Immisa Urur-Siyaasadeed ayaa lagu Dhawaaqay,Yaase Hoggaamiya?- Qaybta 1aad.

Tan iyo markii ooda laga qaaday furashada siyaasadda , waxa lagu dhawaaqay tiro illaayo in ka badan 15 urur siyaasadeed oo cusub, kuwaas oo leh magacyo xambaarsan macnayaal kala duwan, kadib markii la ansixiyey Xeer fasaxaya in dalka laga furan karo ururo siyaasadeed oo cusub, taas oo meesha ka saartay in ay sadexdii xisbi ee hore u jirey oo xuurto ku haystay siyaasadda wadanka, talabaadani waxay ka farxisay dadka JSL oo khaati ka joogay siyaasaddii fadhiidka ahayd ee sadexda Xisbi hore oo dadku ka soo daaleen tobankii sanadood ee u dambeeyey.

Sababaha ugu waaweynaa ee fadhiidka ka dhigay siyaasadihii sadexdaa xisbi waxa ugu weynaa; iyadoo ay noqdeen meel hogaamiyaashii madaxda ka ahaa oo keliyi iska leeyihiin; isla markaana laga maarmay xeerkii iyo nidaamkii u yaalay siiba jaranjaradii maamul; iyadoo xisbi walba koox yari siyaasaddiisa gacanta ku dhigtay, isla markaana noqdeen qaar kootaysan oo cid gaar ah u xidhan, talo-wadaag la,aana caan ka noqotay xisbiyada dhexdooda, hadaba markii la fasaxay furashada ururada waxa neef qaboobi ka soo booday dadweynihii ay intooda badani cabudhsanayeen tobankii Sannadood ee u dambeeyey, Kuwaas oo arkay rajo wanaagsan oo u dhalatay , si ay ugu soo baxaan jiil cusub oo bedela jiilkii hore u soo daalay.

   Gudida u xilsaaran diiwaangelinta ayaa dhawaan soo yareeyey mudadii diiwaangelinta ururada cusub ,  waxaanay ka dhigeen muddada shan iyo afartanka maalmood oo ay ku eegtahay muddadii diiwaangalinta ururada cusub, kuna eeg ilaa  28ka bishan December halka hore ay uga sheegeen inay ku eekayd badhtamaha bisha February 2012, ururada lagu dhawaaqay qaar ka midda  ayaa sida fiinta uga qayliyey mudadan ay soo gaabiyeen gudiga diiwaangelintu.

  Waxaa iyada aan la saadaalin Karin in furashada ururada cusub  laftoodu ay leeyihiin dhibaatadeeda iyo faa’iidadeedaba, Taas oo ku xidhnaan doonta hadba sida ay u dhaqmaan masuuliyiinta ururada cusub ee la furanayaa iyo sida ay uga duwanaadaan xisbiyadii hore ,oo ay jidkoodii wax uga bedelaan,  hadaba ujeedada ugu weyn ayaa ku qotonta in ay ururada cusubi ay dadaal u geli doonaan sidii ugu soo bixi lahaa doorashooyinka golayaasha deegaanka ee dalka ka dhici doona bisha April ee sannadkan dambe.

  Hadaba ilaa iminka waxaa lagu dhawaaqay ururo ka badan 15 Urur  Siyaasadeed oo ay ka mid yihiin Ururada Dalsan, Rays,Wadani, SSC, Udhis, Iftiin, Wadajir,Nasiye, Gobanimo, NDB, Umadda, Gurmad,  Daljir, Jamhuuriya, Nuur, Gobanimo, Damal,  Xusbullaahi Iwm.

Waxaana aan doonaynaa inaan soo koobno aminta lagu dhawaaqay iyo hogaamiyayashooda.

1 – Ururka DALSAN ayaa ahaa ururkii ugu horeeyey ee lagu dhawaaqay taariikhdu markay ahayd 28/09/2011, waxaa madax u ah ama guddoomiye ku meel gaadh ah u noqday, Wasiirkii hore ee arimaha gudaha Md, Ismaaciil Aadan Cismaan, Urur Siyaasadeedka DALSAN, ayaa isla markiiiba Baanka Dhexe ku shubay lacagtii $25,000 ahayd ee looga baahnaa in Urur siyaasadeed kasta oo doonaya inuu ka qayb galo Tartanka Doorashooyinku bixiyo si uu fursad ugu helo inuu ku soo baxo Liiska kala reeb reebka hore ee Ururada is-diiwaangeliya, Urur Siyaasadeedka DALSAN ayaa ah Ururkii labaad ee u badheedha shubista lacagtaasi .

2.- Ururka RAYS, ayaa waxaa lagu dhawaaqay taariikhdu marka ahayd 15/10/11 ,waxaana aasaasay rag ku cusub siyaasadda gudaha ee JSL oo uu hogaaminayo ama uu guddoomiye ku meel gaadh ah u yahay Md. Xasan Maxmed Cali (Gaafaadhi) oo aan hore loogu aqoon saaxada siyaasadda Jsl ,balse intii ay Somaliland jirtay caan ku ahaa hawlo badan oo ka soo qabtay dhinaca horumarinta arrimaha bulshada Somaliland , halka uu Afhayeenka Urur Siyaasadeedka Rays-na yahay Md, Khaliif Maxamed Warsame(Khaliif xiinwaal), Ururku waxa  uu sheegay inuu u taaganyahay ururka Dhalinyarada iyo Shaqaalaha, waxaana uu ka mid yahay ururada ku guuleystay inay shubaan lacagtii looga baahnaa in Urur siyaasadeed kasta oo doonaya inuu ka qayb galo Tartanka Doorashooyinka bixiyo.

