Imtixaanka Shahaadiga ah ee Dugsiyada Dhexe/Sare oo maanta Si Rasmi ah uga bilaabmay gobollada iyo Degmooyinka Dalka

Hargeysa (SLpost)-Imtixaanka shahaadiga ah ee fasallada Afraad ee Dugsiyada Sare iyo fasaladda Siddeedad ee Dugsiyada Dhexe, ayaa maanta si rasmi ah uga bilaabmay guud ahaan gobollada iyo degmooyinka dalka.

Imtixaanka shahaadiga oo ay u fadhiistan ku dhawaad 20,000 (labaatan Kun) oo arday ayaa maanta jewi deggenaansho ah uga bilaabmay dhammaan gobollada Somaliland, waxaana korkeerka iyo hawsha imtixaanka ka qayb-qaadanayey saraakiil ka tirsan Wasaaradda Waxbarashada ee Heer Qaran/gobol iyo ciidamada ammaanka.

imtixaanka
ARDAYDA GOBOLKA SOOL OO MAANTA U FADHIISTAY IMTIXAANKA SHAHAADIGA AH

Wasiirka Waxbarashadda Marwo Samsam Cabdi Aadan iyo wefti ay hoggaanayso oo kormeer ku maray goobaha lagu galay imtixaanka Shahaadiga ah ee fasaladda 4-aad iyo fasaladda 8-aad ee magaalada Haregysa, ayaa tafaasil ka bixiyey qaabka imtixaanku u bilaabmay.

“Maanta oo bishu 15 tahay, imtaaxaanaadka shahaadiga ahaa si wanaagsan oo nabadgelyo ah oo ayey waqtigii loogu talo-galay oo  saacaddu ahayd Sideeddii ayey wada bilaabmeen Sanaag-bari, Sool, Saylac, Saaxil, Togdheer iyo Maroodi-jeex, meel xuduudda Somaliland ku jirta oo aanu imtixaanku ka dhicin ma jirto.”

Sidoo kale Guddoomiyaha waxbarashad gobolka Togdheer Cabdi Axmed Siciid ayaa ka warbixiyey tirada ardayda u fadhiistay imtixaanadka iyo goobaha kala duwan ee ardayda imtixaanka lagaga qaadayo oo dhan 33 goobood, halka tiradda dugsiyadda sare ay u fadhiisteen kun iyo konton arday, halka dugsiyadda hoosan ay u fadhiisteen kun iyo sagaal boqol iyo kow iyo lixdan.

Gobolka Awdal ayaa arday gaadhaysa 2,839 arday oo isugu jira fasallada Afraad iyo Siddeedaad, ayaa u fadhiistay imtixaanadka shahaadiga ah ee sannad-dugsiyeedka 2012-2013. Halka gobolka Sanaag ay u fadhiisteen imitixaanka shahaadiga ah Arday tiradooda lagu sheegay 1,542 arday kuwaas oo isugu jira fasallada afraad iyo Siddeedaad.

SOMALILANDPOST.NET