“Ilaahay magaciisa ayaan ku dhaartaye waxan is leeyahay hadii sida maanta aad dadkaaga u taqaan aad u aqoon lahaa 1981kii in aanan marnaba qori u qaadateen Siyaad Barre.” Cali Guray

Qiimaha ay Somaliland dadkeeda ku joogto qof kasta oo ogi ma qaadan karo inu daawado ama aqbali karo sida ay dawladnimadeedi maanta tahay. Wixii laga dagaalamay ee naf iyo maalba loo waayay ee dal iyo dadba loo burburay hadii uu ahaa dulmigii iyo cadaalad daradii Taliskii Siyaad Bare waxay ahayd in wixii loo dagaalamay uu ka duwanaado wixii laga dagaalamay lakiin nasiibdarro waxad moodaa inay isku mid uun yihiin taas oo aan u arko ayaan darro.

Hadii aan sax u arko maanta dulmiga iyo cadaalad darradu heerka ay gaadhay markaa waxan ka marag kacay in Siyaad Barre uu sax ahaa oo aan anigu qaldanaa taas oo shakhsi ahaan anigu aanan liqi Karin. Lakiin waan ogahay in dadkaygu aanay waxba ka xasuusan wixii shalay soo maray wax cashar ah oo haba yaraato ay ka bartaana jirin. Marka waa caadi in dhibaatadii shalay ay hadana ku soo noqnoqoto. Anigu waxan qabaa dulmi iyo cadaalad darro diid oo dulmi iyo cadaalad darro ogolow inay is burin tahay. Maanta Somaliland waxaynu dugsanaynaa waa magac uun ee dawladnimo beri hore ayaynu luminay halka aynu ku socono ee u sacbinayno maalin aan maanta ahayn ayaynu garan doonaa. 

Maanta waxa inoogu mudan oo fariid ah ka arinkiisu yahay WIXII DHACAYABA DHANKAAGA QABSOO AFKAAGA KA DHAWR WAXBAA DHACAY.

Ilaahay magaciisa ayaan ku dhaartaye waxan is leeyahay hadii sida maanta aad dadkaaga u taqaan aad u aqoon lahaa 1981kii in aanan marnaba qori u qaadateen Siyaad Barre, SNMna ka mid noqoteen laakiin talo isuma kaa sheegto. Waxan garan waayay aniga oo 28 jir ah anigoo lixdan kor u dhaafay garashadeedu waxba iiguma fillo. Markaa kii xanaaqayaa ha xanaaqo wixii run ah waan sheegi ama si fiican aan u dhigo ama si xun runi waa run wax aan run ahayna ma sheego.