Ingiriiska oo Muwaadiniintiisa ka Daad-guraynaya Dalka Masar

Sharma Sheekkh(SLpost)- Diyaarado ayaa dib u daad gureyn doona dadka British ka ah ee dalxiiska u jooga magaalada Sharma Sheekh ee dalka Masar, sida lagaga dhawaaqay xafiiska Ra’iisul wasaaraha Britain.

 

Shirkadaha diyaaradaha ee kala ah, Easyjet, Monarch, Thomson iyo British Airways dhammaan waxa ay daad guureyn doonaan rakaab wajihidoona baadhitaano dheeraad oo dhanka amniga ah. Rakaabka diyaaradahaasi raacaya waxaa loo ogolyahay oo keli ah alaabta gacanta ay ku sitaan, boorsooyiinka iyo alaabaha kale ee culusna diyaarado kale ayaa la saarayaa, sida Britain ay sheegtay.

 

Kumanaan British ah ayaa weli ku suganaa Sharma Sheekh, markii Britain ay ku dhawaaqeysay inay hakisay duullimaadyadii uga imaanaayay ama aadayay Masar. Dowladda ayaa go’aankaasi ku dhawaaqday arbacadii, kaddib markii ay soo bexeen warar sheegaya in diyaaradda Ruushka ee la soo riday bam uu saarnaa.

 

BBC-da ayaa ogaatay in baadhayaasha Britain ee raadinaya waxa sababay burburka diyaaradda rakaabka ee Ruushka ay aaminsan yihiin in uu ahaa bam la sii saaray diyaaradda ka hor inta aanay duulin.

 

Madaxweynaha Mareykanka, Barak Obama waxa uu dhankiisa sheegay in Mareykanka uu si dhab ah u qaadanaayo suuragalnimada ah in bam uu saarnaa diyaaradaasi.

 

Laakiin Masar waxa ay sheegeysaa in aan la gaadhin xilli go’aan la gaadho, aanay ahayd in Britain ay la wadaagaan wararkii ay hayeen saaxiibadooda.

Ra’iisul wasaare, David Cameron waxa uu sheegayaa inay “aad ugu badan tahay” in bam argagixiso uu sababay burburka diyaaradda oo ay ku dhinteen 224 qof oo la socotay.

 

Dalal dheeraad ah ayaana hadda ku soo biiray Britain, kuwaas oo xakameynaayaa safarada magaalada Sharma Sheekh.

 

 

Source- BBC