Iska hor-imaad sababay Dhimasho iyo Dhaawac oo laba Beelood ku dhexmaray Killalka Shanaad ee Itoobiya

Balli-Gubadle (SLpost)- Laba  Ruux  ayaa ku dhintay  mid kalena waxa soo gaadhay dhaawac, ka dib markii sida la sheegay Duhurnimadii  shalay  ay niman hubaysani rasaas ku fureen  Xaafado Xoolo-dhaqato ah meesha la yidhaahdo Dacawalay oo ka tirsan deegaanka Abbokor Axmed ee killalka shanaad ee Itoobiya.

Sida ay noo xaqiijiyeen qaar ka mid ah Odayaasha deegaanka gobolka Hawd, iska hor imaadka ayaa ka dhacay Tuulada Dacawalay  oo  dhinaca Galbeed kaga beegan Degmadda Abbokor Axmed oo ka tirsan deegaanka Ismaamulka Soomaalida Killalka Shanaad ee dalka Itoobiya..

Wararka laga helayno deegaankaasi waxa kale oo ay sheegayaan in is rasaasayntaasi ay ku dhinteen laba nin oo magacyadoodu kala ahaayeen Marxuum Yuusuf Axmed (Jees) iyo marxuum Axmed Muxumed Sheekh Xuseen, waxaana la caddeeyay in ay dhinteen, halka uu  dhaawac halis ahi soo gaadhay Yuusuf Qodax oo labadaasi marxuum la joogay. Meydka Labada marxuum iyo dhaawaca ninkaasi ayaa la sheegay in la soo gaadhsiiyay xalay ahaan degmadda Laanqayta oo ka tirsan killalka shanaad ee Itoobiya, halkaas oo Meydka labadaasi nin  lagu aasi doono.

Ma jiro illaa hadda wax war ah oo ka soo baxay dhinaca maamulka  deeegaanka uu dilku ka dhacay iyo beelaha  uu dilkani dhex maray toona.

Bilihii ugu dambeeyay ayaa waxa degaankaasi  ka taagnaa cabsi iyada oo ay labada beelood ee ay ka soo jeedaan nimanka la dilay iyo kuwa dilka geystay,  uu  dhawaan dhex maray  dagaal fool ka fool ah. Dagaalkaasi oo ku dhex maray  deegaanka Abbokor Axmed,   waxaana  dagaalkaasi labada beelood ka soo gaadhay khasaare dhimasho iyo dhaawacba isugu jira.

Somalilandpost.net

Editor@somalilandpost.et