Ishaa Macallina, Markhaatiguna waa Ummadda (Qayb. Iaad)

“Wax-qabadka baaxadda leh ee xukuumadda M/weyne Ahmed Silaanyo waa mid aan la iska indha-tiri karin oo si cad u muuqda, qofkii ku eega indho waddanninimona si weyn ayuu u dareemi karaa.”

 

 

Hussein Egeh

W/Q: Eng. Hussein Adan Igeh (Hussein Deyr) |Hargeysa, Somaliland|

Dib u noqoshadaydii Dalka Hooyo 3 sano kaddib, waxaan dareemay isbeddel iyo horumar dhinacyo badan leh, dalku maaha kii aan ogaa 3 sano ka hor. Waxa jira farqi weyn oo dhinacyo badan leh oo u dhexeeya halkii uu dalku 3 sano ka hor taagnaa iyo halka uu maanta dalkeenu marayo.

Inta aanan u dhaadhicin nuxurka iyo ujeedada maqaalkaygan, bal marka hore waxaan jeclaan lahaa inaan wax yar dib u yara milicsado qaabka iyo itaalka dawladnimo ee ay xukuumaddani xilka kula wareegtay. Ummadda JSL waxay si weyn uga dheregsan yihiin duruufaha dhaqaale, kuwa siyaasadeed iyo kuwa bulsho ee ay xukuumaddani ku bilowday markay talada dalka qabatay taasoo laga dhaxlay xukuumaddii ka horraysay ee talada dalka haysay muddo 8 sano ah. Waxa ah dhacdo xanuun badan oo la wada ogyahay in Xukuumaddani dhaxashay dal kacay, bangi dhexe oo haawanaya oo la faaruqiyey, shaqaalaha dawladda iyo ciidamada Qaranka oo aan dhawr bilood wax-mushahar ah qaadan.

Xukuumaddani waxay dhaxashay deyn iyo amaah baaxad leh taasoo ay gashay xukuumaddii talada wareejisay intii u dhaxaysay Jan illaa July 2010. Xukuumaddii Daahir Riyaale waxa muddadaa 7-da bilood ah soo galay Dakhli, waxay samaysay Kharash isla markaana waxay gashay Deyn culus iyadoo Sannad Miisaaniyadeedkii uu kala badh marayo. Khasnadda dawladdu way madhnayd Baankana waxaa laga waayey in ka badan 7 Milyan oo Dollar. Deynta ay Xukuumaddii hore gashay waxay ka koobnayd: deyn ay muwaadiniintu ku lahaayeen xukuumadda, mushaharkii shaqaalaha oo 4 bilood ah, raashinka ciidamada oo hal bil ah, kharshkii ku baxayey socodsiinta hawlaha qaranka intii u dhaxaysay Jan—July 2010, iwm. Deynta ay Xukuumaddii hore ka tagtay waxay qiyaastii ahayd in ka badan 28 Milyan oo Dollar. Dalka itaalkaa leh ayay Xukuumadda Kulmiye dhaxashay, waxaynu markhaati ka anahay carqaladaha ay xukuumaddani ka soo gudubtay iyo halka maanta uu dalkeenu hiigsanayo.

Haddaba aniga oo qof ahaan markhaati iyo goob-joogba ka ahaa arrimahaa kor ku xusan, waxaan jeclaystay inaan is-dultaago oo aan is-weydiiyo maxaa isbeddelay 3

sano ka bacdi: Guud ahaanba waxa dalka ka jirta nabad-gelyo buuxda oo aan wer-wer lahayn, muwaadinkuna goorta uu doono iyo goobta uu doono ayuu u socdaali karaa isagoon haba yaratee wax cabsi ah qabin oo ku kalsoon ammaanka iyo nabad-gelyada sugan ee qaranka.

