Isbaahaysiga Mucaaradka Somaliland oo Hanjabay, kana digay muddo-kordhin loo sameeyo Xukuumadda Siilaanyo

Hargeysa (SLpost)- Isbahaysiga Mucaaradka Somaliland, ayaa mowqif adag iska taagay muddo-kordhin loo sameeyo xukuumadda madaxweyne Siilaanyo maadaama dib u dhac u yimi xilligii hore loogu muddeeyey inay doorashooyinku ku qabsoomaan 26 bisha June ee sannadkan, sida ay shaaciyeen Guddiga Doorashooyinka oo wakhti ka dambeeyey xilligaas u muddeeyey diiwaangelinta codbixiyeyaasha oo qabsoomidda doorashadu ku xidhan tahay, taas oo dhaqaalaheeda ay bixinayaan qaadhaan-bixiyeyaasha Somaliland ka taageera doorashooyinka.

Isbaahaysiga Mucaaradka Somaliland oo Hanjabay, kana digay muddo-kordhin loo sameeyo Xukuumadda SiilaanyoGuddiga Doorashooyinka Somaliland, ayaa Isniintii shalay shaaca ka qaaday in la qaban doono Diiwaangelinta Codbixiyeyaasha badhtamaha bisha July ee sannadkan, iyada oo muddada loogu talo-galay inay diiwaangelintu socoto lagu sheegay Afar bilood, taas oo suurta-gal ka dhigaysa in doorashooyinku dib u dhacaan muddo lix bilood ah, lagana yaabo in la qabto dhammaadka sannadkan ama horaanta sannadka soo socda.

Isbahaysiga Mucaaradka, ayaa todobaadkii hore ka digay dib-u-dhac ku yimaadda Doorashooyinka iyo muddo-kordhin loo sameeyo xukuumadda, waxaanay ku baaqeen in dalka laga sameeyo dawlad wadaag ah oo loo muxaafad iyo mucaaradba loo dhan yahay marka la gaadho 26 June ee sannadkan oo muddo-xileedka xukuumadda madaxweyne Siilaanyo ku egtahay.

Isbahaysiga Mucaaradka Somaliland oo ka kooban Laba Xisbi ee UCID iyo Waddani iyo siyaasiyiinta Ku bahoobay Madasha Wada-tashiga, ayaa shir-jaraa’id oo ay maanta ku qabteen magaalada Hargeysa, waxa ay soo bandhigeen bayaan ka kooban qodobbo xambaarsan mowqifkooda Dib-u-dhaca ku yimi Doorashooyinka.

HALKAN KA DAAWO.