Iskaashatada Kalluumaysiga WADA-JIR ee degmada Maydh oo soo Dhowysay Hirgelinta Shirkadda Pountas Marine

maydhMaydh (SLpost)- Guddoomiyaha Shirkadda Kalluumaysiga WADAJIRA ee Degmada Maydh Cige Axmed Ismaaciil ayaa soo dhoweeyay Maal-gashiga iyo Hawlaha Kalluumaysi ee shirkada Pountas Marine dhawaan ka bilaabi doonto xeebaha Somaliland.

Guddoomiyaha oo u waramay saxaafadda, ayaa ku tilmaamay talaabo wanaagsan hirgelinta shirkada Pountas oo maal gelin xoog leh ku samaynaysa dhinaca ka faa’iidaysiga khayraadka badda.

Iskaashato ahaan waanu soo dhoweynaynaa shirkadaa,anagoo ka shaqaysan doona isla markaana ka faaiidaysan doona khibradaha iyo aqoonta casriga ah ee kaluumaysiga,waxa kale oo arintani ka qayb qaadan doontaa shaqo abuuris ay bulashadu ka heli doonto,waxanu ku rajo weynahay inay shirkada pountas wax badan ka qaban doonto hir gelinta nidaam kaluumaysi oo leh tayo sare] ayuu yidhi gudoomiye Cige.

Dhowaan ayay ahayd markii lagu daah furay gobolada Somaliland shirkadda Pountas Marine,taas oo dadweynuhuna    ku qaabileen dareen yididiilo leh,kaas oo lagu rajo weyn yahay in lagaga baxo baahidii loo qabay in dalku yeesho kaluumaysi isku filan,oo dadka ka haqab tiro helitaanka wax soo saar dhinaca badda ah.

SOMALILANDPOST.INFO

contact@somalilandpost.net