Isbeddel Saamayn abuuray oo ku yimi Suuqyadii Shidaalku uga iman jiray Somaliland, Go’aanka Xukuumadda iyo Doodda Shirkadaha Ka Ganacsada

Hargeysa (SLpost)-  Qiimaha Shidaalka gaar ahaan Baatroolka oo ay isticmaalaan gaadiidka ugu badan ee dalka ka shaqeeya, ayaa todobaadyadii u dambeeyey waxa ku yimi sare u kac mar kaliya sababay in laga dareemo kaalmaha shidaalka iibiya ee ku yaala magaalooyinka dalka.

Sare-u-kaca ku yimi Qiimaha Shidaalka, ayaa lagu sababeeyey shidaal yaraan dalka ka jirta oo sida la sheegay ka dhalatay hakad ku yimi shidaalkii dibadda laga keeni jiray ka dib markii albaabada loo laabay Suuqyadii ay Ganacsatada Somaliland shidaalka ka soo iibsan jireen, taasina ay sababtay inay shidaalka ka soo iibsadeen shirkado waaweyn oo qiime intii hore ka qaalisan kaga iibinaya shidaalka.

Wasiirka Wasaaradda Ganacsiga iyo Maal-gashiga Somaliland Md Muuse Qaasim Cumar oo Wargeyska Himilo wax ka weydiiyey sababaha keenay shidaal-yaraanta ka jirta dalka, ayaa sheegay inay jirto mushkilad ay ganacsatadu kala kulmeen suuqyadii ay ka soo iibsan jireen shidaalka, taasina ay sababtay kala go’ ku yimi shidaalka dalka la keeni jiray.

Wasiirku waxa uu sheegay inay xukuumad ahaan ganacsatada isla qaateen in la yareeyo xaddiga shidaalka (Baatroolka) laga isticmaalayo ee wakhtigan ku jira Haamaha Keydka Shidaalka ee Berbera si tashiilo inta uu dalka soo gaadhayo markaab la sheegay inay ku soo jeedaan dekedda Berbera oo Shidaal saaran yahay.

“Waxoogaa tashiil ah ayaanu galiyay markay keeni waayeen ee aanu aragnay inuu yar yahay, markaa waxaan amar ku bixiyey u yar-yareeya intay wax imanayaan oo waxoogaaga yaala ay ilaa muddo bil ah ugu filnaato. Waxna way soo socdaan,” ayuu yidhi Wasiirka Waaaradda Ganacsiga iyo Maal-gashiga Caalamiga ah.

Dhinaca kale, waxaanu xidhiidh la samaynay Shirkadaha dalka ka ganacsada shidaalka, si aanu wax uga weydiinno kala go’a ku yimi iyo haddii uu jiro isbeddel ku yimi shidaalkii ay dalka keeni jireen.

Maareeyaha Shirkadda Red Sea oo ah shirkadaha ugu waaweyn ee dalka keena shidaalka oo xalay khadka telefonka ugu warramay wariye ka tirsan Himilo, ayaa sheegay inaanu jirin isbeddel ku yimi shidaalkii ay dalka keeni jireen, haseyeesehe waxa uu sicir-bararka Qiimaha shidaalka ku sheegay mid ka jira suuqyada caalamka.

“Shidaalka wax dhib ah oo ka jiraa ma jiro, immikaba waxa taagan laba markab oo baatrool iyo Naafto sida. Sicirku waxa uu ku xidhan yahay suuqa xaggaas oo sicirku xaggaasuu marna ka qaaliyoobaa marka ka jabaa oo kolba meel buu taagan yahay qiimuhu. Waxa aanu ka soo iibsanaa Dubai,” ayuu yidhi Barkhad. Isaga oo hadalkiisa sii watay, waxa uu intaas ku daray, “Annaga shirkad ahaan Shidaal baa noogu jira Haamaha mid kalena wuu noo soo socdaa, mana jiraan wax iska beddelay suuqii Dubai ee aanu ka soo iibsan jirnay.”

Haseyeyeeshee sida ay Himilo u xaqiijiyeen ilo-wareedyo u dhuun-daloola arrintan, shirkadaha dalka u iib-keena shidaalka oo ay leeyihiin muwaadiniin u dhalatay Somaliland, ayaa la sheegay inay badankoodu awoodi waayeen inay dalka keenaan shidaalkii ay markii hore dalka keeni jireen, ka dib markii la xidhay suuqyadii ay ka soo iibsan jireen shidaalka oo ku yaalla magaalada Dubai ee dalka Imaaraadka Carabta, kuwaas oo ay qiime-jaban ay kaga keensan jireen.

Dhinaca kale, ganacsatada magaalada Hargeysa ku leh meheradaha lagu tafaariiqeeyo shidaalka, ayaa isaguna ka hadlay sababta keentay inuu kala go’o shidaalkii dalka la keeni jiray, isaga oo xusay in isbeddel ku yimi suuqii ay ganacsatadu markii hore ka soo iibsan jireen.

“Baatroolka markii hore waxaynu ka soo iibsan jirnay Shidaal Ururis ah oo laga keeno waddamada Carabta sida Ciraaq iyo Iraan, Shidaalkaasi waxa lagu ururin jiray deked yar oo ku taala Imaaraadka Carabta, waxaana wada shaqaysan jiray oo laga soo iibsan jiray Niman Carab ah iyo Soomaali, markaa Nimankii waa la xidh-xidhay, dekeddii yarayd ee ay ka soo dhoofin jireena waa la xidhay, markaa halkaas ayaa shidaalka qaaligiisu ka yimi,” sidaa waxa ka yidhi mid ka mid ah ganacsatada magaalada Hargeysa ku leh Kaalmaha lagu iibiyo Shidaalka.

Madaxweynaha Somaliland ayaa digreeto dalka kaga saaray shirkaddii Total oo maamuli jiray Haamaha Keydka Shidaalka ee Berbera oo madaxweynihii hore ee Somaliland Marxuum Maxamed Xaaji Ibraahim heshiis 50 sannadood ah kula galay inay gacanta ku hayaan maamulka haamaha, ka dib markii sida ay xukuumaddu ku doodday cabashooyin ka yimaaddeen shidaal-yaraan iyo sicir-barar joogto ah, waxaana maamulkooda si rasmi ah ula wareegtay xukuumadda.

XIGASHO: HIMILO