Ingiriiska oo Cabsi ka qaba in dalkoodu noqda Meesha ugu badan Qaaradda Yurub ee laga helo Cudurka Ebola

London (SLpost)- Dawladda Ingiriiska, ayaa shaki ka muujisay in qaar badan oo ka midah muwaadiniinteeda ama dadka socdaallada ku tagaya dalkaas laga heli doono astaamaha cudurka Ebola bilaha soo socda, iyada oo ilaa wakhtigan baadhitaanno laga wado garoomada diyaaradaha ee dalkaas.

Sida ay sheegtay haweenayda madax ka ah wasaaradda Caafimaadka ee Ingiriiska oo lagu magacaabo Dame Sally Davies, ayaa sheegtay inay bilaha soo socda filayaan kiisas badan oo cudurka Ebolaha ah.

haweHaweenaydan oo difaacaysay dhaliilo loogu jeediyey dawladda UK in baadhitaannada lagu hubinayo cudurka Ebolaha ee laga wado madaarrada dalkaasi inay yihiin arrimo siyaasadeed, ka dib markii ay la helay farriimo E-maillada ay isugu direen dhakhaatiirta dalkaas oo sheegayey in baadhitaannadu yihiin arrimo siyaasadeed, waxa ay sheegtay in baadhitaannadani badbaadinayaan nolosha dadka u dhashay UK.

Dalka UK ayaa dhowaan bilaabay inay dadka madaarrada ka soo dega laga baadho astaamaha cudurka Ebola, ka dib markii dalka Maraykanka oo qof ka tagay qaarada Yurub ugu dhintay cudurkaas si xooggan looga bilaabay baadhitanno dadka lagu samaynayo.

Cudurka Ebola oo horaantii sannadkan ka dillaacay waddamada Galbeedka Afrika, ayaa ilaa wakhtigan galaaftay nolosha in ka badan 4,000 oo qof, sida ay sheegtay qaramada Midoobay.

SOMALILANDPOST.NET