“Inaan arrin isku mid ah anniguna si uga hadlo, Faysalna si uga hadlo, Cali Gurayna si uga hadlo ma dhacdo, laakiin annigaa musharax ah ee…” – Jamaal Cali Xuseen

“Inaan arrin isku mid ah anniguna si uga hadlo, Faysalna si uga hadlo, Cali Gurayna si uga hadlo ma dhacdo, laakiin annigaa musharax ah ee…” – Jamaal Cali XuseenMinneapolis (SLpost)- Murashaxa Madaxweynaha ee Xisbiga UCID Aqoonyahan Jamaal Cali Xuseen ayaa bulshada ka codsaday inaanay ku qiimayn hadallada madaxda UCID qaarkood ku hadlaan ee la dhibsado, balse lagu qiimeeyo Xisbiga lagu qiimeeyo shakhsiyaddii iyo wixii isaga Afkiisa ka soo yeedha, waxaanu ballan-qaaday tallaabooyin iyo shuruuc uu ku soo rogi doono haddii xisbigu hoggaanka dalka ku guulaysto.

Md. Jamaal oo dhowaan magaalada Minneapolis ee Maraykanka ka qayb-galay kulan jaaliyadda Somaliland ee dalkaasi ku marti-qaadday oo su’aalo lagu weydiinayey, waxa uu gef iyo meel-ka-dhac ku tilmaamay hadal Gud-xigeenka saddexaad ee UCID Mujaahid Cali Maxamed Yuusuf (Cali-Guray) ku duray Guddoomiye ku-xigeenak kowaad ee Golaha Wakiillada Md. Baashe Faarax oo uu ku tilmaamay inuu siyaasadda Kooxda Khaatumo qayb ka yahay, xilligii uu sucday khilaafkii sharci ee muxaafidka iyo mucaaradka u qaybiyey Golaha Wakiillada.

HALKAN KA DAAWO