Isku Aadka Horyaalka Yurub Oo Dhamaystian : United Oo Af-Libaax Gashay

Manchester United ayaa ku dhacday kooxda horyaalkii hore difaacanaysa ee Bayern Munich, isku aadka horyaalka Yurub oo shallay La soo saaray. taas oo noqonaysa tijaabo kale oo kooxda shayaadiinta dharka cas ku sugaysa kulamada rubuc dhamaadka Champions League.

Manchester-United-Oo-Af-Libaax-Gashay-Isku-Aadka-Horyaalka-Yurub-Oo-Lagu-DhawaaqayBayern, oo sanadkana markale ka mid ah kooxaha ugu cad cad , ayaa rajaynaysa inay si fudud ugu gudubto wareega semi finalka, laakiin waxa suuro gal ah in rajadaasi sida kale isugu rogto , ayna soo baxdo Man United, fikir kaasna waxa qaba Luis Figo oo gacantiisa ku qaaday qori tuurkii Jimcahii shallay ka dhacayay magaalada Nyon, ee wadanka Switzerland.

Kooxda Barcelona ayaa iyadu ciyaaraysa kulan Spanish- ku is reebi doonaan kadib markii nasiibku ku beegay kooxda Atletico Madrid oo saddex kulan oo ugu dambeeyey oo ay wada ciyaareen ay Catalanku ku guul daraysteen inay dhaafaan, halka kooxda Germalka ah ee Borussia Dortmund laga filayo inay ka aar goosato kooxda Real Madrid oo ka reebtay horyaalka sanadkii hore.
Paris Saint-Germain ayaa afka uga gashay kooxda horyaalka Ingiriiska hor boodaysa ee uu wato tababare Jose Mourinho ee Chelsea.

Carlos-Puyol-oo-ku-dhawaaqay-Inuu

CADALOOL.COM