ILAHA (Sources) DHIBAATOOYINKA DALKAN KA JIRA EE SALKA U AH Khilaafaadka Siyaasi, Muranada Sharci iyo XAD-GUDUBYADA

Garyaqaan Salidhige

Anigoo ah Garyaqaan Maxamed Xasan Siciid (Salli-Dhige) waxaan maanta halkan aan idiinku soo gudbin doonaa Natiijooyin ka dhashay  Hawshii ay ii direen Madaxda Dalladda Midowga Suxufiyiinta Madaxa Bannaan ee Somaliland xiligii Warsaxaafadeedkoodii ku qornaa Tixraac: WARGEYSKA JAMHUURIYA Cadadkiisa 3949 ee isniin, August 17, 2009 ee ay ku saxeexnaayeen 1) Clllaahi Maxamed Daahir (Cukuse), 2) Muj. Yuusuf Cabdi Gaboobe, iyo 3) Xasan Siciid Yuusuf-ba; iyo Warsaxaafadeedyo ay soo saareen dhalinta saxafiyiinta ah ee Madaxda Website-yada JSL ay ku baaqeen in aqoon yahanada iyo Waxgaradka dalku ay ka Hadlaan wax ka soo qoraan Xallinta dhibaatadii Khilaafaadkii Siyaasadeed iyo Muranadii Sharci ee dalka gilgilay baadhitaan lagu sameeyo oo wax laga qoro. Haddaba, xiligaas dadkii ka hadlay dhibaatooyinkaasi waxay uga hadleen hab caadifiyad ah, iyo iyagoo aan samayn wax deraasad ah. Dhibaatadii berigaas taagnayd, dhibaatooyinkii ka horeeyey, iyo dhibaatooyinkan maanta dalka dhacayaba waxay yihiin kuwo isku mid ah oo isla hal meel (il) ah ( same sources) oo isku sababo ah. Wakhtiga iyo dadka ayuunbaa is bedelay oo kala gedisan.

Runtii waxaynu nahay Shicib–Shicib kale uu Xukumayo ayeynu nahay, laakiin ma nihin Shucib Dawladi ay Xukumayso. waayo, meesha waxa ka maqan wixii Dawladda Dawlad ka dhigi lahaa, ee ka dhigi lahaa Qof weyn oo masuul ah (Responsible Government). Dhaliilaha dalka ka jira ee halkan aan ku soo bandhigiyaana ma aha kuwo cid gaar ah duusha loo saari karo ama cid gaar ah lagu eedayn karo, Waana Dhaliilo Guudnimo oo xiliga iyo duruufaha inagu xeernaa la xidhiidha. Haddii ay ka fursan weydo cidda mudan in lagu eedeeyaa waa dadka sharciyaqaanada ah ee Qareenada, Xeer ilaaliyeyaasha iyo Garsooreyaasha Maxkamadaha Dalka, waayo iyagu waa kuwo bulshada uga aqoon badan xaga sharciga. Haddaba, arimahan xaga hoose aan ku xusay oo aad u faah-faahsan oo mid waliba uu Mawduuc gaara xambaarsan yahay ayaan halkan si taxane ah aan ugu gudbin doonaa haddii illaahay (SWT) uu idmo, iyadoo weliba aan jecelahay in Wargeys kasta aan Mawduuc gaar ah u soo gudbiyo, kuwaas oo dhamaan xambaarsan oo wadaaga Hiil-Sharci. Ma aha wax sahlan inaad noqotid Tabliiqi Sharci, iyo inaad Dalbatid dadkana aad ugu baaqdid Hiil-Sharci!! Saxaafaadda mid walba Mawduuc gaar ah oo ka mid ah kuwan oo koobsanaaya xaqiiqooyin Sharci ayaan u gudbin doonaa haddii alle idmo, iyadoo weliba aan qormooyinkaygana aan ku salayn doono hab ay u fahmi karaan bulshadu oo tacbiiro ku soo jeeda dhaqankooda. Waayo Bulshada iyo Saxaafadduba aniga xaq bay igu leeyihiin ah inaan u soo bandhigo halka dhibtu ka jirto dawladnimadooda ee sababaysa in la isku xad-gudbo.

