ISHA QARSOON (IQ): HUDDISA IYO HARGEYSA MAXAY ISKA OG YIHIIN?

 

Hargeysa waa barwaaqo sooran:

Caasimadda dalku wax walba iyo cid walba way liqday. Hantidii qaranka ee guud iyadaa calool lagu rido u noqotay. Miisaaniyadda dalka, aniga oo aan

sargooyadeeda ogayn, waxaad dareemaysaa in saddex dalool laba dalool Hargeysa gasho. Taasi waa hantidii loo dhexda ahaa ee dawladda, waxa u raacda hantidii gaarka loo lahaa. Ruux kasta oo jeebkiisa u bogay waa ka Hargeysa ku la soo orday. Dukaamada, hudheelada hurdo iyo cunto, kaalmaha shidaalka iyo suuqyada sidii gaaraabidhaanka dacal walba ka ifayaa waxay muujinayaan hantida caasimadda lagu soo shubay. Waxba Hargeysi ma dhaafto waxna ma dhaafaan, dad iyo duunyo way liqdaa uun.

In lacag dalka kale aan lagu haynin taallo waxaad

Cabdilaahi-Cawad-Cige

ku garanaysaa hudheellada fooqyada wada ah ee hoyashadoodu $10 – $100 u dhaxayso. Hudheelladaas haddii aad qol uga baahato dhib bay kugu noqonaysaa inaad hesho. Waxa ka daran goobaha cuntada. Dadka istaawiyay ee doollarku u yahay lacagtu, oo ah dabaqadaha dhexe iyo sare ee bulshada, saddexda xilli cuntadoodu celcelis ahaan $30 way noqotaa, waa $900 bishii. Ma xisaabin nasashada kale ee shaah leh, sharaab leh, iskiriin macaan iyo dhadhan kale leh. Waxa intaas u dheer baabuurta u qoofalan ee shaqayste iyo shaqolaawe la wada toocinayo.

Qiimaha jaadka iyo noocyadiisa ayaa isna tusaale looga qaadan karaa hantida caasimaddu nuugto. Waxba ku ma aha ragga istaawiyay inay $48 jaad ka dhiibaan maalintii. Waxa aad arkaysaa oo muush ah fujiska(nooc jaadka ka mid ah)  rubuciisa oo $12 laga bixinayo. Nimanka melmelay xeerkii dalka iyo kii dhaqanka ba ee suldaamada loo yaqaan ayaa ka mid ah qolyaha nimcadani u da’do.

Haddii aad damacdo inaad 25mx25m oo meherad ah kiraysato helimaysid, waxa la yaab leh in xitaa naqshadaha ku taagan jidadka ee muujinaya dhismayaal la dhisi doono la sii kiraystay.

Sawirkaas barwaaqo sooranka ah ee Hargeysa waxa barbar yaal mid dacdarro, gaajo iyo macaluul ah oo isla caasimadda ka jira. Waxaan la kulmay hooyo ilmo yar dhabarka ku sidata, dakhar baa qofka yar foodda kaga yaal. Waan la kufay oo waxaan ku dhayo ayaan waayay bay tidhi, maanta dhan waan dewersanayay oo intaas baan soo helay ayay intay toban kun oo laan ah(doollar iyo badh) i tustay igu tidhi. Dadka ku nool xaaladdaasi Hargeysa way ku badan yihiin, waxa se hadheeyay oo siigo iyo sawaxan ku qariyay hantida inta tirada yari ku haysato caasimadda.

Huddisa waa afhayeenka dalka intiisa kale:

Huddisa waxay ku taallaa meel qurux badan. Kolka aad ka soo dhammaato hanfiga xeebta ee ku leefaya iyo aragga buuraha engegan ee indhaha u daran waxaad soo gelaysaa tuulo dadab qurux badan oo dabaysha hawd ka celisa dhabarka ku haysa. Dhirta iyo baadka degaanku wuu ka cagaaran yahay oo aragtida uga roon yahay kuwii xeebta iyo agagaarkeeda. Durdur aanan sida looga faa’iidaysto warkiis haynin ayaa ku dhow Huddisa.

Bilicda degaanka kolka laga tago waxa kuu muuqanaysa in wax kasta oo Hargeysa liqday Huddisa ka qatantay. Ma arkaysid hudheello dhaadheer, baabuur xarrago, suldaanno fujis sita, jaamacado is garbinaya, fannaaniin heesaysa, wadaaddo muxaadaraynaya, suuq camiran iyo nolol farxad ku gelisa midna ba.

