Inkastoon Halyeey Ahey Hanadoo Dhiirran, Maxey Hibashadu Ii Tari, Hiil Allah Jiree (Waa Sheekadii Doob Ma Kore) – W/Q: Barkhad Xaaji Cabdi [Mr gaboye]

bmrgaboye3333Waxaan marka hore si xushmad iyo qadariin ku dheehantahay salaamaya dhaman saxaafada warbaahiinta xorta ah ee jecel sinnaanta iyo cadaalada ee reer Somaliland iyo dhamaan akhristayasha sharafta iyo qadariinta mudan.

Salaan ka dib, waxaan halkan ku soo gudbinaya Waa Sheeko aad u xiiso badan oo aan ugu magacdaray  Sheekadan magaceeda “DOOB MA KOREE”

Akhriste bal sheekadan akhri oo si wanagsan u dhuux,

‘Bari ayaa waxaa jirey Odey dhaleey 6-wiil iyo hal gabadh Odeyga waxaa magaciisa la yiraahda ”AW DAMAC”,waa qoys masha alah dhaqaan xoolo badaan iyo dhulba ilaahey ugu deeqey waxa qoyska ugu weeyn wiil ,wiilka waxaa la yirahda ,”DOOB MA KORE”waa wiil ilahey ugu deeqey caqli iyo garaad fiicaan waa wiil jecel qoyskooda horumarkooda waxuu had iyo jeer jecel yahey inuu hawlaha qoyskooda inta badaan isagu u qabto ,waxuu ku dadaala inuu qoyskooda wixii ka qabyo ah uu qabyo tiro ,waa nin aan daaliin hawl kar ah oo xoog furaan ,shaqada qoyskooda inta badaan isaga ayaa dusha saarta waayo ,wiilasha walaldii inta badan iskuma hawlaan iney sifiican shaqada qoyska u qabtaan ,laakiin wiilkan DOOB.waa u xoog furaanyahey qoyskooda ,waxaa uu foofiya xoolaha daaqa iyo aroorka reerkaba isaga qabta waxa intaas u dheer inuu ka war hayo  dhamaan Agabka qoysku u adeegsado nolasha qoyskooda wixii ka jaba ama u baahan in loo hagaajiyo wuxuu inta badan ee uu reerka joogo wakhtigiisa siiya inuu agabkas u baahan hagaajiinta inuu u sameeyo reerka sida dhiilaha ,haamaha ,iyo hangoolada ,waramada ,gudinada iwm ,waa wiil ilahey ku maneystey maskax fiicaan iyo farsamo  uu reer kooda wixii ay u baahdaanba uu u diyaariyo agabka adeega nolosha qoyskoodu ku xiraan yahay.

Balse Odeyga reerka dhaley ee aabihii nasiibdaro wax yaabahas iyo hawsha intaas leeg ee uu wiilkisa curad ee DOOB u qabto qoyskooda uma arko inuu wiilkiisu qoyskoda u yahey udub dhaxadka qoyska ee ka talinaya horumarka qoyskooda ,wuxuu aabihii u arka inuu inankiisa curad aanu aheyn nin hanankara hogaanka qoyska ,ama u qalma ,Odeygu wuxuu wiilkiisa curad ka jecelyahey wiilashisa kale  ,waxaa dhacdey in maaliin malmaha ka mida in wiilkii ku xigey ‘DOOB” Inuu ku tashadey inuu guursado oo uu caaqash haleeley ,markas ayuu aabihii u sheegey oo uu ku yiri aabo inan  guursadaan raba ee ii guuri odeygii ‘AW DAMAC’ markuu wiilki u sheegey aadbuu ugu farxay  wiilkiisa ka codsadey in loo guuriyo ,markaas ayuu Odeygii asagoo wiilkiisa curadna dhan ka Duraya ayuu ku dhahey walee waad igu banantahey wanan kuu dhisaya gabar alaale gabadhaad doonto anaa kuu guurinaya ,walalka DOOB MA KORE,adaa ka fiicaan waa wax matare kaasi mar qudha kama maqal damiiir uu ku hindiso inuu guursado Hanna  mahalan kani ee adaa ka wanagsan oo wan ku dhisaya ,waanu u guuriyey wiilkii ka yara.

Wiilkii curadka ahaa’ DOOB MA KORE’  waa maqley in walalkiisa ka yaar loo guurinayo balse waa ku farxey waanu garab istaagey walalki ,wiilkii sidii baa logu dhisey gabartuu doonayey ,mudo ka diib wiilkii ku sii xigey baa isna damacii jaceylka iyo guurkii galeeey waana loo guuriyey ilaa inankii ugu yara loo guuriyey,intaasba wiilka qoyska ugu weyni aad buu ugu fraxsanyahey in walaladii loo guuriyo ,balse uma arkaan iyagu inuu walalkood ku faraxsanyahey lana jecelyahey hankooda iyo hanashada guurkooda walaaladii,

Maaliin kale ayaa inantii ugu dambeysey reerka ugu yareeyd oo la yiraahdo “DAGMO “ayaa markii ay qaan gaadhay is weydiisay waxa ka maqan ee ay xaga u leehdahay dabadeedna ogatay inay xaq iyo xaquuq u leehdahay inay reer yeelato maadama ay tahay gabar qaan gaadhay markas ayey bilowday siday u heli lahayd xaquuqdeeda ka dibna hooyadeed”’DUCO” hadalo sarbeeba ugu duur xushay inay rabto in ay la sinaato wiilasha walaldeed ee guursaday ,ka dibna hooyadeed ay xaajigeedii ‘AW DAMAC’ay u sheegtay inay inantiisu qaan gaadhay guurna diyar u tahay ,ODAYGI ‘AW DAMAC’ isla markiiba waa u garowsaday inay inantiisu xaq iyo xaquuq u leehdahay in loo dhiso oo ay guri yeelato ka dibna uu sidii ugu dhisay xaquuqdeedina u siiyey inantiisii.

