‘Islaamka iyo dastuurka maraykanka isma qaadan karaan’Ben Carson

US(SLpost)-Musharax ka tirsan xisbiga Jamhuuriga oo doonaya in uu u tartama xilka madaxtinimada dalka Maraykanka ayaa ku dooday in diinta Islaamka dastuurka Maraykanka aysan isqaadan karin.

Ben Carson, oo ah dhakhtar hawlgab ah oo ku takhasusay xanuunada neerfaha ayaa sheegay in aanu waligii aqbali doonin in qof muslim ah uu madaxweyne ka nqodo dalka Maraykanka.

bencarson

Hadaladiisan ayaa yimid maalmo kadib markii ninka ugu cadcad tartanka musharaxnimada xisbiga Jamhuuriga, Donald Trump, uu diiday in uu iska fogeeya mid kamid ah taageerayaashiisa oo ku eedeeyay madaxweyne Obama in uu muslim yahay oo xitaa ‘’uusan Ameerikaan dhalad ah ahayn’’.

Madaxweynaha Machadka darso arimaha carabta Maraykanka ayaa BBC-da u sheegay in arigtida Mr. Carson ay tahay mid nacsinimo ah.

Xigasho BBC