Iran oo Ku Dhawaaqday Inay Wadahadal Diyaar U Tahay In Lagu Xaliyo Xiida Sucuudiga Ka Dhextaagan

Iran(SLpost)-Dowlada Iran ayaa markii ugu horeysay sheegtay inay diyaar u tahay wadahadal la xariira daminta xiisada ka dhex aloosantay Boqortooyada Sucuudiga iyo Dowlada Iran.

Wasiirka Arrimaha Dibada ee Iran Mohammad Zarif ayaa Arbacadii shalay soo saaray warsaxaafadeed uu ku sheegay in dowladiisa ay diyaar u tahay in wadahadal lagu xaliyo xiisada ka taagan gobalka isagoo sheegay in wadamada Islaamka u baahan yihiin inay iska kaashadaan la dagaalanka kooxaha argagaxisada ah.

Xiisadan ayaa ka dhalatay dilkii ay dowlada Sucuudiga Sabtidii lasoo dhaafay ku fulisay wadaad Shiico ah oo la yiraaho Nimr Al Nimr iyo 46 qof oo kale oo ay dowlada Sucuudiga ku eedaysay falal argagaxiso. Nimr ayaa kamid ahaa hogaamiyayaasha shiicada ku nool dalka Sucuudiga, wuxuuna horey u waday kacdoon aan hubeysneyn oo looga soo horjeedo xukunka Boqortooyada Sucuudiga.

Shiicada oo si weyn uga caroortay dilka Wadaadkaasi ayaa banaanbaxyo ka dhigay dalal kala duwan, shacab careysan ayaa sidoo kale xoog ku galay safaarada Sucuudiga ku leeyihiin magaalada Tehran ee caasimada Iran, halkaasi oo burbur loo geystay aqalka Safaarada Sucuudiga.

Dowlada Sucuudiga ayaa bilowday olole diblumaasiyadeed oo ka dhan ah dowlada Iran arrintaasi oo ay uga jawaabeyso xadgudubka lagu sameeyey Safaaradeeda Tehran, waxaana arrintan ku taageeray dhowr wadan oo ah Carab iyo dalalka Islaamka ah oo ay ku jirto Soomaaliya oo cambaareeyey falkaasi ka dhacay wadanka Iran.

Khubarada falan-qeeya siyaasada bariga dhexe ayaa qaarkood sheegaya in xiisada Iran iyo Sucuudiga ay dhici karto inay dani ugu jirto labadaasi dal oo hoos u dhac ku yimid dhaqaalahooda kadib markii qiimaha batroolka ee caalamka uu hoos u dhacay, waxayna xiisadan keeni kartaa in qiimaha shidaalka markale sare ugu kaco, taasi oo faa’iido dhaqaale u ah labadaasi wadan ee shidaalka soo saara.