Isbarbardhigga Wasiirradii UDUB iyo kuwan Maanta ee Kulmiye! – W/Q: Cabdicasiis Yoonis

Photo0100Maanta waxaynu doonaynaa in aynu isbarbardhigno wasiiradii hore xisbigii laga adkaaday doorashadii madaxtinimo ee Somaliland iyo kuwan haatan shaqada qaran haya ee xisbigan kulmiye ee hatan wadanka maamula:waxaynu isku dayeynaa in aad sameyno isbarbardhig kooban oo aad ku fahantid farqiga u dhaxeeya labadan gole wasiir kan cusub ee kulmiye iyo kuwii hore ee udub.

Wasiiradii hore ee Udub Astaamahoogii iyo Hab-dhaqankoodii.

  • Wasiir ina-Somaliland ah ama ina-Afrika ah!!!
  • Wasiir sii eegaya xaga madaxtooyada oo war ka sugaaya.!!
  • Wasiir aan dadka ka baqaneyn ee madaxweynaha uun ka baqanaaya.!!
  • Wasiir ku mashquulsan raali galinta Riyaale oo aan ku mashquulsaneyn dadka suuqa hadalada ka soo yeedha oo wax kasta oo ay yidhaahdaa dhag u dhigeyn!!
  • Wasiir ka war haya dadku waxa ay ka cabanayaan ama ay soo codsanayaan!!!
  • Wasiir hantida dadka leexsanaaya;laakiin ogol in wax lala cuno oo og in la ogyahay oo dadka wax uu tuuraaya!!!
  • Wasiir dalka inbadan joogay oo ka war haya xanta iyo baahida tolka!!!
  • Wasiir madaxweynaha iska dhaadhicinaaya ee aan dadka iska dhaadhicineyn!!
  • Wasiir og in uu madaxweynu keenay meesha ee uuna abaal uu xisbiga udub ku lahaa keenin!!!
  • Wasiir ka baqanaaya haddii uu beeshiisa u jilco ooyinteeda in xilka lagala noqonaayo oo iska ilaalinaaya in laga uriyo meelaha beeshiisu ku kulmeyso!
  • Wasiir garanaaya xafiiskiisa xafadda ku xigta cida leh ama dagan;( ma Mujaahid baa, ma nin qadarin mudan baa?ma nin mucaarid ah baa?………………….?
  • Wasiir garanaaaya beeshiisu siday u kala mudan tahay iyo cida ay tahay in loo yeedho si ay madaxweynaha ula kulmaan oo ay cabashadooda ama xildoonistooda ugu geeyaan!!
  • Wasiir Jaraaidka ka adag oo isla markaas ba qabanaaya shir jaraaid oo ku beeninaayo waxaas warbaahintu ka sheegtay ….
  • Wasiir jaraaidka laftiisu ka baqdo oo ayna eryankareyn.
  • Wasiir difaaca madaxweynihiisa xaq iyo xaq darro ba!!!
  • Wasiir shaqaalihiisa dhaqaaleeya oo inta uu xafiiska joogo la sheekaysta oo la kaftama…..!!
  • Wasiir aftahan ah oo af-soomaaliga ku wadhwadhay oo erayo cusub oo uu ku difaacayo madaxweynaha iyo udub isticmaala.
  • Wasiir cidna aan amaan iyo abaal ka dooneyn madaxweynaha uun mooyaane!!

 

Wasiirada maanta ee kulmiye Astaamahooga iyo Hab-dhaqankooda!

  • Wasiir ina-Yurub ah ama ina-Mareykan ah!!!
  • Wasiir fuqa taagaaya oo cawaandiya oo aan lala hadli kareyn!!
  • Wasiir abaal iyo dayn u sheeganaaya xisbiga  kulmiye oo aan ka baqaneyn in la casilo.
  • Wasiir xasaasi ka qaba waxa warbaahintu qorto oo maxkamadda uga sii horeynaaya si uu ula dacwoodo warbaahinta!!
  • Wasiir aan la arkayn waxa uu lunsanaayo iyo meel uu dhigaayo lacagta uu lunsanaayo!!!!
  • Wasiir qurxinaaya wasaaradda uu joogo si uu u helo deegaan u eeg meelihii uu ka yimid ee yurub iyo mareykan.
  • Wasiir aan garaneyn beesha uu ka tirsanyahay cabashadeeda iyo waxa ay dooneyso.!!
  • Wasiir marka uu doono xaaladkastaa ha jirtee tikidhka goosanaaya oo tagaaya dibadda.!!
  • Wasiir sii eegaaya yurub ama mareynkan caruurta iyo islaanta u joogta ee aan eegayn danyarta ku dhaqan dalka ama ay wasaaradiisu khuseyso!!
  • Wasiir labtop ku foorara oo aan la hadlayn shaqaalihiisa la fadhiya ama hawl wadeenadiisa ay wada shaqeeyaan!!
  • Wasiir aan dooneyn in talo ay siiso cid la shaqeysaa madaamuu sito shahaado master ama ph.d.!!
  • Wasiir af-ingiriisi ku hadlaaya ama caado ay u noqoto in uu erayo af-ingiriisi ah badanka ku jawaabo oo ay saxafiyiintu ama shaqaalu u turjumayaan si dadku u fahmaan.tusaale(waxa uu hal hays u leeyahay:It is good..shaking his head!!!!) halka wasiirkii udub  uu odhan jiray(waa arrin fiican….ama way fiicantahay)!!
  • Wasiir aan difaacayn madaxweynaha laakiin difaacanaaya wasaaradiisa!!
  • Wasiir jecel inta uu hawl halkan ka qaban lahaa in uu dibadda ka soo qabto!!
  • Wasiir jecel dhoofka iyo in xaflad ay isii diyaariyaan qurbo joogu!!
  • Wasiir hadalkiisii hore iyo hadalka maanta uu wareysiga ku bixinayaa ayna kala duwaneyn oo haddii 100 eray uu isticmaalay wareysigii hore uu boqolkii laftoodii uun ku hadlaaya imikana!!
  • Wasiir hadalkiisa ay ku soo noqnoneyso …waa markii ugu horeysay…..waa markii ugu horeysay ee sidaas la sameeyey…iyo intii yareyd ee xisbiga  kulmiye xukunka hayey……..!!!!!

 

Sheeko yar oo qosol leh: nin aanu saaxiib nahay oo reer burco ah oo imika hargeysa jooga oo magaciisa la yidhaahdo;Cismaan ku jare…ayaa waxa uu maalin nooga sheekeeyey in uu doonaayo in uu sameeyo riwaayad ka turjumaysa dawladdan qurbo joogu wasiirada u badan yihiin.waxa uu yidhi,waxa ka mid ah riwaayaddaas sheeko ah: odayaal ka cabanaaya abaar deegaankoodii ku dhacday ayaa wasiir qurbaha ku koray oo imika xil haya ayay u imanayaan markaas ayay ku odhanayaan: Wasiir abaar baas iyo omos ayaa nagu dhacay ee waxaan doonaynaa in aan wax nagala qabato:dabadeed labadii eray ee Abaar iyo omos….ayuu fahmi waayey markaas ayuu yidhi; inta uu madaxa luxay…Abaar …..abaar…abaar …..omos ……omos……wuu fahmiwaayey. Suga ayuu ku yidhi:Googlahaan ka eegayaaye ………!!KK

 

 

Qore:C/casiis maxamed yoonis(ansaari).

Macalin dhiga luuqadda ingiriisiga>

Email:ansaari25@hotmail.com/Tel:00 252 2 4175733.

Hargeysa,Somaliland.