Iran: Sacuudiga waxaan uga dacwooneynaa UN

Iran(SLpost)-Dowladda Iran ayaa sheegay in Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay ay u gudbin doono dacwad ku aaddan duqeyn ay sheegtay in diyaaradaha Sacuudiga ay u geysteen safaaradeeda ku taalla caasimadda Yemen ee Sanca.

160107132035_saudi_arabia_iran_624x351_bbc_nocredit

Warbaahinta qaranka ee Iran ayaa sheegtay in firir gantaal uu ku dhacay gidaarka safaarada, ayna ku dhaawacmeen dhowr ka mid ah shaqaalihii halkaasi ku sugnaa.

Wararka laga helayo deegaanka ayaa sheegaya in duqeyn culus loo geystay agagaarka safaarada, balse aanay muuqan wax burbur ah oo dhismaha soo gaaray.

Xulafada uu horkacayo Sacuudiga ayaa beeniyay in ay safaarada bartilmaameedsadeen ama ay duqeeyeen deegaannada ku dhow.

Arrintan ayaa kusoo beegmeysa xilli uu meel xun marayo khilaafka diblomaasi ee u dhexeeya Sacuudiga iyo Iran.