Isbeddel ballaadhan oo sannadkan ka soo baxay Natiijada Imtixaanka Shahaadiga ah ee Dusgiyada Dhexe/Sare oo maanta la shaaciyey

Hargeysa (SLpost)- Wasaaradda Waxbarashada iyo Tacliinta sare ee Somaliland, ayaa maanta si rasmi ah u shaacisay Natiijada imtixaanaadka Shahaadiga ah Fasalada 8-aad ee Dugsiyada Dhexe iyo Fasallada 4-aad ee Dugsiyada sare ee Sanad-dugsiyeedkii 2013/2014-ka.

Munaasibad shaacinta Natiijada Imtixaaanaadka loogu Qabtay Xafiiska Imtixaanaadka Guud, waxa ka qaybgalay Masuuliyiinta Wasaaradda Waxbarashada, Hoggaanka Sare ee Guddida Tacliinta Sare, Maamulayaasha Dugsiyada Kala Duwan ee Magaalada Hargeysa, waxana Halkaas lagaga dhawaaqay Natiijada ay imtixaanaadkaas ka heleen ardayda wax ka barata dugsiyada Hoose/Dhexe iyo Sare ee dalka oo isugu jira dugsiyada Dawliga ah iyo kuwa gaarka loo leeyahay.

OVER-ALLImtixaanka Shahaadiga ah ee Sannad-dusiyeedkii hore waxa dugsiyada Dhexe u fadhiistay 13,266 Ardayoo Fasallada Siddeed ah, halka ay fasallada Afraad ee Dugsiyada Sare ay u fadhiisteen 7,799 Arday.

Waxa Halkaas lagaga Dhawaaqay Tobanka Arday ee ugu sarreeya Dugsiyada Siddeedaad ee Dugsiyada dhexe iyo Waliba tobanka Arday ee ugu sarreeyey Dugsiyada Afraad ee Dugsiyada Sare, waxaana Sanadkan Fasallada Siddeedaad kaalinta Koowaad ka galay Dugsiga Dugsiga Ilays oo ku yaala Magaalada Hargeysa, halka fasallada Afraad ee Dugsiyada Sare Kaalinta Koowaad uu ka galay arday ka tirsan Dugsiga Dayaxa ee magaalada ee Magaalada Burco, iyada oo sannadkan halbeegga tacliinta ee gobollada Togdheer iyo Sanaag laga dareemay kor-u-kac Ballaadhan, iyada oo sannaddadii hore ay kaalmaha hore xuurto ku haysteen dugsiyada gobollada Maroodijeex iyo Awdal.

HALKAN KA AKHRISO NATIIJOOYINKA ARDAYDA IYO DUGSIYADA UGU SARREEYA SANNADKAN

1 2 3 4 Top-Ten-Girls-Private-Students Top-Ten-Private-Students

SOMALILANDPOST.NET