Iran: Adduunka ayaan ka Tiri-tiri doonaa Yuhuudda hadday weerar nagu soo qaadaa.

Tehran (SLpost)- Hogaamiyaha diinta ee Iran, Ayatollah Seyyed Ali Khamenei ayaa ugu hanjabay dawladda  Yuhuudda inay adduunka ka masaxi doonaan  hadii ay weerar ku soo qaadaan dalkooda.

“Madaxda Yuhuudu marar ayey u hanjabaan Iran, laakiin, waxay ogyihiin hadday wax xun sameeyaan, in jamhuuriyadda Iran Tel Aviv iyo magaalada Xayfa dhulka la simi doonto.” Ayuu yidhi Khamenei oo shalay u khadbadaynayey shacbi badan oo ka soo qayb-galay munaasibad loo qabtay sannadka cusub ee Iiraan (Nayruuka).

Hogaamiyaha Iran oo ka hadlayey saamaynta cuna-qabataynta aduunku ku saareen Iran, ayaa yidhi, “Marka laga yimaado xumaanta talaabadaa, wanaag badan ayaan ku helay, shacabkii dalkuna way ku midoobeen.

iranWay ku mahadsan yihiin cuna-qabataynta, Iran dardar cusub ayey ka heleen, kaabayaal badan ayaa laga dhisay dalka sannadkan 1391 [Tariikhda Iran].”

Hogaamiyaha ayaa soo dhoweeyey dalabka wada hadalo toos ah inaan la yeelano Maraykanka,  waxaanu yidhi, “Qaabab kala duwan iyo fariimo, Maraykanku waxay isku deyayaan inay nagala xaajoodaan arrimaha nukliyeerka, laakiin, rajo badan kam aqabo wada hadaladaa.

Kama soo horjeedo wada hadalada, markay noqoto dhinaca nukliyeerka, laakiin, xaaladaha qaarkood waa in la bayaamiyaa.” aAyuu Ayatollah Khamenei sheegay.

Waxuu u soo jeediyey Maraykanka inay ka dhabeeyaan wada xaajoodkooda Iran, “Wax badan ayaan ku celcelinay inaanan hubka nukliyeerka samaysanayn, laakiin, may rumaysanin hadalkayaga, maxaa nagu khasbaya inaan hadalkiisa rumaysano ?” “Wada xaajoodka Maraykanka waa khidad ay ku marin habaabinayaan fikirka shacabka, hadii kale ha ka dhabeeyaan,” ayuu raaciyey. “Iran weligeed ma liicayso. Hadii Maraykan doonayo dhamaynta arrinkan, shardiga ku xidhan waa inay joojiyaan cadaawada Iran u hayaan.”

Somalilandpost.net