Isbahaysiga Sucuudiga oo Dib u bilaabay Weeraradii Cirka ee Yemen

Sanca, (SLpost)- Isbahaysiga uu hoggaaminayo  Sacuudigu  ayaa dib u bilaabay weerarada cirka ee ka dhanka ah fallaagada Xuutiyiinta kadib markii ay dhamaatay muddadii shanta cisho ahayd ee xabbadjoojinta, sidaasna waxa sheegay saraakiisha Yaman iyo dad goobjoogayaal ah.Yemen

Dayaaradaha ayaa bar tilmaameedsaday  goobaha fallaagada ee magaalada koofurta ee Cadan, inkasta oo QM baaq  dirtay ah in la kordhiyo heshiiska si kaalmo dheeraad ah loo gaadhsiiyo dadka.

Dhinacyada Yemen ayaa wada hadallo ku  leh  Saudi Arabia iyaga oo ka hadlaya sidii loo joojin lahaa qalalaasaha.

Haseyeeshee fallaagada  diiday inuu soo noqdo madaxweyne Abdrabbuh Mansour Hadi, ayaa qaadacay wadahadallada.

Mr Hadi  ayaa ka cararay dalka dhamaadkii  bishii  March kadib markii ay fallaagada iyo isbahaysigeeda  daacada u ah madaxweynihii hore t Ali Abdullah Saleh ku soo dhawaadeen Cadan.

Somalilandpost.net