Is Barbar Dhiga Hab-Maamul Maaliyadeed Ee Wasiir Cabdicasiis Samaale Iyo Eng. Maxamed Xaashi!! – Qalinkii: Yuusuf Sooraan

Afeef

Waxaan ka mid ahay Dhalin yarada reer Somaaliland, Muhiimadiisuna tahay in aan ka qayb qaato sidii aan dalkeena Somaliland Talo iyo Tusaaleba uga Dari lahaa Hayntiisa Dhaqaale haddii ALLE yidhaa, Muhiimada Daraasadan aan ka leeyahayna tahay oo kaliya sidii Talo Miisaaniyadeed uga soo dhex saari lahayn Hab-Maamulka Maaliyadeed ee Labadan Masuul oo kaliya si ay u anfacdo Masuulka ka Dmbeeya ee Nasiibka u hela xilka wasiirka Maaliyada S/Land.

Ugu Horayn inta aanan bilaabin Daraasadan Waxaan doonayaa in aan xasuusiyo Labadan Masuul inta aanay xilkoodii bilaabin; Waxay ku Dhaarteen “WAXAAN ILAAHAY UGU DHAARTAY IN AAN U NOQONAYO DAACAD DIINTA ISLAAMKA, DALKAYGA SOMALILAND, DADKIISANA KU MAAMULAYO SINNAAN IYO CADDAALAD INTA AAN XILKA HAYO”.

Haddii ALLE yidhaa Daraasadani waxay daahfur dhamaystiran ku samayn doontaa Miisaaniyada Qaranka Somaaliland isticmaasho oo aynu ka eegi doono Nooca Misaaniyadeed, Qab dhismeedkeed, Farsamo ahaan sida loo soo diyaariyo, iyada oo Daraasadani falan qayn doonto in ay tahay Miisaaniyada Qarankeenu isticmaalo tahay  mid ka turjumaysa rabitaankeena manta iyo in kale.

Arimaha ugu Muhiimsan ee Daraasadani  taaban doonto ay tahay in ay  cilmi baadhis xisaabeed galin-doonto Misaaniyadihii u dhexeeyey wakhtigii Xukumada Ahmed Silaanyo talada Dalka la wareegtay ee july 2010- ilaa Dec 2013 Saamaynta ay bulshada Somaaliland ku yeesheen, Misaaniyadaasi oo ay soo odoroseen Labada Masuul ee kala ah Eng, Mahxamed Xaashi Cilmi oo  xilkaa Wasiirnimada Maaliyada hayey 19-Bilood (July 2010-March 2012) iyo Wasiir CabdiCasiis Samaale oo xilka  wasiirnimada Maaliyada haya ilaa manta.

Sawirka QormadaDaraasadani falan qaynteeda Xisaabeed waxay ku kooban tahay oo kaliya  july 2010- ilaa Dec 2013, taas oo macneheedu yahay in aanay Daraasadani gaadhi doonin Odoroska Miisaaniyadeed ee 2014.

Waxaaan uga jeedaa Misaaniyada sida xeerka Miisaaniyadu dhigayo oo ah odoroska xaddiga lacageed ee kharash iyo dakhli isu dheelitiran sanad Maaliyadeed. Dakhli: waxaa loola jeedaa odoroska dakhli (estimate) ee la filayo inuu soo xarooda sanad-maaliyadeed iyo daymaha ay xukuumaddu u amaahato si sharciga waafaqsan. Kharash: waxaa loola jeedaa lacagta ku baxda Sanad‐Maaliyadeedka laamaha hay’adaha dawladda. sidaas darteed arintani (Miisaaniyad) waa ahmiyada koowaad ee  aynu ku samayno doono daah furka cilmiyeysan haddii alle yidhaahdo.

Ugu dambayna, Daraasadani waxay soo jeedin doono talooyin ku aaddan Masuulka Hab-Maamulkiisa Maaliyadeed ay umadu ku raysay in uu taariikhda Somaaliland ka galo baal dahab ah oo jiilba jiilka kale u gudbiyo wax qabadkiisii Maaliyadeed si Mar kasta umadani u xasuusato una ogaato in ay leeyihiin Hal-door lagu dayn karo. Sidoo kale waxay daraasani ku soo gabo gabayn doonaa Talooyin Miisaaniyadeed oo aan ku kalsoonahay in dalkeenu u baahan yahay.

