Iska noqo Xidhibaan Deegaan!!!!!! W/Q:KhadarJaamac Dirir

Marka hore dhammaantiin akhristayaal waan idin salaamay, salaan ka dib haddii aan u soo noqdo maqaalkan waxan ku eegaya xaalada imika ku aadan rabitaanka musharaxnimadda gobolaha deegaan oo si baalaadhan ugu socda dalka iyo goboladda.

Marka haddii aynu doonayno musharax wax ka bedela dalka oo u adeegaya bulshadda waa in aynu ku doorana kartidiisa iyo hawlkarnimadiisa, balse waxaa ii nasiib-darro ah in aynaan u dooran reernimo ee aynu u doorano in uu wax ka bedelo bilicda magaaladda.

Micnuhu kama dhigna in aan ula jeedo Musharax gaar ah oo u taagan xilka golaha deegaanka, laakiin u jeedadu waxay tahay inay wax ku soo kordhiyaan habacsanaanta ka muuqata golihii deegaanka ee iyaga ka horeeyey oo ku mashquulsan danahooda gaarka ee ay meesha u yimaadeen.

Xilka musharaxnimo oo ay u taagan yihiin musharixiin aad u badan ayaa looga baahanyahay musharixiinta soo baxa inay noqdaan kuw aan ku imin hab beelaysan, laakiin ay noqdaan kuwo waxa ku soo kordhiya caasimadda ay ragaadiyey wada xumadda iyo khashinku.

Waxaa hubaal ah in Musharax waliba ee u taagan musharaxa golaha deegaanka caasimaddu ay maankiisa ku jirto inuu tartar galiyo hawlaha horyaala oo aynu odhan karno waa mid aad u baaxda wayno oo u baahan in shacabku gacanka siiyo dhalinyaradda u tartamaysa golaha deegaanka  hawsha ay u tartamayaan si loo helo jiil cusub oo bedela golahaan ku ciraystay deegaanka.Laakiin saaxiib iska noqo xildhibaan deegaan.