Mudo yar ka dib ayaa  Odeygii DAMAC, iyo xaaskiisii ,DUCO,habeen habeenada ka mida  goor fiida iyagoo aqalkooda ku wada jira ay sheekeysteen ka dibna ileen hooyo waa beere ay inankeeda curud ee aan wali guursan ay xaajigeeda talo ahaan u soo bandhigtay inu inankiisa weyni ee ”DOOB MA KORE’ xaq iyo xaquuq u leehyahay in loo guuriyo oo uu reer yeesho ,islaantii duco iyadoo xaajigeeda hadal sarbeeba oo micne weyn ku jira ayey tiri xaajiyoow “HORTA WAA GAAR  BAY INAN GABADHEENA  YAR  XAQEEDA SIINO OO AY REER YEELATO LAAKIIN DOW MAHAN  IN AYNU INANKEENA CURAD EE ‘DOOB MA KORE’ AYNAN WALI XAQ IYO XAQUUQDIISI AYNAN SIININ  EE XAAJI MAXAAD KA DMACDAY INANKA ?”

ODAYGII AW DAMAC ‘ayaa xaajiyadiisii duco ugu jawaabay ducooy inankaga aad la hanweyntahay waa ‘DOOB MA KORE’ hankan iyo hamigan kugu jiraa inankan kumaba jire oo garan maayo wuxuu yahay e iska daa reerka ha kuugu adeegee anigu sidaa wuxuu ku dhaamo garan mayo; inankan ‘DOOB MA KORE’  intay sheekaysanayan aabihii iyo hooyadii isagu wuu maqlaya ardaaga qalka u dhow ayuu agabka reerka ugu samaynayay ‘DOOB MA KORE’ ruuntii hadaladii wey dhibeen uu aabihii lahaa ee uu maqlayey aadna wuu uga guubtey balse waa waalidkiis oo markuu cadho dareemo ama wax dhibaaya reerkooda uga yimada waxuu ku dadaala inu is iloowsiiyo una samro waa nin ilaa xaad ilaahey ku maneystey dulqaad iyo samiirba ,isagoo ruuntii damqanaya hadaladiisani ay aad u damqeen isna ogeeyn ayuu dabuubtiisa marqudhaa ka soo butaaceen hadalo damqasho badan leeh oo uu yiri,,NINBA WAA AYAANKII ,NAFBA WAA NASIIBKEED ANA WAXAAN KU KORI LAHAA WAA SINAAN IYO CADAALAD HADUU WAALIDKEY KU DHAQMAAYE ,MAXAAN KORAA MA ARKO WAXAAN KU KORILAHAYE ?WAXUUNA RAACIYEY GEERAR  YAR OO KOOBAN

INKASTOON AHEY HALYEEY

HANADOO DHIIRAN

HAANKIISA IYO MAANKUBA

IIMANKA KA HODAN AHEY

HAYEESHE WAALIDKEEY

HABACSANE NINLIITIYO

HACOO UU II ARKO

MAXEY HIBASHADU ITARI

HIIL ALA JIREE….

Hadaba guuntii iyo gunaanadkii waxaan sheekadan xiisaha badan ee duur xuulka ah uga daan leehyahay xukuumadayada JSOMALILAND ,waxay dhashay ama dowwadayaala waa lixda wiil ee walalaha ah iyo gabadhaas waxaan muraan ku jiriin in 5-wiil ay xukuumadu siisay xaquuqdooduu iyo gabadhii u dmabaysay oo aanu aad iyo aad ugu faraxsanahay in gabdhaha haweenka walalayaha reer somaliland xaq iyo xaquuqdooda helaan waanan ku amanayna xukuumada iyo madaxweynaha jsomaliland “MUDANE AXMED MAXAMED MAXAMUUD ‘SIILAANYO”inuu si xilkasnimo leeh haweenka somaliland xaq iyo xaquuqdooda u siiyey ugana dhex muuqdan dhamaan saddexda gole iyo wasaaradaha dowladaba.

Waxaan hadaba anigoo tixgalinaya sharafta iyo karaamada xukuumadayada iyo madaxweynahayagaba jsomalinad “MUDANE AXMED MAXAMED MAXAMUUD ‘SIILAANYO” wiilkan lixaad ee “DOOB MA KORE”waa MUWAADINIINTA BEELAHA GABOOYE EE REER SOMALILAND waxay la korilayihiin ee dibu dhaca ugu wacaan waxay u baahanyihiin ee ay ku korilahaayen waa SINAAN IYO CADAALADDE ,MUDANE MADDAXWEYNE INTAAD IL CADAAALADED KU EEGTO MUWAADINIINTADA XAQUUQDOODA SII MARKAASBAY KORIYE BEELAHA GABOOYE..waxaan rajaynaya in insha alah is badal deg dega aanu heli doono iyo xaquuqdaydaba maddaxweynahayaga iyo xukuumadayada jsomaliland ay si xilkasnimo leeh u qiimeeyn doonto “DOOB MA KORE” JSOMALILAND GUUL IYO BARWAAQAN MARKASTAB U RAJAYNAYA  INSHA ALAH AAMIIN….

WALBILAHI TOWFIIQ

QORE-Barkhad Xaaji Cabdi”MrGaboye”

Gudoomiyaha  Qurba Joogta Beelaha Gabooye  Somaliland Ee North America..

Email:abokoriye1@hotmail.com

Email:mrgaboye

Ontario Canada …