Iran oo sheegatay in safaarad laga weeraray

Iran(SLpost)-Afhayeen u hadlay wasaaradda arrimaha dibadda ee dalka Iran waxaa uu sheegay in Sacuudi Careebiya ay mas’uul ka tahay burbur dhismaha safaaradda ee magaalada Sanca iyo dhaawacyo gaaray qaar ka mid ah shaqaalaheeda. Eedeyntani waa mid sii hurinaysa khilaaf cusub oo diplomacy-adeed oo aad u ba’an oo dhexmara labada waddan ee sida weyn ugu xafiltamaya awoodda gobolka.

Hase yeeshee ilaa hadda ma kala cadda in safaaradda la duqeeyay, haddii ay saas tahayna, in si ula kac ah ay u bartilmaameedsadeen xulafada Sacuudigu hoggaaminayo iyo in kale.

Weriye goobta jooga waxaa uu BBC u sheegay inuu meesha tegay wax ka dhacayana uusan arkin. Waxaa jirtay duqeyn culus oo xagga cirka ah oo lagu hayay magaalada Sanca 24-kii saac ee ugu dambeeyay. Rajadu waxay ahayd in xiisadaha khatarta ah ee u dhexeeya Riyaad iyo Tehran aanay faraha ka bixin. shil noocaan oo kale ah taas shaki ayuu gelinayaa.