“In La Yidhaahdo Labadii Doorasho Ayaa La Kala Qaadayaa, Qaranka Waa Ku Ceeb” Axmed Muumin Seed

Hargeysa  (SL.Post) Guddoomiye ku-xigeenka kowaad ee xisbiga mucaaradka ah ee WADDANI Axmed Muumin Seed,  ayaa sheegay in go’aanka Madaxweynaha Somaliland Axmed Maxamed Siilaanyo ku kala qaaday doorashooyinka Golaha  Wakiillada iyo Madaxtooyada ay caqabad ku tahay dawladnimada Somaliland.

 

gud-ahmed-mumin-seed

 

 

“Runtii dalku waxa uu maanta ku jira marxalada adag oo doorashooyinkii loo diyaar garoobayo, doorasho marka la maqlo waxa innooga masuul ah oo sharci ahaan loo igmaday komishanka doorashooyinka qaranka oo toddoba xubnood ah iyaga ayaa masuul ah doorashooyinka iyaga ayaa masuul ka ah ku dhawaaqida natiijada cid ku guulaysatay doorashada masuuliyada doorashooyinka oo dhami waxa uu saran tahay komishanka doorashooyinka qaranka.” ayuu yidhi Guddoomiye ku xigeenka WADDANI oo u waramay HCTV.

 

 

Axmed Muumin Seed waxa uu intaas ku daray,  “Waxa Aanu  heshiis ku galnay in la isa saaro labada doorasho ee Madaxtooyadda iyo gollaha wakiillada oo heshiis aanu saxeexnay ayaa ahaa marki danbe waxa loo gudbiyay maxkamadda sare go’aan ayay ka soo saartay go’aankaa ayaynu qaadanay in maanta Somaliland laga sheekeeyo doorashadii ayaa la kala qaadayaa qaranka ceeb ayay ku tahay in maanta shicibka Somaliland ay maqlaan doorashada Madaxtooyadda iyo gollaha wakiillada ayaa la kala saaraya qaranka ceeb yaya ku tahay beesha caalamka arrin fajiciso ah yaya ku noqotay.” Axmed Muumin Seed.

 

 

Axmed Muumin Seed beeniyay khilaaf la sheegay in uu u dhaxeeyo isaga iyo Guddoomiye Cirro, waxa uu ku jawaabay  “Aniga iyo guddoomiyahaygu wali bishi way bilatay iskumaan qaban, Anigu guddoomiyahayga waxaan ku ixtiraamaa in guddoomiye ii yahay oo iga sareeyo isagu waxa uu igu ixtiraama in aan ku xigeenkiisi ahay insha allah tacaala anaga oo midaysan ayaa shirka gollaha dhexe ka gudbi doonaa.”

 

 

Somalilandpost.net