Isburin: Xarunta dhaqanka ee Hargeysi, waxay beeri kartaa iniinyaha xag-jirnimada!

Sida ku qoran buugga ay Mary Harber ka qortay kooxda Alshabaab, waxay sheegtay in sababta ugu mudan ee ay u dhisan tahay Xarunta Dhaqanka ee Hargeysa ay tahay inay ka hor tagto inay dhallinyartu xagjirowdo. Kolka ay sidaas tahay, weydiinta iskeed madaxa u soo dhiibanaysaa ayaa ah; kolka aad isku dhereriso sababta ay u dhisan tahay iyo falalka ay ku kacdo xaruntani, waxa laga fogaanayaa ma xagjirnimada-diimeed baa mise waa diinta qudheeda? Habka xagjirnimadaas looga fogaanayaa ma hab la isla yaqaannaa mise waa hab u gaar ah xaruntan? Ta dambe ayay u badan tahay e, sidee kolkaas loogu kalsoonaanayaa hab xaruntan qarsoodi u ah in la innoogu sheego xalka xagjirnimada?

 

Xagjirnimada-diimeed ee Soomaalidu waxay soo unkantay toddobaatanaadkii qarnigii tegay, iyada oo marba u xuubsiibanaysay heerar kala jaad ahaa. Xukuumaddii Kacaanku waxay gogoshay jawigii bisleeyay inay foolato aragtida xagjirnimadu. Xagjirnimadaasi waxay figteedii ugu sarraysay gaadhay kolkii ay xukuumaddaasi si aad u foolxun oo tudhaale la’aan ah ugu tumatay muqaddasyadii diinta sida quraanka, cid kasta oo ka hortimidna dhegta dhiigga u dartay. Dhaqankaas qallafsan ee Kacaanku la yimid wuxuu keenay falcelin qallafsan oo gaadhay xagjirnimo ta ugu fog. Kolkii ay Soomaaliya burburtay, xagjirnimadii cabbudhsanayd ayaa furka tuurtay, iyada oo heshay fursad ay ku soo bandhigto xagjirnimadeeda oo ah waxa aad maantaba aragto, maqasho ama aad akhrido ee qarax iyo dhiig magaca diinta lagu xalaashaday ah.

Inkasta oo aanay awood ahaan kala sinnayn xukuumaddii Kacaanka, haddana goobtan isku magacowday Xarunta Dhaqanku waxay si toos ah marar badan u burisay qiyamka suubban iyo anshaxa bulshada. Ficilladaas haddii ay ka waantoobi weydo, dhegahana ka furaysato baaqyada abhinaya, xaruntani waxay mar kale istaadhi kartaa falcelin aad u xagjir ah oo xiitaa dadka ugu dhexdhexaadsani ay iska soo rogi karaan xagal 180 ah. Waa falcelin bartilmaameed ka dhigan doonta isla xaruntan iyo cid wal oo ku taxan, ugu dambaynta u gudbi doonta xaalad aan waxba laga qaban karin sida ta Soomaaliya. Ma aha inaan leeyahay Alshabaabta Muqdisho ayaa Hargeysa iman doonta, bal se dadka Hargeysa ku nool oo aan qaarkood weligood Alshabaab arag ayaa inta ay gadoodka ku fogaadaan, gaadhi kara heer ay xagjir noqdaan.

2014-kii Xaruntan waxa timid habar u ololaysa dadka isku jinsiga ah ee isfuulfuula (isguursada odhan maayo), mar kale waxay yidhaahdeen iyagoo ka hadlaya dhiigga haweenka “aynu jabinno dayrka ka hadal la’aanta…..”! Dayrka la duminayaa waa anshixii bulshada. Haddana mar kale ayay ku celiyeen inay keenaan nin u ololeeya dadka isku jinsiga ah ee isfuulfuula. Way sii socon doontaa uun haddii maanta ay innaga heli waayaan falcelin u dhiganta anshax xumadaas ay caadaysteen.

Xaruntani waxay sheegatay oo ah inay u dhisan tahay xalka xagjirnimada, waxa beeninaya ficilkeeda oo iniinyo u noqon kara beerta koowaad ee laga goosan karo midho u dhurta xagjirnimo durugsan.

Reer Hargeysa ahaan, haddaynu xaruntaas maanta iska qaban weyno meel fog ayaynu ka dooni. Yaynaan baraarugin goorta ay xaaladdu faraha ka baxdo, maantaba jaanis waynu haysannaa. Gaarriye ayaa yidhi:

Degganaanna uma dhalan

Dubbaha igu soo maqan

Lagu sii dareemoo

Jeer dakharku igu dhaco

Kama sii digniin helo!

 

Dakharkaas uu abwaanku sheegay yaynaan sugin, waxaan la hadlayaa inteenna ay garashadu masuuliyadda saartay.

 

Qore: Maxamed Sharma’arke

Sharmaake91@gmail.com