India: Khasaaraha Ka Dhashay Laba Tareen Oo Isku Dhacay

New Delhi, (SLpost)- Ugu yaraan 24 ruux ayaa ku geeriyooday tiro intaa ka badanina way ku dhaawacmeen ka dib markii laba tareen ay isku dhaceen gobolka Madhya Pradesh ee badhtamaha waddanka Hinda.india-train-crash-6

Isku dhaca labada tareen ayaa la sheegayaa in ay sababtay roobab xalaad badan oo ka da’ayay gobolkaas iyo weliba tareenada ka shaqeeyaya oo ah tareeno gaboobay oo noocii hore ah.

kooxaha gurmadka degdega ah ayaa sheegaya in ay badbaadiyeen ilaa 300 ruux oo ka mid ah rakaabkii saarnaa labada tareen.

isla goobta ayaa la sheegaya in tareen saddexaad shil ku galay inkasta oo aan la sheegin khasaaraha ka dhashay.