Waxyaabaha aan arkay ee indhahayga soo jiitay waxaa ka mid ahaa dhismayaasha bilicda leh ee cusub ama dib loo dayactiray kuwaasoo dhammaanba hoy u ah haya’daha dawladda (laga bilaabo Madaxtooyada, in ka badan 14 Wasaaradood, hay’adaha iyo wakaaladaha dawliga ah). Waxa kale oo intaa dheer, dhammaanba xafiisyada Dawladda si weyn oo casri ah ayaa loogu dhammaystiray wixii qalab ah ee lagama maarmaanka u ah fulinta hawlaha qaranka. Deyr isku mid ah, isku-midab ah ayaa dhammaanba wasaaradha ku wareegsan

Waxa kale oo iyadna ah arrin si weyn indhahayga iyo dareenkaygaba u soo jiidatay, haybadda iyo sharafta ka muuqata qaybaha kala duwan ee Ciidamada Qaranka kuwaasoo ku labbisan dirayska iyo derajada u gaarka ah qayb walba oo ka mid ah ciidamada. Askari inta uu digtoonow galay, salaan diirran diyaar ula ah sarkaalka isaga ka derajada sarreeya, waa dhacdo aanan hore ugu arag dalkeenna muddadaa 22-ka sano ah ee Qaranka JSL jiray.

Waxaan u kuur-galay saacadaha shaqada ee hay’adaha dawladda iyo sida loo guto xilka shaqada xafiisyada qaybaha kala duwan ee dawladda. Xafiis walba waqtigii loogu tala-galay ayaa shaqada la soo galaa lagana rawaxaa, majiro xafiis madhan oo aan cidina joogin, dan kasta oo aad ka leedahay xafiisyada qaranka si fudud oo aan iska-daba-wareeg ahayn ayaad uga helaysaa dantii aad u socotay. Hanka, himilada iyo hiigsiga shaqaaluha dawladdu waa mid aad u heer-sarreeya, waxaanad badanaaba shaqaalaha dawladda ka maqlaysaa oo ay kuu sheegayaan in noloshooda wax badani iska badaleen intii Xukuumaddani talada haysay, ha noqoto mushaharkooda oo kordhay, dallacaad ama daryeel kale oo ay helaanba.

 

1. Guusha Kulmiye waxay ahayd Bed-baado Qaran oo loo baahnaa:

Xisbiga Kulmiye ee uu gadh-wdeenka ka ahaa M/W. Ahmed M.M.Silaanyo waxay doorashada ku guulaysteen xilli ay dalka dul-hoganayeen daruuro madow oo rajo-xumo kuwaasoo xambaarsanaa dhaqaale xumo, maamul xumo iyo weliba rajadii, ulashadii, filashadii, hankii iyo hiigsigii ummadda JSL lahayeen oo mugdi iyo mad-madow sii galayey. Wuxuu ahaa xilli ay lagama maarmaan ahayd inuu dalka ka dhaco isbeddel dhab ah oo wata hannaan dawladnimo, hadaf iyo himilo siyaasadeed oo dalka iyo dadkaba ka bed-baadiya hadaantii (jarkii) ay danta-guud ka sii laalaaday. Wuxuu ahaa xilli la huri waayey in la helo hoggaamiye hore loo shirrabay oo la hubiyey dal-jacaylkiisa, dareenkiisa-waddanimo, u-dhamqashada shacbiga iyo sida uu danta-guud-u-daryeelo intaba. Sidaa darteed, guusha ay M/w. Ahmed Silaanyo iyo Xisbigiisa Kulmiye 01-07-2010-kii ku guulaysteen talada iyo hoggaanka dalka, may ahayn guul ku kooban intii isaga (m/weynaha) u codaysay ama xisbigiisa taageerayaasha u ahaa oo

keliya. Guusha Kulmiye waxay ahayd Bed-baado Qaran oo ay dadka iyo dalka JSL u baahnaayeen taasoo ummadda ka bed-baadisay kana sabato-bixisay jaahwareerkii shacbiga haystay iyo xagal-daacii ku dhacay qarannimada.

