Mucaaradka oo Maxkamadda Sare u gudbiyey Dacwad ka dhan ah Xukuumadda

Isbahaysiga Mucaaradka oo Maxkamadda Sare u gudbiyey Dacwad ka dhan ah XukuumaddaHargeysa (SLpost)- Hoggaamiyeyaasha xisbiyada mucaaradka oo ay weheliyaan siyaasiyiinta Madasha wada-tashiga, ayaa Madaxkamadda sare ee Dastuuriga ah u gudbiyey dacwad ka dhan amarro xukuumaddu ku joojisay shir wada-tashiga ah oo xisbiyada mucaaradku shaaciiyeen inay qabanayaan maalinta Khamiista ee Berri.

Guddoomiyaha Xisbiga Waddani Cabdiraxmaan Maxamed Cabdilaahi iyo Murashaxa Madaxweynaha ee Xisbiga UCID Jamaal Cali Xuseen oo war-fidiyeennada kula hadlay barxadda hore ee Maxkamadda Sare kadib marki ay waraaqda u gudbiyeen guddoomiyaha Maxkamadda sare, ayaa ka hadlay sababta ay u gudbiyeen.

Halkan ka daawo