Dhibaatooyinka dalka ka jira ee in la xaliyo u baahani waxay yihiin oo ka mid ah kuwa halkan ku taxan:-

 Waxa dalka ka jira Nidaam La’aan Sharci iyo Mid Siyaasadeed (Lack of Political And Legal Systems) arintaasna dhibaatooyinka ay sababto waxa ka mid ah sida;

1) Waxa dalku uu ku sugnaado xaalad ASQOW ah;

2) Waxay Dadkii lahaa aqoonta dawladnimo ay ku keentaa ‘SHAX-GUUR’. Waayo, waxa arrin wada gelaya ama dal wada maamulaya dad aan ahayn isku duruufo, isku waayo aragnimo, isku aqoon, isku khibrad, isku da’, isku Manhaj, iwm;

3) Isla jaanqaadid la’aan; Kala Socod, Isku Dhac iwm;

4) Qardo iyo Nasasho La’aan;

5) Kala Hor Dhac ‘FARAC’ iyo ‘ASAL’; Waxa kala hor-dhaca shay kasta iyo arin kasta ASALKIISII iyo FARACIISII, oo waxaa la samaynayaa arimo Farac ah iyadoo aan hore loo samaynin ama aan la isla garanayn shaygii Asalka u ahaa ee arinkaasi uu ka soo farcami lahaa. Tusaale waxa:-  a) Baarlamaanka dalku uu soo saarayaa Xeer Farac ah, iyadoo aanu jirin ama aanay garan Xeerkaas Shuruucdii Asalka u ahaan lahayd ee ay ka soo farcami lahaayeen ama kaabi lahaayeen. b) Dawladdu waxay dhisaysaa Xafiisyo iyo Hay’ado iyadoo aanay jirin haba yaraatee Xeerkii Qaab Dhismeedka Dawladnimo (Governmen Organisation Act) oo aan la garan Hay’addan iyo Xafiisyadan cusubi qaab ahaan halka ku xdhan yihiin ee ay ka soo farcami lahaayeen, ama derajada iyo halka uu kaga yaalo dawladda. Aduunyadan ma jiraan oo weli inta aadadamuhu noolaa la arag Shay FARAC ah oo taagan bilaa ASAL. ILLAAHAY (SWT) ayuunbaa jira keligiis ASAL la’aan iyo FARAC la’aan, sida ku cad Suuradda Al-Ikhlaas ;

 Waxa dalka ka jira ‘XEERAR-XUMO’ (Bad Laws), xeerar xumaduna dhibaatooyinka ay sababaan waxa ka mid ah sida;

1) Waxay Dawladinimada gelinayaan ‘RUUX-FAASID AH‘;

2) Waxay Dalka iyo Hay’adaha Dawladda ay ka dhigaan ‘QOF-SAWAABAN’;

3) Waxa ay madaxda Dawladdana ka dhigaan ‘MADAX-SILLOON’;

Tusaale:- Xeerarkaas Xun-xun (Bad Laws) waxaan Tusaale u soo qaadanayaa oo ka mid ah sida ‘Xeerka  Lr. 14/2011’

 Waxa dalka ka jira ‘Maqnaansho iyo Qaddarin La’aan Xeerarka + Nidaamka Dawlanimo ee JSL’. Waa qabyo oo uma dhamaystirna dhammaan Shuruucdii iyo Xeerarkii ay u baahan tahay Dawlad Islaam ahi ee la rabay in dalkan JSL uu yeesho si waafaqsan Qodobka 38 (4-t) ee Dastuurka JSL, Xeerarka maanta dalka ka jiraana ma aha kuwo madaxda dalku ay qaddariso, arimahaasina waxay sababeen inay ka dhashaan dhibaatooyin ay ka mid yihiin sida;

1) Aqoonsasho La’aan Shuruucda Dalka; Soomaalidu waxay tidhaahdaa ‘QOFKU WAA U CADOW WAXAANU GARAYN’

2) Waxay Bulshada ka dhigtaa ‘Bulsho Ku Dhisan Hebelo’ (Nation of Men) halkii ay ka ahaan lahaayeen ‘Bulsho ku dhisan Sharci iyo Nidaam’ (Nation of Law and Order);

3) Waxay keentaa ‘Sinaansho La’aan’ xaga fursadaha iyo khayraadka dalka;

4) Waxay dhalisaa ‘Habrasho’;

5) Waxay keentaa in ‘Rabitaanka Madaxdu’ (The Will of The Rulers) uu ahaado Sharciga ugu sareeya dalka lagu Maamulo. Rabitaanka madaxduna ama Dadkuna waa ‘Rabitaan aan La Saalin karin’ (un-predictable Will), oo qofku wuxuu yahay mid isla bed-bedela Duruufaha ku xeeran iyo Xaaladaha, mar wuu cadhaysan yahay, mar wuu faraxsan yahay, mar wuu hurdaa, mar wuu qoslayaa, marba waa si’;

6) Waxay Keentaa Guulwadaynta iyo Nacamlaynta ayaa badata. Maxaa yeelay Dalka Sharcigii baan shaqaynayn;

7) Waxa Abuurma ‘KELI-TALISNIMO’ (Dictatorship); iyo arimo badan oo kale oo badan.

