Imtixaanaadka Shahaadiga ah ee Dugsiyada Dhexe/Sare ee Somaliland oo La shaaciyey Wakhtiga ay Bilaabmayaan iyo Tirada Ardayda u Fadhiisanaysa

daauud-axmed-faaraxHargeysa (SLpost)- Wasaaradda Waxbarashada iyo Tacliinta Sare ee Somaliland, ayaa si rasmi ah daboolka uga qaadday Wakhtiga uu bilaabmayo Imtixaannaadka Shahaadiga ah ee Fasallada Siddeed ee Dugsiyada Dhexe iyo Fasallada Afraad ee Dugsiyada Sare iyo tirada Ardayda u fadhiisanaysa Sannadkan.

Guddoomiyaha Xafiiska Imtixaanadka Qaranka Daa’uud Axmed Faarax oo maanta warbaahinta kula hadlay Xafiiskiisa Magaalada Hargeysa, ayaa shaaca ka qaaday in Imtixaanka Shahaadiga ah ee Dugsiyada Dhexe iyo Sare uu si rasmi ah Dalka uga bilaabmayo maalinta Sabtida ah ee todobaadka soo socda oo ku beegan 15-ka Bishan June.

 “Waxaan jecelahay in aan idiin caddeeyo in imtixaankii shahaadigga ahaa ee dugsiyadda sarre iyo H/dhexe uu dhici doonno Sabtidda soo socota oo bishu tahay 15/6/2013-ka.”ayuu yidhi Gudoomiyaha Imtixaanadka Daa’uud Axmed Faarax.

Guddoomiyaha Xafiiska Imtixaanaadka Qaranka waxa uu carrabaabay rasmiga ah ee Ardayda u fadhiisanaysa Imtixaanka Shahaadiga ah ee Sannad-dugsiyeedkan, “Dugsiyada sare waxaa ka qayb-galaya 7,229 (Todoba kun, laba boqol, sagaal iyo toddobaatan) Arday. Dugsiyadda dhexe 12,122 (Laba iyo toban Kun, boqol, labaatan iyo laba) arday, halka waxaad ka fahmi kartaa waa labaatan kun oo wax yar dhiman ayaa sannadkan hadduu alle idmo u fadhiisan doonna imtixaanka shahaadigga ah ee dugsiyada sare iyo dugsiyada dhexe ee Jamhuuriyadda Somaliland ee sannad dugsiyeedka 2012/2013,” ayuu yidhi Guddoomiye Daa’uud Axmed Faarax.

SOMALILANDPOST.NET