ISA-SEEG – W/Q: Ridwaan Mubaarik Cabdi

RIDWAANOnkodkii hilacee iga baxay duleedkay

Astaamaha jacaylkiyo ileyskii cadceedee

Anshaxa iyo dhaqankaba dumar ugu horeysaay

Eed laygu dhaliiliyo danbi anigo oon gelin

Dad ujeedo iga lihi dhibaato ay abuureen

Tii laygaga afduubee inala kala irdheeyay….<lafoole>

Way dhib yar tahay sida loo dhisaa kalsooni aad rabto inaad ku hanato qof niyadaada ku weyn, waanay fududahay sidaad ku burburisaa adigoo waqtigana u arkaya in aanay munaasib ahayn u hiloga qofkani taasina ay tahay ku wacad fur, laakinse ogow in dabaalka nebsigu uu kusoo rogaa ay tahay mid aanad ku abuuri Karin kalsoonidii aad gacantaada ku baabisay dhismaheedii hore.

Waxaan jeclaystay in aan qoraaladaydan aan ku eego badanaa arrimaha jacaylka oo aan filayo in layga waayo-aragsanahay hadana aan u arkay in aan soo bandhigi karo noocyo kamid ah hilowyada dhalinta qaarkeed ka dhigtay kuwo ku waaban meel fog oo aan arkayo waxay tabanayaan.

Waxaan u arkay in mawduucyadan jacaylka ah ee aan dhinacyada badan kaga hadlay inay xal u noqon karto sal fudayd ugu dhicida daareenkan adigoon iska hubsan qofka aad la abuurayso daareenkan waayo waxad nqon doontaa qof niyadiisu nugushahay, baahiyo badana tebeyso taasina ay ahaan doonto mid kugu abuuri karta waxaanad jeclaan doonin.

Baahiyaha qaar ee qalbiyada isku sidkan ku abuura hilowga waxaa kamid ah dhawr muqaal oo la odhan karo waa bil-dhaamo soo jeedasho ku abuura qalbiyada mucaashaqiinata sida dhaqanka , dheeha, dhaayaha, dhawrsanida, dhiibsanaanta, dhugashada, in qofka aad rabtaa u ahaado qof astaamahan ku sifoobay waa mid raad ku leh niyadaada.

Hadii sifahaasi noqdo mid aad ku dooratay qofkaad niyadaad u hurayso ogow waa mid heerka darajadiisu yahay mid kugu sii kordhaya maalinba maalinta ka danbeysa hadii sifooyinkaasi noqdaan kuwo si xawli ah isu soo taraya isbedelana ku abuuraya qalbigaaga.

 Waxaanu ognahay in isbed-bedelka ku dhacay humaaga aad ku sifaysay dareenkaagu uu yahay mid raad kaga tegi kara noloshaada waxaan uga socdaa;

kasoo qaad in qof uu jiro maanta ay niyadaadu aad u tabeyso waxaad og tahay qofkaasi hadii uu wehelkaaga ahaan lahaa ay noloshaaduna heer gaadhi lahayd wayahaye maxaad sidaa u leedahay?

Waxa jira muqaal aad adigu si u akayso, weji kasta oo iska gediya sifahaasna uu yahay mid adiga dareen kale ku gelin kara.

Tusaale ahaan;

Waxaa dhacday in qofkii ay niyaduba hantida u ahayd ay noqoto qof illahay dhaqankeediiba ugu daray aqoon diineed, kudarsoo hadana yeelatay aqoon maadi, wuu soo socdayo waxaa la gaadhay heer dadkuba hiigsadaan.

Ma suura gal tahay in dareenkaagii sii ahaado mid sugnaanshiyihiisu kugu ahaado sidii awalba uu kugu ahaa? waxay ila tahay mayee iskadaa kordh uu kordhee waxa layabaa inuu bedelo xitaa dareenkayaga nafsi ahaneed.

Dhibaatadu waa wejiyaa kala duwan ee inta aad qofkaa niyada aad ku hayso adna kugu wada gashi isbedel kugu haya, waa arrin layaab leh hadii si ku talax tag ah loo gudo galo dareenakan lamagac baxay jacaylka waayo jidadka la marayaa ah kuwo dareemayaal ku salaysan iyo qaybo kamid ah noocyada cilmi nafsiga ee ku taxa luuqa dareenada wax bedela.

Iyadoo ay xaaladu sidaa tahay ayaa waxa dhacda in mar marka qaar ay saameyni ku timaado dareenkaaga taaso noqon karta mid kugu kelifi karta in aad kala deyran taan adiga iyo garaabkaagi kaleba, taasina ay kugu noqoto laf dhuun gashay.

Ma dhib yar oo waan ogahay in aanay suuro-gal ahayn sidaad uga go’daa lamanahaaga maxayeeladay waxaad horey ugu hurtay niyadaadii adigoon ogeyn waxa kula soo dersi doona taasina ay tahay kheybka Alle.

