Israa’iil oo Adkaynaysa Ammaanka Deegaanada Carabta Kadib Cabsi Soo Waajahday

Israa’iil(SLpost)-Ra’iisul Wasaaraha Israa’iil, Benjamin Netanyahu, ayaa sheegay in la adkeyn doono ammaanka deegaanada Carabta Israa’iil kaddib markii Jimcihii ay ka dhacday toogasho magaalada Tel Aviv.

Mr Netanyahu ayaa shumac ku shiday bannaanka hore ee baarkii uu ninka hubeysan ku furay rasaasta, halkaasi oo uu ku dilay laba qof islamarkaana uu ku dhaawacay todaba qof oo kale ka hor inta uusan cararin.

Waxa uu intaasi raaciyay in Israa’iil ay qaadi doonto tallaabooyin dheeraad ah si ay uga hortagto dilalka.

Ciidammada ammaanka ayaa weli waxa ay baadi goobayaan qofkii gaystay weerrarka, kaasi oo ay booliska ku sheegeen in uu ahaa 29 jir Carabta Israa’iil ah kana soo jeeda tuulada Arara ee waqooyiga Israa’iil.

Muuqaal ay duubeen kaamerooyinka la socda ammaanka ayaa muujiyay ninka hubeysan oo qori boobe ah kala soo baxaya boorso kaddibna xabad ku furaya dad ku sugnaa waddo mashquul badan oo ay ku yaalaan baarar iyo makhaaxiyo.