 Waxa dalka ka jira KALA DUWANAANSHO BULSHO ee dhinacyo badan:-

Sida Bulshadeena oo ku kala duwan sida:- Xaga Waayaha; Xaga Aqoonta; Xaga Da’da; Xaga Khibrada; iwm

 Waxa dalka ka jira MADAX iyo HAY’ADO ah MUDDO-DHAAF:-

– Baarlamaanka (Golaha GUURTIDA iyo Golaha WAKIILADA);

– Goleyaasha Deegaamada Dalka; iwm. Waayo Dalka waxa ka maqan wixii keeni lahaa in la xisaabtamo (Accountability), oo Dawladnimadii iyo Hay’adaheedii ayaan ahayn kuwo ‘XIL-KAS’ ah (there is no Responsible Government) waayo waxa maqan SHARCIGII!!

 Waxa dalka ka jira DHISMEYAAL HAY’ADO bilaa Sharci Ku Dhisan oo ‘LA MEHER XADAY’; iyo kuwo (arimo) ku dhashay ama ku yimi ‘Meher ka Horaysiis’.

Dhismaha dadka (Human Bodies) iyo Dhismaha Dawladnimo (Governmental Bodies) waxay yihiin kuwo la soo kala dheegtay oo is shabaha. Sidaas darteed, ‘Meher Xadka’ waxa la lumiyey oo lagu xadgudbay Xuquuqdii Sharci ee cidda ‘WELIGA’ ahayd ee dhismaha ka kor la weydiisan lahaa kaas oo ah ‘Baarlamaanka’. Sidoo kalena, ‘Mer Ka Horaysiisku’ waxa isna la lumiyey xuquuqdii sharci ee ILMAHA oo dhaxalka aabihii ayuu ka qadayaa; ama Hay’ad ahaana ‘GO”AANADA’ iyo Talaabooyinka ka dhashay Hay’addaas Dawladeed ee Sharci darada lagu dhisay ee hore loo meher xaday, ayaa waxay waayeyaan RAADKII iyo MIISAANKII SHARCI ee ay yeelan lahaayeen oo waa kuwo ‘Waxba Kama Jiraan ah’ (Null and Viod).

– Sharci ahaan arimahaasi waxay luminayaan Xuquuqo badan; Natiijada arimahaas iyo raadadka Sharci ee ka ratibmayana waxay noqonayaan kuwo Sharci-daro ah isla markaana fasaqayo Qiyamka bulsho iyo Nidaamka Dawladnimo;

– Arimahaas si loo ogaado xaaladooda Sharcina waxa lagu Hal-beegaa ama lagu Bardaamiyaa Mabda’a Xeer-Dhaqameed ee ah “HAL-XAARAAN AHI MA DHASHO NIRIG XALAAL AH” iyadoo laga duulayo Mabda’a Hal-beega Xeer-Dhaqameed ee kale ee yidhaahda “HAANI GUN BAY KA TOLANTAA”. Isu taga labadaas Mabda’a Xeer-Dhaqameedna waxay siinayaan qofka baadhaha (Researcher) ah sida Saxafiga, Qareenka, Garsooraha, iwm, natiijo sax ah oo uu ku gaadhi karo go’aan sax ah;

