Imtixaanka Shahaadiga Ah Ee Dugsiyada Sare Iyo Dhexe Oo Saaka Dalka Ka Bilaabmay

Hargeys, (SLpost)- Imtixaanka shahaadiga ah ee sannad dugsiyeedka 2014-2015 ee fasallada afraad ee dugsiyada sare iyo Sideedaad ee dugsiyada dhexe, ayaa saaka si rasmi ah uga bilaabmay dalka, iyadoo imtixaankaas shahaadiga ah ay guud ahaan u fadhiisanayaan arday tiradoodu dhan tahay 24000 oo arday dhamaan gobollada dalka.images

Waxaana maalmihii ugu dambeeyey ay wasaaradda waxbarashada Somaliland si aad ah mashquul ugu ahayd sidii ay hawl-wadeenada ka shaqaynaya imtixaankaasi ay ugu kala diri lahayd goobaha ay imtixaanadaasi ay ka qabsoomayaan.

Wasiirul-dawlaha waxbarashada Somaliland Axmed Nuur Faahiye, oo mar uu la hadlayay lana sii dar-daarmaayay qaar ka mid ah hawlwadeenada ka shaqayn doona illaalinta imtixaanaadka oo look ala diraayey qaar ka mid ah gobalada, ayaa sheegay in tirada guud ee sanadkan imtixaanada u fadhiisanaysaa ay tahay 24000 oo arday, waxaana uu tilmaamay in maalintani ay tahay maalin aad ugu weyn qaranka Somaliland, maadaama ay tiro intaa leeg u fadhiisanayso imtixaanaadkii shahaadiga ahaa. “Imtixaanka loo baxayo oo loo fadhiisan doono bisha toddobaadeeda, oo maalinta Axada ku began, iyadoo Jamhuuriyadda Somaliland oo dhan imtixaanka shahaadiga ah ay u fadhiisan doonaan tiro ku dhaw 24 kun oo arday dalka oo dhan. kuwaasi oo iskugu jira 14000 kun iyo dheeraad dugsiyada hoose dhexe ah iyo 9000 kun oo dugsiyadda sare ah maanta waa maalin qaranka iyo shacabka reer Somaliland ku weyn, oo 24000 kun oo arday ay u fadhiisan doonaan imtixaanka, ayna ku soo biiri doonaan saaxadda aqoonta arday cusubi.” ayuu yidhi Axmed Nuur Faahiye.

Somalilandpost.net