Xukuumadda Kulmiye markii ay talada dalka la wareegtay waxay ummadda Somaliland oo dhan (ku u codeeyey, mid ka codeeyey iyo mid aan codaynba) u ballanqaadday inay noqon doonaan xukuumad ay dadku leeyihiin, xukuumad danta guud u adeegta balse iyadu aan ku adeegan. Xukuumadda Kulmiye waxay ummadda Somaliland u ballan-qaadeen inay soo celin doonaan magacii iyo milgihii dawladnimo ee Qaranka JSL.

Xukuumadda Kulmiye waxa kale oo ay ballan-qaadeen in intii itaalkeeda iyo awoodeeda ah ay hirgelin doonto kana rumayn doonto hanka, himilada iyo hiigsiga ay leeyihiin Shicib weynaha Jam.Somaliland kaasoo ah inay noqdaan qaran xor ah oo madax-bannaan, kana mid ah bulshada caalamka oo ku leh codkiisa, tixgelintiisa iyo ixtiraamkiisaba.

 

2. Xukuumaddii dalka, dadka iyo danta guud.

Waa dhacdo dabiici ah in Xukuumad kasta oo talada dalka qabataa ay la kulanto carqalado iyo xaalado adag oo uu waqtigu wado oo ka dhasha isbeddellada dhaqan-dhaqaale ama siyaasadeed ee markaa taagan. Sidoo kale waxaa jiri kara xoogag, kooxo iyo shakhsiyaad iyagu mar-walba wata aragti iyo himilo u gaar ah oo ka duwan ta xukuumadda waqtigaa talada haysa, kuwaasoo mar walba u tafa-xaydan diyaarna u ah inay tallaabo kasta oo xukuumadda qaado u tarjuntaan si qaldan, sidaa qaldan oo ay u arkaan inay dantooda gaarka ahi ku jirto.

Haddaba, akhristoow saddex sano ka bacdi, waxaynu aragnaa in Xukuumadda uu gadh-wadeenka ka yahay M/weynaha Jam. Somaliland Ahmed M.M.Silaanyo ay kasbatay xushmadda iyo ixtiraamka dadweynaha Jam. Somaliland (gudaha & dibeddaba), bulshada caalamka, dalalka deriska ah, ururrada deeq-bixiyeyaasha iyo dalalka qadiyadda Somaliland sida gaarka ah u daneeyaba. Hoggaanka waayeelnimo iyo talo-wadaagga uu la yimid M/weyne Ahmed Silaanyo waxay kor u qaadday isku kalsoonida, rejada, filashada iyo yidi-diillada shacab weynaha Jam. Somaliland gudaha iyo dibeddaba. Sidoo kale waxa dib u soo noolaaday qiimaha iyo muhimadda ay Jam. Somaliland u leedahay Gobolka Geeska Afrika iyo dunida kaleba. Taasoo kor u qaaday hanka, ixtiraamka iyo hadal-haynta ay beesha caalamku dalkeena u qabaan.

Qof isagu ama koox iyaga ay Guusha Xukuumaddu ku tallaabsato uga dhigantahay guuldarro oo wanaagga iyo horumarka ummaddooda u soo kordha aan indhahoodu arkayn isuna arka inay iyagu ka qadayaan mooyaane, horumarka iyo wax-qabadka ay xukuumadda M/weyne Ahmed Silaanyo muddadaa ay xilka haysay ku tallaabsatay ka weyn wax la qariyo oo la iska indho-tiro. Guusha ay Xukuumadda ku tallaabsato, dhan kasta oo ay tahayba, cidina gaar uma laha oo cidna lagama xigo lagamana sheegan karo! Xukuumaddu markay guulaysato macnaheedu waa Ummadda Jam.Somaliland oo dhan ayaa Guulaystay!!

 

(La soco qaybaha dambe ee maqaalkan, Insha Allah)

Allah ayaa Mahad iyo Mudnaanba leh

W/Q: Eng. Hussein Adan Igeh (Hussein Deyr) |Hargeysa, Somaliland|