“Imaaraadka Carabtu Waxay Madaxwaynaha Waydiisteen Inay Saldhig Ka Samaystaan Berbera” Wasiirka Duulista iyo Hawada

Hargeysa (SL.Post) Wasiirka duulista iyo hawada Somaliland Farxaan Aadan Haybe oo, ayaa sheegay in dawladda Imaaraadka carabtu ay Xukuumadda Somaliland ka dalbadeen in Saldhig Milateri ka samaystaan magaalada Berbera.

 

farxaan-aadan-haybe

“Waxaa jira oo xaqiiqo ah, Imaaraadka Carabtu waxay Madaxwaynaha waydiisteen Inay Saldhig ka sameystaan magaalada Berbera, waa Codsi ee Heshiis lama gelin, Madaxweynuhu wuu ka aqbalay (Codsiga) oo diblumaasiyadda ayay ka mid tahay, ” Sidaa waxa yidhi Wasiirka Wasaaradda Duulista Hawada Somaliland Farxaan Aadan Haybe oo ka mid ahaa Weftigii Madaxweynaha ku wehelinayey Socdaalkii uu ku tagay Dalka Imaaraadka Carabta oo Saxaafadda kula hadlay magaalada Hargeysa oo uu dib ugu soo laabtay, markii Madaxweynuhuna uu Imaaraadka uga gudbay Ingiriiska.

Wasiirka duulista iyo hawada Somaliland waxa kale oo uu sheegay in dalalka la jaarka ah Somaliland ay faa’iido weyn ku qabaan Saldhigyada Ciidanka ee dalalka shisheeye ku leeyihiin Waddamada Geeska Afirka waxaanu yidhi, “Jabuuti ayaa inoogu dhaw oo waxay ka faa’idaystaan Saldhigyada ciidamada ee dalalka Shisheeye, Jarmal, Maraykan, Shiinaha iyo Faransiisbaa ku leh, waa xirfad la is dheer yahay.” Ayuu yidhi Wasiirku, waxaanu intaa ku daray, “Madaarka Berbera hore waxaa uu u ahaan jiray Saldhig Ciidan oo ay leeyihiin Waddamada Ruushka iyo Maraykanka”

 

Somalilandpost.net