Miisaaniyada Somaliland isticmaasho waxaa la yidhaa (Line-Item Budgeting) miisaaniyada madaxyo u qaybsan. Noocan miisaaniyadeed waxay u shaqaysaa in ay dhamaan dowlada oo dhami isticmaasho ama iibsato wax isku wada mid ah, xaga hanta dhowrnimada waxaa loo isticmaalaa hab kaliya oo hanta dhawr. Misaaniyadan waxay xooga saartaa kharashaadka, sidoo kalena marka noocan miisaaniyadeed la odorosaayo kharashaadkeeda waxaa loo eegaa kharashaadkii la galay sanadkii hore. Miisaaniyadani waxay siyaasiinta u sahashaa in ay ku mujiyaan mashaariic tiro badan halka kharashadka mashariicdaa loo galiyena aanay daboolayn kharashaadka dhabta. Arintan waxaa cadayn u ah in aynu inta badan maqalnay ama aragno marka miisaaniyadaha la ansixinaayo in ay wasiirada wadaa inta badan sheegaan in ay miisaaniyadani ku jiraan mashaariico badan oo ay waliba inoo tiriyaan magacyada mashariicdaa, lakiin mashariicdaa la sheegay ma fulaan inta badan

Dhinaca kale Carqaladaha ku gadaaman noocan miisaaniyadeed ay tahay in loo maro marka ay haayadaha kala duwan ee dowladu soo odorosayaan miisaaniyadooda waxaa soo sameeya oo kaliya xarunta guud ee haayad kasta leedahay, iyaga oo u kafaalo qaada dhamaan gobolada kale oo dhan, diyaarintaas xarumaha guud ay odorosayaan kharashaadkooda waxay u egaan sanadkii hore, kharashaadyada ay galeen. Lakiin waxaa muhiim ah in aad ogaato in odoroska dakhli wasaarada maaliyada oo kaliya ayaa ka fikirta, halka somaaliland aanay wasarada maaliyada oo kaliyi aanay soo odorosin ee lala wadaago. Miisaniyada noocaas u shaqaysa ayeynu ku eegi donaa in aynu isku bar bar dhigno labadan masuul ee masuul ka mid ahi wali xilka wasiirnimda maaliyada hayo halka Eng. Maxamed Xaashi uu xilkaa wasiirnimada maaliyada hayey 19 bilood oo kaliya.

Eng Maxamed xaashi ayaa noqday wasiirkii ugu horeeyey ee wasaarada maaliyada somaaliland ee ay magacawdo xukumada uu hogaamiyo Madaxwayne Axmed Maxamed Silaanyo ee xukunka la wereegtay 27kii bishii toddobaad ee sanadkii 2010.

Odoroska miisaaniyadeed ee sanadkii 2010ka ayaa dhamayd 330,909,580,627 (Saddex Boqo iyo soddon bilyan sagaal boqol iyo sagaal miyan shan baqol iyo sideetan lix boqol iyo toddoba iyo labaatan) halka toddobadii bilood ee ugu horeeyey ku talo galka dakhliga misaaniyadaasi ahaa 180,000,000,000 (Boqol iyo sideetan bilyan oo shilinka s/land ah) iyada oo dakhliga runta ah ee ku talo galkaa ka soo xarooday ahaa 151,000,000,000 ( Boqol iyo kow iyo konton bilyan oo shilinka s/land ah), halka kharashaadka la bixiyey toddobadaa bilood ( jan –july 2010) uu dhamaa 109,000,000,000 (Baqol iyo sagaal biyan oo s/land ah), marka la kala gooyo dhakhliga iyo kharashka toddobadaa bilood soo hadhay uu ahaa 42,000,000,000 (Afartan Bilyan oo s/land ah), lakiin aan loogu iman baanka dowlada.

Wasiirkii Maaliyada ee xiligaa oo ahaa Eng. Maxamed waxaa kale oo uu la wareegay afart xisabood ee dowlada s/land ku shaqayso oo madhan (xisaabta Dowlada dhex ee A/C08, Xisaabta kabka dowladda hoose oo ahayd A/C156, Xisaabta gobolada bariga 2% A/C490,  Xisaabta Hay’adda wadooyinka qaranka)

Daynta  dowlada lagu lahaa  waxaa ka mid ahaa Afar bilood (bishii Afaraad ilaa bishii todobaad ee sanadkii 2010ka)  oo mushahar aanay qaadan ciidamada iyo shaqaalaha oo dhami, sidoo kale raashinka ciidamada oo hal bil (bishii toddobaad) ay dad muwadiniin ahi leyihiin, halka dhamaan kharashaadkii hawl socodsiinta ilaa bishii kobaad ilaa bishii toddobaad ee sanadka 2010ka, ay dayn ahayd, isku gaynta daymaha Eng. Maxamed xaashi nasiibka u yeeshay in uu la wareego ay dhamayd  $ 22,000,000 ( laba iyo labaatan malyuun oo doolar).

