay hawl-galka milatari ee Israa’iil ka waddo Marinka Gaza 8-dii July ee bishii hore.

In kasta oo lagu guul-darraysatay dhowr jeer oo laysku dayey xabbad-joojin laga dhex-dhaliyo Xamas iyo Israa’iil, haddana waxa weli socda dedaallo dibloomasiyeed oo lagu raadinayo in xal loogu helo gumaadka lagu hayo shacabka Falastiiniyiinta ah.

Wefti ka socda Falastiin, aya ala filayey inay dorraad gaadhaan magaalada Qaahira ee Masar si looga wada-hadallo xabbad-joojin. Balse Israa’iil, ayaa sheegtay in aanay wax wefti ah oo waan-waan ka qayb-qaata u direyn Qaahira iyaga oo Xamaas ku eedeeyey inay marin-habaabinayaan dhex-dhexaadinta beesha Caalamka.

Madaxweynaha Masar Cabdifataax El-Sisi, ayaa sheegay ayaa ku baaqay in la soo afjaro dagaalada dhiigga shacabku ku daadanayo ee ka socda Gaza. “Waa muhiim in wakhtiga laga faa’idaysto si aynu u hakinno dagaalka ka socda Gaza oo aynu u joojinno dhiigga daadanaya ee shacabka,” ayuu yidhi madaxweyne El-Sisi.

Qorshaha dhex-dhexaadinta ee dawladda Masar ku baaqday, waxa dabada ka riixaysa dawladda Israa’iil, waddamada Carabta qaarkood, Maraykanka iyo Qaramada midoobay, haseyeeshee waxa ku gacan-saydhay kooxda Xamaas ee ka talisa marinka Gaza, iyaga oo u arkayey qorshe Israa’iil ka dambayso oo khiyaamo loogu maleegayo. Waxaanay kooxda Xamaas ku doodeen dhex-dhexaadin kasta oo laga dhex-wado iyaga iyo Israa’iil in ay ku jirto inay Israa’iil ka qaaddo marinta Gaza cuna-qabataynta saaran oo haatan siddeed jirsadatay.

Marinka Gaza oo ay muddo badan ka talinaysay kooxda Xamaas, waxa ku nool Falastiiniyiin tiradooda lagu qiyaasay Hal Milyan iyo siddeed boqol oo qof, waxaana xuduud la wadaagaa waddamada Israa’iil iyo Masar oo labadoodu xuduudahoodu ka xidhan yihiin in shacabka Falastiiniyiintu ka gudbaan.

Dhinaca kale, Boqorka Sucuudiga Cabdale bin Cabdicasiis, ayaa cambaareeyey xasuuqa ciidamada Israa’iil ka geysanayso Marinka Gaza, sida ay baahiyeen idaacadaha iyo telefishannada laga leeyahay dalka Sucuudiga oo laga sii daayey cod laga soo duubay.

“Dhiigga daadanaya ee walaalahayaga Gaza waa xasuuq iyo dunuub laga galayo xuquuqda bani’aadamka. Bulshada caalamku way iska indho-tiraysaa waxa ka socda Gaza oo cid waliba arkayso,” ayuu yidhi Boqor Cabdalle.

Boqor Cabdalle waxa uu ka digay aamusnaanta aan loo qiil-dayin ee bulshada caalamku inay horseedi doonto inay adduunka ku soo kordhi doonnaan bulsho ku garaadsata dhalinyaro nacayb iyo cadownimo lagu beeray oo rumaysan inay xaqooqda ku dhacsadaan qoriga caaradiisa.

SOMALILANDPOST.NET