Imtixaanka Shahaadiga ah ee Dugsiyada Dhexe iyo Sare oo ay maanta u fadhiisteen tiradii ugu badnayd

Hargeysa (SLpost)- Imtixaanka Shahaadiga ah ee Dugsiyada Dhexe iyo kuwa Sare, ayaa maanta si rasmi ah uga bilaabmay dhammaan gobollada iyo degmooyinka Somaliland.

Ku dhawaad 22 kun oo arday isugu jirta fasallada 8-aad ee dugsiyada Dhexe iyo 4-aad ee dugsiyada sare, ayaa maanta u fadhiistay imtixaanka shahaadiga ah oo ay ardaydu ku dhammaystaan waxbarashada dugsiyada H/Dhexe iyo Sare ee dalka.

ITIXAANKWasiirka Waxbarashada iyo Tacliinta Sare iyo Saraakiil ka tirsan Wasaaradda, ayaa maanta kormeer ku maray goobaha ay imtixaanaadku ka socdaan ee magaalada Hargeysa, iyada oo sannadkan isbeddel qaabka imtixaan diyaarinta ah uu kaga duwanaa xilliyadii hore oo macalimiinta dugsiyada wax ka dhigta qayb ka qaadan jireen diyaarinta imtixaanka.

Wasiirka Wasaaradda Waxbarashada Marwo Samsam Cabdi Aadan, ayaa sheegtay in imtixaanka maanta isku mar ka bilaabmay dhammaan gobollada iyo degmooyinka dalka.

“Meel kasta oo xuduudaha Somaliland ah imtixaanku si wanaagsan ayuu uga socdaa, waa Illaahay mahaddii,” ayey tidhi Marwo Samsam Cabdi Aadan oo warbaabinta la hadlaysay iyada oo kormeer ku samaynaysay qaybo ka mid ah goobaha imtixaanku ka socda ee magaalada Hargeysa.

Guddoomiyaha Xafiiska imtixaanaadka Daa’uud Axmed Faarax, ayaa isaguna sheegay, “Maanta oo bishu tahay 21 waxa bilaabmay imtixaannadii shahaadiga ahaa ee fasallada Afraad ee dugsiyada sare iyo fasallada siddeedaad ee dugsiyada Dhexe, waxaanay ka bilaabmeen dalka daraf ilaa daraf. Imtixaanada waxa u fadhiisanaysa 7,779 arday oo dugsiga sare ah iyo 13,320 arday oo fasallada siddeedaad ee dugsiyada Dhexe ah,” ayuu yidhi Guddoomiyaha Xafiiska Imtixaannaadka ee Wasaaradda Waxbarashada Somaliland.

Tirada Ardayda Dugsiyada Dhexe iyo Sare ee maanta u fadhiisatay Imtixaanka Shahaadiga ah, ayaa noqonaysa tii ugu badnayd muddadii ka dambaysay Aasaaskii dhismaha Qaranimada Somaliland.

GOBOLKA DAAD-MADHEEDH

BILOWGA IMTIXAANKA IYO WASAARADDA WAXBARASHADA

GOBOLKA SOOL

SOMALILANDPOST.NET