Xili uu warbaahinta la hadlaayey Eng Maxamed xaashi oo ah wasiirkii hore maaliyada ayaa ku cabiray dareenkiisa hadalkan kooban oo uu yidhi (markii aan xilka la wareegay waxaan la kulmay xaalad adag, taas oo ahayd in dawladu ay qarka u saarnayd inay burburto sababtoo ah waxay ahayd dawlad lacag badan lagu leeyahaya isla markaana ay lacag badani ku maqan tahay….. Eng. Maxamed xaashi

Eng. Maxamed Xaashi 19 bilood (sanad iyo toddoba bilood) Waxqabadyadii uu qabtay waxaa ka mid ahaa oo aan halka ku xusi karaa

ina  xaashiHab-Maamulkii maaliyadeed ee Eng. Maxamed wakhtigaa hormoodka ka ahaa waxay ka guurtay xisaabta Dowlada dhexe A/C08, kaas oo lacagta adag iyo lacagta shilinka somaliland ku wada xaroon jireen, waxayna  furtay xisaabta lacagta adag ee hore u jirtay, lakiin aan la isticmaali jirin,xisaabtaas oo ahayd AC/11, waxaa kale oo hab-maamulkii maaliyadeed ee Eng. Xaashi furay xisaab cusub A/C 488, kaas oo isna lagu shubo shilinka Somailand, Halka xisaabta kabka Dowladaha hoose ee A/C156, lagu bedelay xisaab cusub oo ah A/C489.

Dedaal dheeraad ah ka dib hab- maamulkii maaliyadeed ee Eng. Xaashi wuxuu ku guulaystay in uu bixiyo dhamaan dayntii dowlada lagu lahaa ee dhanayd $ 22,000,000, sidoo kale Agust-December 2010 xisaabta kabka Dowladaha hoose A/C489, waxaa lagu shubay lacag dhan 6,518,407,715 sl.sh, dhakhligan oo sababay in ay dowladaha hoose ee dalku ku bilabaan mashaariic ay ka midka yihiin jidadka, sidoo kale waxaa kor loo qaaday 40% dakhliga ay dowlada dhexe u qabato dowladaha hoose. Halka xisaabta 2% ee gobolada bariga A/C490, isaga oo sida xisaabaadkii hore oo kale madhnaa ayaa waxaa sare loo qaaday in laga ilaaliyo inuu musuq maasuq ku yimaado oo waxaa ku dhacay dakhli dhan $423,917 oo lagu fuliyey mashariic ay ka mid yihiin laascanood oo laga fuliyey Dhismaha sariibad ku kacay kharash dhan  $140,114 iyo Dhismaha kale ee kawaanka oo ku kacay kharash dhan $137,440, halka Dhahar laga fuliyey dhismaha xabsiga oo ku kacay kharash dhan $146,363, halka xisaabta Haay’adda wadooyinka Agust-December 2010 la soo xareeyey dakhli dhan 3,957,277,321 sl sh. Eng. Maxamed Xaashi wuxuu wax ka qabtay sariifka lacagta qalaad, oo farqiqii sarifka lacagaha laga dhex sameeyey dakhli dhan 16,000,000,000 sl. Sh. Isku soo wada duub dhakhliga dowlada (Agust-December 2010) wuxuu noqday dhakhli dhan 179,909,580,627 sl sh.

Eng Maxamed xaashi waxa uu dajiyey qorshe lagu badbaadinaayo Qaranka oo waxaa uu culays dhereead ah sii saaray sidii loola tacaali lahaa marxalada adage e dhaqaale xumo ee ka jirta dalka, Eng. Xaashi waxaa uu qaaday talaabooyin  feejignaa badan oo lagula dagaalamaayo musuq maasuqa iyo talabooyin kale oo xooga lagu saaray sidii dakhliga dowlada loo kordhi lahaa gaar ahaan kastamada Berbera, Kalo baydh, iyo Saylac, waxaa kale oo xooga la saaray dakhliga cashuuraha Bariga oo hoos loo dhigay tusaale ahaan cashuuraha Macashal macaashka Ganacsiga, Macashal macaashka kirada Guryaha, cashuurta kala warejinta Baaburta, cashuurta Gadista, Cashuurta Diwaan Galinta shirkadaha, Cashuurta dhaxalka, sidoo kale waxaa la diwaan galiyey dhamaan guryaha Hargysa, Borama, Berbera, Burco, Ceergaabo, Gabiley, Wajaale, Arabsiyo. Talaabooyinkan oo dhami waxay sababeen in dakhliga dowladu sare u kaco tusaale ahaan ka kastamada qaar dakhligoodu sare u kaco 100%, halka dakhliga cashuuraha barigu 35% uu sare u kacay.

