Ilaalada Xeebaha Talyaaniga Oo Badbaadiyay Boqolaal Muhaajiriin Ah Iyo Qaar Ku Dhintay Badda

Lampedusa, (SLpost)- Ciidamada ilaalada xeebaha dalka Talyaaniga ayaa sheegay inay soo badbaadiyeen boqolaal tahriibeyaal ah oo la socday in kabada 15 doonyood, shalay axaddii, waxaanay doraad oo sabti ahayd soo badbaadiyeen in ka badan 3,700 oo tahriibe.

Ciidamaa ayaa sidoo kale sheegay inay dhinteen tobaneeyo ka mid ahaa dadkaa muhaajiriinta ah, kuwaasoo ku dhintay meel ku dhaw xeebaha dalka Libya, maalmihii lasoo dhaafay.

Tahriibeyaashan ay ciidanka Talyaanigu badbaadiyeen oo dhamaantood rag ahaa, waxaanay ciidamadu sheegeen inay qabteen laba qof oo iyaga loo shakiyay inay yihiin ku dadka tahriibinayay.

Waxaana dhamaan dadkii shalay la soo badbaadiyay la geeyay Talyaaniga, gaar ahaan Jazeeraddaha Lampedusa, Sicily iyo Clabria.

Iyadoo lagu guda jiro xilliga Kuleylaha iyo badda oo deggan ayaa la filayaa in tirada dadka muhaajiriinta ee baddaha isku soo biimaynayaa ay  kordhaan.

Somalilandpost.net