Illaha laga helo shaqada (Source of employment) – W/Q: Khaalid Cabdi Muuse (Khaalid Casiir)

Waxa dalkeena ka jirta shaqo la’aan baahsan oo saamaysay dhamaan bulshada oo dhan walow ha ugu dar naadaan dhalinyartuye.

Hadaba waa kuwan ilaha laga helo shaqada:  

1)      Khayraad dabiiciya (Natural resource)

Hadii uu dalku yeesho khayraad dabiiciya loona maamulo khayraadkaasi si cadaalad ah waxaa hubaal ah in wadankaasi isku filnaan karo taasna waxaa tusaale kaaga filan wadamada khaliijka carabta.

2)      Shaqaale dawladeed (Government labour)

Hadii ay dawladu shaqaalaysiiso qayb dadka ka mid ah inta kalena ay u qaybiso ilaha kale ee laga helo shaqada waxaa hubaal ah in wadankaasi isku filnaan karo.

3)      Baanan dawladeed iyo kuwa gaar ahba ( Government Banks and Private banks)

hadii uu dalku yeesho baanan dawladeed iyo mid gaar ahaaneedba waxa ay ku filnaan karaan qaybtooda taasna waxaa tusaale kaaga filan wadamada horumaray marka la yidhaahdo waxa kacay warshad ama baan heblaayo waxay dawladaasi si degdeg ah ugu gurmataa goobtaasi kacday si aanay dadkii ka shaqayn jiray ugu soo yaacin dawlada oo aanay uga dalban shaqo..

4)      Warshado (Industries)

Hadii uu dalku yeesho warshado ku filan oo ay u shaqo tagi karaan qayb dadka ka mid ahi waxa ay qaybtooda kaga filnaan karaan shaqaalaysiinta dadka.

5)       Safaarado iyo hay’ado caalamiya ( Embassy’s and International organizations)

Hadii wadanku yahay mid la aqoonsan yahay oo uu leeyahay safaarado iyo hay’ado caalamiyaba waxaa hubaal ah in ay qaybtooda shaqaalaysiin karaan kuna filnaan karaan.

6)      Hawl-gab (Retired)

Hadii uu dalku lahaado sharci lagu hawl gabo taas oo la siinayo qofka marka uu hawlgabo lacag si uu ugu dhiirado in uu shaqada ka fadhiisto fursadna u noqonaysa dadka shaqaadaasi u baahan in ay boosaskaas ay baneeyeen buuxin karaan.

Waxaana intaasi oo dhan lagu gaadhi karaa waa aqoonsi caalamiya

Guntii iyo gabagabadii waxaa is waydiin mudan dalkeenan Somaliland ma leeyahay intaasi oo arimood waxaan filayaa in aan jawaabta idinka idiin daayo!!!!

hadaba waxaan idinka rajaynayaa in aynu sugno aqoonsi caalamiya inta aynu helayno taas oo hadii aynu helno ay wax weyn iska bedeli doonan dalkeena sidan uu maanta yahay.

Illaahayna waxaan ka rajaynaynaa Aqoonsi, nabad iyo horumar……………………..

 

Qalinkii: Khaalid Cabdi Muuse (Khaalid Casiir)

Email: kh_casiir@hotmail.com