Eng. Maxamed Xaashi miisaaniyada sanadeedkii 2011kii oo qadarkeedu ahaa 481,323,687,473 slsh, miisaaniyadaa waxaa mushaharooyinka shaqaalaha iyo ciidamada oo loo kordhiyey 100% oo ka noqonaysa miisaaniyadaa 59%. Sidoo kale Burco waxaa laga badalay lacagtii giinbaarta ahayd ee ay isticmaalayeen, halka miisaaniyadaa caafimaadku ka ahaa 16,344,798,558 slsh, waxbrashaduna ay ka ahayd 33,469,692,024 slsh, wakhtigaa  Eng. Xaashi waxaa kale oo hir gashay in Golaha Baraalamaanka la hor keenay xisaab xidh sanadeedkii lixdii bilood ee ka hadhay sanadkii 2010ka iyo markii uu dhaamaadaay sanadkii 2011kuba, oo xisaab xidh la hor keeno ay ugu dambaysay sanadkii 2002-dii.

SamaaleHalka qiyaasta saboolnimada ka jirta magalooyinka somaaliland oo aad u yaraatay marka loo eego ta ka jirta wadamada jaarka, sabata oo ah waxaa 2010-2012kii la qoray shaqale dhan 5557 shaqaale ah oo la kulmay mushahar fiican oo loo kordhiyey iyo sixir barar la’aan ay keentay cashuuro aan sare loo qaadin.

Halka helitaanka adeegyada cafimaadka ka jira magaalooyinka marka la bar bar dhigo wakhtiyadii hore ay aad u wanaagsan yihiin, sababat oo ah Hab- Maamulkii Maaliyadeed Eng. Maxamed Xaashi wuxuu wax ka qabtay in uu kordhiyo xarumaha caafimaadka, rugaha caafimaadka, iyo Gadiidka caafimaadka, Waxa kale oo la kiciyey qalabka kalyaha taas oo ku kacday shan iyo afartan kun oo doolar, halka sidoo kale gabi ahaanba la bedelay sariirihii yaalay cusbitaalka Hargaysa oo aad u gaboobay oo kolba meel laga laxaamadi jiray oo Kharash dhan ku kacday lacag boqol iyo shan kun oo dolar.

Heerka wax akhriska iyo qorista wakhtigii Eng. Maxamed xaashi aad ayey uga wanaagsanaa akhriska iyo qorista ka jirta wadamada jaarka, tusaale Waxbarashada dugsiyada hoose dhexe ee dawlada waxaa laga dhigay lacag la’aan, Waxa kale oo la qoray 2950 macalin oo lagu daray macalimiinta mushaharooyinka qaata, taasi waxay dhalisay korodhka akhriska iyo qorista ardyda u dhaxayso 7-13 jir ay sare u kacdo tiro dhan 85% caruurta da’doodu gaadhay xiliga tagista dugsiyada.

YUSUF SORAAN ISMAILWax soo saarka guud ee wadanka somaaliland aad ayuu uga fiicnaa wakhtaa Eng. Maxamed Xaashi tusaale ahaan horumarinta wax soo saarka beeraha ayaa sare loo qaaday iyada oo agabka horumarinta beeraha la gaadhsiiyey beeraleyda qalabyada ay ka mid ka yihiin motoro, tuunbooyin, haamaha buufinta cayayaanka, saacado qodaal, majarfadooyin, yaanbooyin, madaraqyo, kaaryooneyaal, roobeeg, makiinad gacmeed arabikhida lagu dhilo, cagafyo, sidoo kale 2,000 beeralay ah ayaa tabobaro la siiyey.

Kaluumaysiga oo aan ilaha dakhliga hore ugu jirin ayaa wakhtigaa Eng. Maxamed Xaashi ka soo xarooday dakhli dhan $ 463,472.00.

La soco qaynta kale haddii ALLE yidhaa

Yusuf Soraan

Aqoonyhan shahaaddada sare ee Master-ka (MBA) ku Diyaariyey Maamulka Cashuuraha Iyo Maaraynta Kastamadda (MBA of Tax and Custom Administrator)

Graduate Institute of Tax and Custom Administration in Ethiopian Civil Service University

Email: sooran07@hotmail.com