Is-muujintii Urur-siyaasadeedka WADANI, Wejiyo Cusub oo ku soo biiray iyo Qaar Shaki geliyey bulshadii Goobta ka soo xaadiray

Hargeysa, 08 April, 2012 (SLpost)- Shirweynihii 1aad ee urur-siyaasadeedka WADANI ayaa maanta ka furmay Hotel Maansor ee magaalada Hargeysa, kaas oo si ballaadhan loo soo qaban-qaabiyey isla markaana socon doona muddo laba cisho ah.

Shirweynahan oo ay ka soo qayb-galeen ergooyin ku dhow in ka badan kun qof oo isaga kala yimi gobollada Somaliland iyo dalalka dibadaha wakiilladooda, waxa kale oo ka soo qayb-galay shir-guddoonka golayaasha Guurtida iyo Wakiillada, Xildhibaanno ka tirsan labada Aqal, Goleyaasha Deegaanka, Masuuliyiin ka tirsan xisbiyada Qaranka, xubno ka socda Guddiga Diiwaangelinta ururrada Siyaasadda, Madax-dhaqameed, Aqoon-yahan iyo Marti-sharaf kale.

Xasan Xuseen Cod-yare oo ku hadlayey magaca guddiga qaban-qaabada munaasibadda shirweynaha ururka ayaa u mahad-naqay dhammaan ergooyinka ka soo qayb-galay isaga oo sheegay in guddigooda oo uu magacaabay guddoomiyaha ku-meel-gaadhka ah ee ururka, ay maanta hawshoodu ku egtahay, isla markaana ku wareejiyey guddiga shir-guddoominaysa shirweynaha.

Waxa kale oo madasha ka hadlay wakiillo metelaya Lixda gobol ee waaweyn ee Somaliland oo dhammaadtoodba sheegay inay ku faraxsan yihiin inuu shirweynuhu jewi fiican ku bilaabmo.

Waxa kale oo munaasibadda ka hadlay xubno ka metelayey madax-dhaqameedka Somaliland oo ku boorriyey in ururrada Siyaasaddu ay muujiyaan bisayl siyaasadeed, isla markaana ay dalka ka badbaadiyaan wax kasta oo saamayn ku yeelanaya nabad-gelyada iyo qaranimada dalka.

Madasha furitaanka shirweynaha koowaad ee WADDANI oo il-yartu is-qabatay, waxa loo soo agaasimay si ka duwan sida laga bartay qabsoomidda shirweynayaasha ururrada ama xisbiyada dalka, iyaga oo si toos ah intii ay munaasibaddu socotay looga daawanaeyey Telefishanka HCTV.

Gudoomiyaha ku meel gaadhka ah ee Urur Siyaasadeedka Waddani isla markaana ah Gudoomiyaha Golaha Wakiilada Mudane C.raxmaan Maxamed C.laahi “Cirro”  oo madasha shirka Khudbad ka jeediyey, waxa uu  halkaasi ka cadeeyay inay Ururkan Maanta ku soo biireen 23 Xildhibaan oo ka tirsan Golaha Guurtida, 7 Mudane oo ka mid ah Golaha Wakiilada, qaar ka mid ah Xildhibaanada Golayaasha deegaanka ee dalka iyo Taliyihii hore ee Ciidamada Qaranka Jeneral Maxamed Xasan (Jidhif).

Dhanka kale, waxa madasha ka soo xaadiray Mudaneyaal badan oo ka tirsan Golayaasha Baarlamanka kuwaas oo ku abtirsada Xisbiga talada Haya ee Kulmiye isla markaana Muxaafidnimo ay dhiggooda Xushay, kuwaas oo markii ay madasha yimaaddeen isla markiiba loo qaatay inay qayb ka yihiin mudaneyaasha ku soo biiray urur-siyaasadeedka WADANI, iyada oo arrintani ay sii badhi-taartay ka dib markii la arkay mid ka mid xildhibaannada Xisbiga Kulmiye uga soo baxay gobolka Maroodijeex lagu arkay Astaanka urur-siyaasadeedkan. Mudanahan oo ah xildhibaan Axmed Maxamed Diiriye (NacNac) waxa uu xidhnaa Shaadh midabkiisu metelo astaanta urur-siyaasadeedka WADANI.

Shirweynahan oo lagu wado Berri la soo gebo-gabeeyo ayaa lagu dhisi doonaa Golihii Dhexe iyo Guddigii Fulinta ee Ururka isla markaana lagu dooran doono Hoggaanka Rasmiga ah ee urur-siyaasadeedka Waddani.

SOMALILANDPOST.NET

webmaster@somalilandpost.net