TUSAALE:- Hay’adahaas bilaa sharciga ku dhisan ee la ‘Meher-Xaday’ waxa ka mid ah:- 1) Xafiiska Xeer ilaalinta Guud ee Qaranka; 2) Wasaaradda Caddaaladda; 3) Xafiiska Garyaqaanka Guud ee Qaranka; 4) Xafiiska Kaalmada ee Madaxtooyada; 5) Hay’adda la Dagaalanka Musuq-maasuqa; 6) Hay’adda Shaqaalaha dawladda; 7) Wasaaradda Warfaafinta iyo Wacyigelinta; 8) wasaaradda Madaxtooyada; 9) Wasaaradda Maaliyadda; 10) Wasaaradda Duulista iyo Hawada; 11) Wasaaradda Hawlaha Guud; 12) Hay’adda doorashooyinka Qaranka; iwm. Dhamaan hay’adahaasi waxa yihiin kuwo ku dhisan bilaa sharci, waana Hay’ado la Meher-xaday cidda Meher xadayna waa Madaxweyneyaasha, oo waxay ahayd intaan hay’adahaas la dhisin in Baarlamaanka dalka la soo weydiisto ogolaanshahooda dabadeedna sidaas Baarlamaanku uu Xeer ku soo saaro. Sharcigu muxuu dhismaha Guurka uu u ilaaliyey waxay tahay waxa la diidayaa in aanay lumin silsilada nasabnimi iyo siday isku iskugu xidhxidhan yihiin. iyo inaanu Fasaqmin Qiyamku ummaddu oo aanay badanin dadka Garacda ahi, oo bulshaduna u noqonin Bulsho bilaa Qiyam ah. Markaa maanta dhamaan dadka madaxda ka ah Hay’adahaas Daawladdu iyaga ayaa iskaga ‘CAQLI-KEEFA’ oo kolba siday iyaga la ahaato ayey wax u maamulaan. Baarlamaankii laga xishaan lahaana Caanihiisa iyo Dhaameelkiisa yar buu iska qaataa, dabadeedna xaalku waa sida ‘AWR-DABAR LA”AAN DHACAY WAXA CUNA DUGAAGA’!!?

 Waxa Dalka ka jira ‘Dawladnimadeena oo ah mid sida GEED QALOOC KU BAXAYA’ oo Haddaan Dhakhso Loo Toosin Dhib badan Lagala Kulmi Doono Toosinteeda.

– Qaloocaas dawladnimada galay waa mid ka yimid Qalooca galay xaga Sharciga, kaas oo ka bilaabmay kadib markii AXDI QARAMEEDKII (NATIONAL CHARTER) la baal maray;

– Qaloocaas Sharciga inaga galayna waxa uu yahay mid saamayn weyn ku yeeshay dhamaan dhismaheena dawlanimo iyo Dhismaheena Dhaqan iyo Qiyam ahaan;

Dawladnimadii, Madaxnimadii, Dhalinyaronimadii, Odaynimadii, Aqoonyahanimadii, Dadnimadii, Xildhibaanimadii, Raganimadii, Dumarnimadii, iyo dhamaan wax walbaaba way inaga qaloocdeen. Waayo wixii aynu samaysanay ee Dawladda ahayd ayaa waxay tahat mid cidla ah oo aanay wax badan oo Shuruuc iyo Nidaam ahi aanay inooga oolin. Xataa intii yarayd ee aynu dhiganay haddii aynu ku eekaanayno waxba may ahaateen oo sidan maanta waynu dhaami lahayn. Runtii mar wax liidata aad miciin bidid waxad kala kulmaysaa dhib badan.

 Waxa dalka ka jira GIDAARO UU DHISAY SHAYDAANKU oo Bulshadeena uu ku kala ooday Bulshada;

 QASRIGA Madaxtooyada dalkan JSL waxa ku yaalaya Qol-Shaydaan oo anigu aan ugu magac daray ‘QOLKA MUGDIGA AH (a Dirty Darkroom)’. Qasriga madaxtooyada dalku waa xudunta ay ka soo unkantamaa Madaxtinmada, Qaabdhismeedka dawladnimo, iyo jaranjarta nidaamka Madaxtinimo iyo Hanaanka Maamulka Guud (Public Administration System) ee dalku, taas macnaheeduna waxa qolkaas gudihiisa ku jira dhamaan Hantidii Umaadda, Dadweynaha JSL oo ay ku jiraan Saxaafadda Madaxabanaan, Qareenada, Baarlamaanka, dhammaan hay’adaha dawladda ayaa ka dhex dhisan.

Waa qormo sawir oo Dhaliilid Wax Dhisid ah (Positive Critizism) oo ku waajahan xaga Maamulka Guud (Public Administration) oo sawir fiican kaa siinaysa nidaamka maamul xumo ee dalka ka jira, isla markaana si sahlan loogala soo dhex bixi karo fahamka nooca ISBEDELKA loo bahay waxa uu yahay. Dhammaanteen waxaynu ku wada jirnaa qolkaas mugdiga ah ee wasakhaysan (a Dirty-Darkroom). Dhammaan Saxaafaddu waxay ka soo dhex waramaysaa waa gudaha qolkaas madow. Dhammaan Sharciyaqaanadu waxa ay qareeno ka yihiin dhacdooyinka dhabaato ee ka dhex dhacaya qolkaas mugdiga ah. Dhammaan garsooreyaashuna waxay ka garqaadayaan oo ga’aano ay ka soo saarayaan isla Falalka-Dhibaabo ee ka dhexdhacaya qolkaas araga daran ee mugdiga ah. Sidaas ayaa Caddaaladeenuna ay u indho la’dahay.

