Iskadaa Ingiriisoo Hadii Yuruboo Dhami Dareerto Anigu Ku Debci Maayo – W/Q: Garyaqaan Muuse Yuusuf

Garyaqaan Muuse
Garyaqaan Muuse

Dalkaygan Jamhuuriyada Somaliland Waxa uu goaansadey Gooni isutaag Qaranmo Madax banaan Kaas oo ka dhacay burco 18 May 1991 Iyadoo aanan cidna taageero iyo taakulayn kaga doonayn kagana rabin waxaynu gaadhnay heer aynu kor marno wadamo soo jirey qarniyo xaga nabad-galyada, Dimuqraadiyada iyo hanaanka maamul dawladeed oo leh golayaal dhamays tiran oo aanu ku ilewnay dhimashadii iyo dhiig bixii riiqda dheera ee aanu u soo marney helida gobonimodii lixdankii siqiirtay sidaas darteed hadii maanta aynu la ku lano caqabado culus oo siyaasi ah waa in aynaan ku debcin ee aynu uga adkeysanaa sidii aynu ugu soo samirnay xiliyadii gobonimadoonka ee 40tamaadkii ilaa 60amaadkii ee aynu iska dhicinaynay heeryada gumaystihii ingiriiska maantana gefkiisa ku dara danbiyadii hore ee uu inaga galay oo aynu kula xisaabtami  doono wakhtiga aynu isbixinkarno mustaqbalka dhow insha allaahu, Shacbiga soomaaliland waxaan leeyahay maaanta waxaa xusuusataan hadalkii Marxuum Mujaahid Ibraahim Maygaag Samatar ee ahaa {Hadii layna aqoonsan waayo waligayo waxaanu ahaanaynaa qaran madax-banaan sida taiwan} waa sidaaas balankii shacbigu ee qalinka iyo qawlkeenuba ha noqdo mid difaaca qaranimada Somaliland.

Qalinkii: Garyaqaan Muuse Yuusuf Maxamed