Illaahay Dartii u Caawi Hooyo la Dhibaataysan Caruur Maskaxda ka Bukta oo Cunaya Biraha iyo khashinka jidhkooda ka soo baxa.

Hooyo Xabiiba Aw Axmed Diiriye Waxay haystaa Caruur Maskaxda ka Xanuunsaysa oo ay tureen Waalidkii dhalay isla markaana  hooyadii dhashay Caruurtan lafteedu Xanuunsanayso halka Aabohood ku Xidhanyahay Wadanka Itoobiya. Nolosha Caruurtan yayar oo ay la soo Tacaashay hooyo Xabiiba  Aw Axmed ayaa Xaaladooda Caafimaad laga Dayrinayaa, Caruurtan oo kala ah Seddex wiil iyo gabadh dhamaantood  Maskaxda ka Xanuunsanaya (Waalan) kuwaasi oo Cunaya Waxyaabo noloshooda galaafan kara sida Biraha, Ciida, Qoryaha, dhagxanta iyo Wax kasta oo jidhkooda ka soo baxa sida Saxarada iyo kaadida.

Laba ka mid ah Caruurtan oo Warbaahinta la tusay Dhibaatada nololeed ee ku habsatay iyo Qoys ahaan Saamaynta ay ku yeelatay Xanuunka Caruurtaasi ayaa waxaa ka muuqday Darxumo aad u naxdin badan kuwaasi oo ku xidhnaa geed hoostii isla markaana aan haystay Xataa Dhar ay dhaxanta ka xidhaan, iyaga oo ay intaasi u sii dheertay in aanay awood u lahayn inay xajistaan kaadida iyo saxarada oo ay ku sii dayayaan meel kasta oo ay joogaan. Cudurka Caruurtan ku dhacay oo ay ku dhasheen Mid ku cusub Wadanka kuwaasi oo aan Awoodin Hadalka, iyo inay ka baydhaan dabka, biyaha, ooda, jarka, iyo baabuurta.

Hooyo Xabiiba Aw Axmed Diiriye oo soo korisay Caruutan oo ku Sugan Tuulada Jameecada ee Duleedka Magaalada Gabiley oo u Waramaysay Wariye ka Tirsan shabakada Gabiley News ayaa Sheegtay in illaahay mooyee cid wax kala qabatay aanay jirin dhibka ka haysta Caruurtaasi ay illaahay dartii ugu gargaarayso, iyada oo xustay in ay ubaahan yihiin Cusbitaal Badbaadiyada noloshooda oo halis badani ka muuqato.

Hooyadan oo sheegtay in aanay meelna ka tagi karin Caruurta sidan ah isla markaana iyaduba iska xanuunsanayso oo ay tahay qof wayn oo la daalaa dhacaysa koriinka Awlaadan masaakiinta ah ee Cudurku ku habsaday.

Hooyo Xabiiba Waxay muslimiinta ka Codsatay in ay garab ku siiyaan Badbaadinta Awlaadan mucjisada ah ee ubaahan in bulshadu wax ku qaadato iyada oo ka Codsaday in ay Qof kasta oo muslim ahi ku gargaaro wixii Awoodiisa ah ee uu uheli karo. Mucjisooyinka illaahay way badanyihiin, dhib kasta oo aan hore loo Arag waxa Wax lagu tusaa Bulshada ku xeeran in ay wax ku Qaataan, oo ay ugu damqadaan dadka Masaakiinta ah ee u baahan gargaarka, sadaqaduna ay ku baxayso, haddaba waxaa laga Codsanayaa Dadka Muslimiinta ah ee Fariintani soo gaadho in ay illaahay dartii uga Qayb qaataan Gargaarka Caruurtaasi Xanuunku ku habsaday, kuwaasi oo aan dalka gudihiisa waxba lagaga qaban Karin, Hooyada soo korisayna aanay Awood dhaqaale oo ay cusbitaal ku gayso iyo mid ay noloshooda ku dabarto midna u haynin.

Wixii Faahfaahin ah kala xidhiidh Tilifoonada hoos ku qoran:

0025-22-4044779 Aamina Maxamed

002522-4490999

ama ugu shub Dahabshiil Account GEBD-0227