3- Ururka WADANI oo lagu dhawaaqay 10/10/2011, waxa  aasaasay xubno ka go,ay Xisbiga UCID, garabka uu hogaaminayo gudoomiyaha Golaha Wakiilada Md, Cabdiraxmaan Cirro,  waxaana muran badan iyo dood badan ka jirtaa xilka Gud, wakiilada iyo hogaamiye urur siyaadeed sida ay isku waafaqayaan,waxaana dacwad ka gudbiyey Xisbiga Ucid oo ku doodaya inay helaan bedelkii xubinta Ucid madaama urur siyadeed kale uu ku biiray Gudoomiyaha Baarlamaanka JSL, si kastaba ha ahatee ururkan ayaa waxaa loo arkaa mid ka unkamay cadho iyo ficiltan ay ku kala tageen ama ku soo kala faataxaysteen Xisbigoodii hore ee UCID oo ay ka mid ahayeen , waana urur ay ku badan yihiin wajiyadii horeba loogu arki jiray shaashada Xisbigoodii hore Ucid , mana muuqato wax uu kaga duwan yahay ilaa iminka ururka Ucid.

 4- Urur Siyaasadeedka SSC waxaa lagu dhawaaqay taariikhdu markay ahayd  26/10/2011ka, waxaana uu hore uga soo horjeeday Somaliland, oo uu dagaal hubaysana kula jiray balse heshiis nabadeed ka dib oo uu la galay Xukuumadda,  ayaa lagaga dhawaaqay Ururkan magaalada Hargeysa uuna isu-bedelay urur siyaasadeed, waxaana ku jira rag miisaan leh oo ka soo jeeda dhamaan qaybaha kala duwan Somaliland , waxaana gudoomiye u ah Md, Keyse Cabdi Yuusuf oo hormood u ahaa  SSC nabada qaadatay.

5 – Ururka IFTIIN oo lagu dhawaaqay 30/10/2011,  waa ururkii ugu horeeyey ee lixda gobolba kaga dhawaaqay mar keliya. Waxa aasaasay Md, Cabdiqaadir Cali Obsiiye oo ah muwaadin ganacsade ah horena uga mid ahaan jirey  dadkii xisbiyadii UDUB iyo Kulmiye u ololayn jiray, mana soo marin maamul ama arimaha dhinaca bulshada rayidka ah, urur Siyaasadeedkan cusub waxaa u taaganyahay  ururka Hormarka iyo Barwaaqada ee Iftin.

Gudoomiye ku xigeenka Urur Siyaasadeedka Iftin ayaa ah  Mud. Idiris Axmed Jagne, halka uu Afayeenka ururkaasi noqonaayo Mud. Axmed Saleebaan Cumar  , astaantiisa ayaa ah midabada Cadaanka oo u taagan nabada iyo Akhtarka oo u taagan Hormar iyo Barwaqo,

Urur Siyaasadeedkan cusub ee IFTIN ayaa ah kii ugu horeeyay ee xaflada ku dhawaaqistiisa ay dalka oo dhan maalin kaliya ka qabsoonto waana midaas mida dad badan soo jiidatay.
6 – Ururka Wadajir oo lagu dhawaaqay 01/11/2011, waa urur ay aasaaseen rag ka go,ay Xisbiga mucaaradka Udub, . Mudo dheerna wasiiro ka soo ahaa Dawladii Rayaale uu majaraha u hayey ,hogaamiyaha ururkan ayaa ka soo qabtay jagooyinka  wasiirkii Beeraha iyo Cadaalada ee hore Aadan Axmed Cilmi (Dhoolayare), kamana muuqdaan wajiyo cusub iyo ashkhaas leh miisaan Siyaasadeed. Sidaa darteed ayaa waxa ay dad badani u arkaan ururkan,  UDUB oo is feeraarisay, waxa cusubna aan wadin.

La soco Qaybta 2aad…...Ururka UDHIS oo la aasaasay ka hor ururada siyaasadda , waxaana lagu dhawaaqay ka hor intii Madaxwayne Axmed Siilaanyo iyo golayaasha sharci dejintu qalinka ku duugin furashada ururada siyaasadda, waxaana munaasibad mar labaad lagaga dhawaaqay ururkaasi magaalada Hargeysa, November 24, 2011 ,waxaana uu noqday ururkii ugu miisaanka cuslaa ilaa hada ururada lagu dhawaaqay, Ururkan oo ay xubno ka yihiin Mujaahidiin…. lagaga dhawaaqay urur siyaasadeed cusub, kaas oo ay ku midaysan yihiin aqoonyahan u badan dhakhaatiir Magac ku leh dalka.Urur siyaasadeedkan cusub ee UMADDA oo astaantiisu tahay calan midabada cadaan iyo casaan Urur Diimeedkan laga iclaamiyey Caasimada Hargeysa ayaa ah kii ugu horeeyey noociisa ee lagaga dhawaaqo dalka tan iyo intii ururada Siyaasadu la furay, kaas oo loogu wanqalay magaciisa Xisbulaah, isla markaana ay ku bohoobeen qaar ka mid ah Culimaa’udiinta …..dalka.ku shaqayn doonaa ay tahay Shareecadda Islaamka, kaas oo Madaxda ururkaasi ay bulshada Somaliland ugu baaqeen in Guud ahaan la laalo Distuurka dalka, isla markaana la qaato ku dhaqanka Shareecadda Islaamka…………

AMMAANA  ALLAH IYO IS ARAG  DANBE

By,Adan Yusuf Elmi .