Inta badan kala baadka ku dhaca dhalinyarada iyo garabyadooda kale waa kuwo ay sabab u yihiin arrimo badan oo maanta ku badan dhulalka ay soomalidu dagto, waxaana kamid ah;

  • In garabkaaga la kala dooransiiyo duco iyo habaar waalid mid uunu qaato, taasina ay tahay mid aan ku xardhaneyn diinteena islaamaka ah waayo mar gabadh muslimad ahi ay weydiisay nebiga in lagu qasbi karo wiil aanay rabin wuxuuna nebigu u sheegay in aan lagu qasbi karin wiil aanay dooneyn.
  • In garabkaagu noqdo mid lagu hayb sooco qabaa’il taasina ay tahay mid aan ku qorneyn ayaadka qur’aanka kariim ka ah waayo alle waxa uu qabaa’il ka u abuuray in laysku garto oo qudha ee maaha in lagu talax tago.
  • In lamaanahaga lagu qasbu dunyo iyo waxaan dhaamin si uu ku hantiyo taasina ay tahay mid aan ku xusneyn diinteena waayo alle ayaa ah ka xukuma ar-saaq oodhan.
  • In garabkaagu noqdo waax ay reerkoodu huri wayeen taasina ay tahay mid kugu kelifi karta in aan sidaa ku kala go’daan taasina ay tahay mid aan bannaaneyn waayo waxaa islamka kasugnaaday in hadii nin diin leh oo dadnimo leh idin imaado waa in loo meheriyaa taasina ay tahay mid bannaan hadii kale waxa dhulka korkiiisa ka dhacaysa fusuq iyo faaxisho nafaheena waxyeeli doonta.

Waxa hubaal ah in saameyn kasta oo kaga timaada dhinacyadaasi ay tahay mid markasta kugu abuuraysa laab-xanuun aanad marnaba ka ledi Karin waxyeeladeeda waayo waxa kaa maqan niyadadii aad awalba lahayd maamulkeeda taaisna ay kugu dhalin karto hilow fara badan oo kugu hilaabnaada.

Yaab! Waxaan ku huray qalbigayga hadana maanu noqon dad iska weheshada dareenkoodii ay mudaba ababintiisa lahayeen, waxaana bilaabmay wadadii aynu ku kala baadi lahayn, waxaad tebeysaa wax kaamaqan laakinse aanad awood u lahayn sidii aad ugu soo go’I lahayd taasina ay inagu keliftay in aan sidaa isku seegno inkastoon aanay weli niyadaydii kuhurin.

Waxaa maalinba maalinta ka danbeysa kugu sii kordhasa baahida aad u qabto garaabkaagi adigoo og in aydaan is hiigsan Karin sababo badan awgood, ma kula tahay in dhan balanka idin ku dhacay aad iloobi karto hafeeftiisa adigo og baahida aad isku qabtaan.

 Yaabaye maxaa xigay! Wuxuu waqtigu igu qasbay in aan ku hilmaamo laakinse awoodaydu maaha mid soo saari karta tamartii aan ku fulin lahaa hawl galkan aan ku gaadhayo go’aanadan igu qasbaya kala fogaanshiyaheena, waxan hubaa inaad tahay qof ku sidkan qalbigayga.

Waan kula yaabay! Waxaad markasta tahay qof ku nool hawadayda laakinse aanan garaney meel aan gaadhsiin doono anigoo og siday niyaday tahay, waxanse  filayaa inay dareen la’aani kaa hayso waxaan anigu damacsanahay.

Waa ayaan darro markuu xaalku sidaa noqdo ee ay qalbiyada qaar ay noqdaan kuwo la dheeliya dareenada ay u hayaan lamanayaashooda taasina waa mid dhalin karta in go’aanada qaar ay noqdaan kuwo ka suurooba dhalinyaradeena qaarkooda hayeeshe iimankeenu yahay mid inaga xadidaya waxyabahaas.

Isa-seega ka dhex abuurma lamanayaasha raba inay abuuran noloshay damceen waa kuwo badanaa ka imaada dhinacyo badan haday tahay laba garab mid kood iyo awood kale oo dusha kaga yimaada kuwaaso oo aan filayo inay unki karaan jidka kala baadka qalbiyada.

Waad iga yaabisay! Waxaan kaa dhigtay garabka keliya ee noloshayda kaabi kara taaso aan u arkayey inaad naftayda gaadhsiin karto hiigsigay kaa eegaysay inaad ku simi doonto, waxaan filayey in aad igaadhssin  heerar nolosh ta u sareysa ee laga helo nolosha aadamaha.

Waan ka yaabay! Waxaan u haystay in aad ila dareen san tahay hadba wadaadan qaadayo siday tahay ee waxaabad moodaa in aanad ila socon oo aad iga baaqsatay, waxaan arkayaa inaad wado dareen aanan ogeyn meel uu sal dhigan doono, waxaan filayaa inaad og tahay in qof meeli u cadahay ay meelna ka madowdahay taasin ay tahay waxa iga kaa deyray.

In qof aad tebeysaa kugu dheeliyo misaanka jacaylka waa mid aana marnaba looga  fadhiyin waayo waxa aniga ahaan fikirkan qabaa ah in ay adag tahay qof niyadiisa sida loogu wacad furaa waayo waa xal adag in markaad dareento baahida lagu qabaa hadana inaad tidhaahdo yeel kaa.

Ka gayoon mayno in aynu falaqeyno daareenkan iyo wejiyadiisa kala duwan ee uu ku saameyo dad ka mid ah asxaabtiisa, waxaan filayaa in inta iga dhimani ay tahay inta ku jirta qeyrkay oo aan rajaynayo inay iiga waayo-aragsan yihiin daareenkan iyo saameyntiisaba.

Waxaan maqaalkaygan ku soo afmeerayaa eraydo ka mid ah hees uu qaado Nimcaan <halac> oo odhanaysa;

walow aynu dookhiyo, damaqashada kasimanahay,

Qalbi kuu darsaday baa kelinimo dareemee,

Ana doonistaadii jidhku way dubaaxshayoo,

Naftaad dabar ku xidhataa kaa jeclaatay dumarkee,

Adigaan dugsimiyo kaa helay daryeelo

Qalbi dacaado furan igu deeq huuno…..

Email: ridwaan_99@hotmail.com