Ha moodin in Huddisa ka tamar iyo firigfirig yar tahay Hargeysa, xaasha. Labaatan daqiiqadood oo aad ku hakato waxaad la kulmaysaa shan iyo toban qof oo mid wali ba xambaarsan yahay qasacaddii caanoboodhaha ee weyneyd muggeed oo saytuun ah. Laba doollar lacag celcelis ahaan ah ayaa muggii saytuun ah ba la siinayaa. Haddii baska aad saaran tihiin malag loo soo diray u noqdo Huddisa oo saytuunkaas laga wada iibsado dadka sita, soddon doollar ayay shan iyo tobankaas qof u soo hoynayaan Huddisa. Waa qadder u dhigma saddexdii xilli ee qofka reer Hargeysa xarragada ku qadaynayay. Laga ma se wada iibsado, bilxaqiiqan qof iyo laba ayaa laga iibsadaa oo afar doollar oo magaalada u soo hoyatay noqonaysa. Kolka shan iyo toban qof oo shaqo tegay afar doollar Huddisa u soo hooyaan maalintii, mid iska xarragoonaya oo Hargeysa joogaa na soddon doollar wax ku cuno waxaan filayaa in isku dulnoolaanshaha bulshada ka dhex jiraa kuu biniixayo.

Waxaad arkaysaa carruur yaryar oo qurux badan oo jidka hareerihiisa is eryanaysa. Ubadkaasi ka dhoy la’ halganka nololeed ee waalidkood kaga jiro albaabka baska Hargeysa ka yimi ee jidka taagan. Si aan shiddo iyo werwer lahayn ayay ciyaartooda isaga wataan. Mustaqbalkii dalka oo dhan, Hargeysa iyo Huddisa ba, ayaad ubadkaas ka dhex daawanaysaa.

Maqaaxida basku hor taagan yahay koobab ay shaah ku shubto oo ku filan ma leh. Gabadh yar oo aad u dedaalaysa ayaa haysata, laba fijaan kolkii laga dalbaday ee ay shubtay, anigu na aan laba kale ka dalbaday ayaa bakeeriyadii ka go’een. Gabadh yar oo kale oo maqaaxi ku xigta haysatay ayaa iya na soo wareegtay, iyada na saddexdeedii bakeeri oo shaah lagu wada cabbayo ayay mid afraad weyday oo tan kale ka soo doonatay. “Amba ma haysato” ayay sheekadii ku dhammaatay. In labadaas hablood ee yaryar ee dedaalaya toddoba bakeeri hanti u yihiin ayaan yiqiinsaday. Miis keli ah oo hudheel Hargeysa ku yaal ah ayaa la saabaan noqonaya labadaas maqaaxiyood ee Huddisa.

Fijaan macaan oo kulul oo hanfigii Berbera iga dejiyay ayuu ii ahaa. Intii aan fiiqsanayay indhahaygu way bilig lahaayeen. Muddo shan daqiiqo ah ayaa shan nin oo maankoodu dhiman yahay maqaaxidii soo galeen. Shantu ba jaad ayay afka ku hayeen, inuu fujis ahaa malaynmaayo, inay doollar ka dhiibaan se uma muuqan. Waxa se ii caddaa in xanuunkooda jaadkaasi ka qayb ahaa, busaaradda iyo hanti la’aanta goobta taallay na qayb ka ahayd.

Mid ka mid ah shantii nin ayaa koob shaah ah in loo shubo codsaday, gabadhii maqaaxida haysatay ayaa ugu deeqday. Intuu laacay ayuu iska dhaqaaqay. In yar oo jaad ah ayuu sitay, timo cirro ah oo ku baxay ayuu lahaa. Go duug ah ayuu degta ku sitay. Kabo indhashu go’an tahay ayuu illanaa. Waxaan la sii raacay indhaha. Meel yar oo waab ah wajahadda na ka furan ayuu iska fadhiistay. Dhabarkiisa loox ballaadhan ayaa ku beegnaa, “caddaalad iyo horumar” ayaa ku xardhanaa. Dhinaciisa bidix bir fidsan ayaa ku tiirsanayd, “xisbiga Xaqsoor” ayaa iiga muuqatay. In burburkii Xaqsoor hadhaagiisii ninkaas dhibban waxtar u noqday ayaan isdareensiiyay.

Huddisa karti ka ma madhna, isku day na waa ka muuqday, aafada magaalo ee dhibteeda leh ee jaadku ka mid yahay na waa u ina daanweyne. Hal se Huddisa la qabto dalka kale oo dhan aafo iyo dhibaato na ku ah ayaa jirta. In Hargeysa wax walba liqday dad iyo duunyo oo neeftii u dambaysay ka nuugtay meelaha Huddisa ka mid tahay ayaa aad kuugu caddaanaysa kolka aad dalka kale jeedaaliso.

Cidi na ku ma doodayso caasimadda cunaqabatayn ha la saaro, waxa se muuqata in caasimaddu iyadii ku naaxday cunaqabatayntii dalka kale oo dhan. Kala duruggaas dhanka horumarka iyo baahida sii ballaadhanaysaa wuxuu u baahan yahay fiiro dheer oo aan caadifad iyo ujeeddooyin kale lahayn, keli ah looga gol leeyahay horumarinta dalka iyo wadaajinta wixii dheef la haysto.

September 3, 2015

Cabdillaahi Cawed Cige

Isha Qarsoon©ccc2015

Email: edleh@hotmail.com

Qoraha kala xidhiidhbarta FACEBOOK

Hargeysa, Somaliland,