In ka Badan 1000 Tahriibayaal ah oo todobaadkan Gaadhay Dalka Talyaaniga

Rome (SLpost)- Laba doonyood oo ay saarnaayeen 690 qof oo magangelyo-doon ah, ayaa gaadhey dalka Talyaaniga Ilaa iyo khamiistii Ina Dhaaftay sida ay qoreen warbaahinta dalka Talyaanigu.

TAHRIIBAYAALIn badan oo ka mid ah dadkaas ayaa ahaa kuwo da’doodu ka hooseyso 18 sano, iyadoo ay ku jireen Tiro badan oo Haween uur leh, kuwaas oo saarnaa Doonyo aad cidhiidhi u ah oo daka la isku dul raseeyey.

Sidoo kale markab ciidamada Talyaanigu iska leeyihiin oo ku jeedey Palermo ayaa soo badbaadiyey 400 qof oo Tahriibayaal ah kuwaas oo naftoodu khatar ku jirtey.

Wasaaradda Arrimaha Gudaha ee Talyaaniga ayaa ka digtey musiibo qaxooti oo dalkaasi ku dhacdo, iyadoo shaki weyn ka qabta tirade xad-dhaaf ah ee soo gelaysa Dalka Talyaaniga.

Tan iyo Bilowgii sanadan 2014-ka, in ka badan 22000 kun oo qaxooti ah ayaa lagu qaabiley dalka Talyaaniga, waxaana ay 10 jeer ka badan yihiin kuwii sanadkii hore lagu soo dhaweeyey Dalkaasi.

Goobaha lagu soo dhaweeyo qaxootiga ayaa ah kuwo buuxsamey hadda, waxana cidhiidhi badani ka jiraa Xeryaha lagu xareeyo dadka soo gelootiga ah, kuwaas oo muddo badan lagu hayo Goobo xeryo ah.

Dhamaan qaxootiga gaadhey dalka Talyaaniga ayaa si tahriib ah ku tegey halkaas iyaga oo doonyo yar-yar ka raacey Xeebaha Waqooyiga Afrika gaar ahaan Liibiya iyo Tuuniisiya, in badan oo kamid ah dadkanina waa Soomaali ka yaacday Dalkoodii.

Wakhtiyadan dambe dadka tahriibaya ayaa u badan Carab iyo afrikaan kale, waxana si xawli ah Talyaaniga u Galaya Kooxo ka soo yaacaya Qalalaasaha Dalka Syria.