Qolkaas Gudihiisa ayaa loo tartamayaa oo la rabaa inaya Doorashooyin Dimuquraadi ahi ay ka soo baxaan

Qolkaas Gudihiisa ayaa Mucaarid ku sheega iyo Muxaafid ku sheega cidla ka wareer ahina ka dhex yeedhayaan;

Waa Mucaaridnimo indho la’aan ah iyo Muxaafidnimo indho la’aan ah!!?

Haddaba, qolkaasi oo sababa in madax kasta oo gashaa ay kala kulanto dhibaato, sidoo kalena iyana (madaxdaas) ay bulshaduna kala kulmaan dhibaatooyin. Qolkaas mugdiga ahina dhibaatooyinka uu sababa waxa ka mid ah sida:-

– Maamuleyaal Indhool ah (Blind Administrators), kuwaas oo qolkaas mugdiga ah gudihiisa qo

– Maamul Xumo ayaa Qolkaas Mugdiga ah ee Dalka looga taliyo ka jirta, ‘MAAMUL-XUMONA-WAA-ARGAGIXISO’ (Maadministration is a Terrorism), waana isha ay ka timaado ARGAGIXISADU. Soomaalidu waxay tidhaadaa ‘Rag Ciil Caddaab Ka Dooray‘, waayo Dhegxumo Nimaan Dalkiisa La Jeclayn, Ayaa Xumo Lagu Dirqiyaa.

Qolkaas Mugdiga ah gudihiisa maanta waxa ka taliya C.llaahi CUKSE oo ka mid ah Saxifiyiintii soo saartay baaqii Tixraac: WARGEYSKA JAMHUURIYA Cadadkiisa 3949 ee isniin, August 17, 2009. Baaqaas oo ahaa mid qayb weyn ka ahaa baadhitaankii sharci ee aan hore u sameeyey.

Mararka Qaarkood waxaad arkaysaa iyadoo ay iskaga Khaldamayaan ama isku dhex milmayaan AFKII CUKUSE; AFKII Shakhsi ee SIILAANYO iyo AFKII MADAXWEYNENIMO. Dhammaan Armihaas waxa nidaamiya oo inay isku khaldamaana kala ilaaliya waa Sharciga!! Mee Sharcigii?!! Mee Nidaamkii Dawladnimo?!!

Muwaadin bal ka waran haddii ay ‘KHIIBRADI BUKOOTO MAXAA LAGU DAWEEYAA’ ?!!

Haddii TACLIINI WAXA ILAYN WAYDONA MAXAA NUURIYAA?!!

Waa Maxay Hawsha Garyaqaanada iyo Saxaafadda laga sugayaa?

1- Waa inay daba galaan xaqiijinta arimahaas sare aan kaga soo waramay;

2- Waa Inay is Kaashadaan labada Urur ee kuwa qareenada iyo kuwa Saxaafaddu;

3- Waa inay abuuraan jewi Sharciyeed iyo jewi xasilooni;

4) Waa inay illaahay ka baqaan oo ay la dagaalamaan nidaamkan guulwadaynta, is-raciyadaynta iyo fasaqaada qiyamka umadnimo ee laguna madaxda Dawladda, dadka Dhaqaalaha leh iyo Siyaasiyiintuba ay ku la dagaalamayaan madaxda dhaqanka ee lagaga faa’iidaysanayo baahiyahooda iyo duruufaha ku xeeran. Waayo Soomaali Oday baynu dheerayn ODAYNIMADII iyo GUURTINIMADIINA waad aragtaan maata xaaladda ba’an ee ay ku sugan yihiin, waa xaalad gurmado u baahan. Waayo, haddii kale waxaynu noqonaynaa dad BILAA MARJAC ah, oo BILAA ASAL ah. Taasna illaahay baynu ka magan galnay.

 Arinba Allaa Leh

Wa Billaahi Tawfiiq

 Garyaqaan Maxamed Xasan Siciid (Salli-Dhage)